Dhimashadii ugu badnayd ee COVID-19 iyo garaafka oo kor ugu kacay ku dhowaad 3 Milyan.

Warbixin: By. Carraale M Jaamac Freelance Journalist and Human Rights Activist

New York (ANN)-Dalka Maraykanka , ayaa waajahay xaalad adag kadib markii dhimashadii ugu badnayd ee Caabuqa Coronavirus, (COVID-19), ay ka dhacday, iyadoo inta la ogyahay shalay oo keliya la diiwaan geliyay dhimashada 2494, qof, taas oo noqotay dhimashadii ugu badnayd maalin keliya tan markii uu dalkaa sida weyn ugu faafay Coronavirus.


Sida ay shaacisay jaamacaadda caafimaadka ee Johns Hopkins ee dalka Maraykanka, waxay xaaladdu noqotay mu id faraha ka baxday, kadib markii ay tirada dhimashadu gaadhay, 53,511, tirada dadka uu asiibay caabuqa ee gudaha dalka Maraykanka, aya gaadhay ku dhowaad hal malyan oo qof.


Warbixinaha dhanka caafimaadka ee xarumaha lagu kaydiyo xogta Caabuqa halista ah ee ku faafay dunida Coronavirus, ayaa muujinaya in Maraykanka iyo dalalka Yurub ee Britain hormoodka u tahay ay yihiin kuwa uu sida weyn dhirbaaxooyinka ugu dhiftay Coronavirus, isla markaana sababay dhimashada ugu badan.

Laga soo bilaabo Desember markii uu Coronavirus kasoo bilaabmay dalka Shiinaha Desember 2019, ee ku faafay dunida, waxa uu gaadhay 210, dal oo dunida ah, iyadoo tirada dhimasada ee la xaqiijiyay ay gaadhay inta la ogyahay 206,681 qof, kuwaas oo Maraykanka iyo dalalka Yurub ee Ingiriisku kow ka yahay ay noqdeen kuwa dhimashada ugu badan ee Coronavirus.

Sida ay muujinayaan warbixinaha caafimaad ee April 26, 2020, kasoo baxay xarumaha lagu diiwaangeliyo xaaladda caabuqa iyo xogta dadka uu asiibay ee Aduunka, kuwaas oo sheegaya in tirada dadka uu xannuunka Coronavirus haleelay ee Aduunka, ay hadda ku sii siqayaan sedax milyan oo qof oo ay gaadheen 2,987,098 qof, halka 876,479 qof kasoo kabteen caabuqa COVID-19.

Dalalka Maraykanka, ingiriiska, Spain, Italy, France, Germany, United Kingdom, Turkey, Iran iyo China, ayaa noqday dalalka safka hore kaga jira caabuqa Coronavirus, iyadoo dalka Turkey hadda kusoo biiray dalalka ay dadka ugu badan uu asiibay xannuunku.

Wadamada safka hore kaga jira kuwa uu sida xun u saameeyay Coronavirus, ayaa ah kuwii xagga dhaqaalaha, awoodda Millateri ugu faani jiray aduunka, kuwaas oo ay hormood u yihiin Maraykanka iyo xulufadiisa Yurub, balse dhammaan horrumarkii dhaqaale, Tignoolaji, Millateri iyo xadaaradii waxa beeniyay caabuqa Coronavirus ee dhulka dhigay dhaqaalaha Aduunka, kaas oo sababbay in ay Maraykanka, Britain iyo kuwo kale noqdaan kuwo kaalmo weydiista dalal aannay horre ugu hunguroon jirin.


Coronavirus, oo kasoo bilaabmay dalka Shiinaha, gaar ahaan magaalada Wuhan ee gobolka Hubei, Desember 2019, wuxuu caabuqa COVID-19, oo kasoo faafay halkaa, waxaana ka qaylisay dunida oo dhan .


Fayriska ku faafay Adduunka oo dhan oo isaga gudbay dacalada iyo daafaha dunida, isla markaana ka qoqobay isu socodka aduunka, iyadoo dhinaca kale uu si weyn dhulka ula silay dhaqaalaha aduunka, gaar ahaan dalalkii sheeganayay inuu hormood u yihiin dhaqaalaha aduunka,kuwaas oo hormood u yihiin Maraykanka, Dalalka Yurub iyo kuwa Khaliijka ee saliida qaniga ku ahaa, kuwaas oo saamaynta ugu xun uu ku yeeshay Coronavirus.

AKHRI: Maraykanka: khuburada Sayniska, Xeel-dheerayaasha xannuunada Faafa Iyo Saraakiisha Caafimaadka Oo isku Murgay