Boqor Salmaan Iyo Wiilkiisa, ayaa la kantiimeeyay, ku Dhowaad 150 Qoyska Sucuudiga ah ayaa laga helay COVID-19


Warbixin: By. Carraale M Jaamac Freelance Journalist and Human Rights Activist.


Riyadh(ANN)-Amiirka Sucuudiga Faysal bin Bandar bin Abdulaziz Al Saud – oo ah Badhasaabka caasimada Riyadh oo 70 jir ah, ayaa ku jira xaalad aad u culus ka dib markii uu ku dhacay cudurka fayriska, sida ay qortay jariidada New York Times, oo soo xiganaysa warar ay ka heshay dhakhaatiir kusugan Cusbitaalada dalka iyo ilo wareedyo kale oo ay ku jiraan dad caan ah oo ka tirsan qoyska Al Sacuud.


Sida ay sheegtay New York Times, waxa la xaqiijiyay inuu Coronavirus haleelay ugu yaraan 150 kamid ah qoyska talada Sacuudiga haya, iyadoo karantiin la geliyay Boqor Salman bin Abdulaziz Al Saud iyo wiilkiisa dhaxal sugaha ah Maxamed Bin Salman. oo laga helay COVID-19.


Dhinaca kale, Amiir Cabdi Raxmaan Bin Saacid Bin Abdulaziz Al Saud oo kamid ah qoyska talada haya ayaa bartiisa Twitterka ku xaqiijiyay in 150 kamid ah qoyska Al Sacuud ay la xannuunsanaayan Covid-19.


Mas’uuliyiinta uu asiibay Carona waxaa kamid ah amiirka mandiqadda Riyaad ee Sacuudiga iyo xubno kale, Amiir Cabdi Raxmaan Bin Saacid Bin Abdulaziiz oo kamid ah qoyska talada haya ayaa bartiisa Twitterka ku xaqiijiyay in 150 kamid ah qoyska Al Sacuud ay Covid19 la xanuunsanayaan.

“Warka sheegaya in dadka Coronavirus qaba ee Sacuudiyaanka ah ay gaadheen 3000, oo qof, waa sax waxaana kamid ah 150, ka mid ah qoyska Al Sacuud, Allah ha caafiyo bukaanada wadankayga” ayuu yidhi Amiir Cabdi Raxmaan Bin Saacid Bin Abdulaziiz.

Waxa kale oo ka hadlay arrintaa Fahad Bin Muscab Bin Sacuud oo kamid ah xubnaha ugu dhow Maxamed Bin Salmaan, isagoo xaqiijiyay warka sheegaya in xubno kamid ah qoyska talada haya uu ku dhacay Caabuqa COVID-19, “Amiirku waa insaan oo dadka caadiga ah ayuu lamid yahay waa xannuunsan karaa waana caafimaadi karaa” ayuu yidhi, Amiir qoyska Al Sacuud ah.

Waxaa jira kumanaan Amiirro Sacuudiga ah iyo Dad badan oo kale oo si joogto ah ugu safraya Yurub, waxaana la rumeysan yahay inay qaaekood fayriska kasoo qaadeen dibadda oo ay dib ugu soo celinayaan Sacuudi Carabiya, sida lagu sheegay warbixinta New York Times.


Boqor Salman iyo Wiilkiisa, Maxamed Bin Salman, ayaa lagu daray Liiska hoggaamiyayaasha dulmiga iyo xad-gudubka, kadib gumaadka iyo bur-burka ay ka sameeyeen dalal badan oo ka mid ah Islaamka, kuwaas oo ay ugu horrayso Yemen oo muddo shan sanandood ah ka wadeen Sacuudi Carabiya iyo qaar ka mid ah xulafadooda gobolka dagaalka ba’an ee duqaynta aan loo aabayeelin, tan iyo bishii March 2015, iyagoo doonayay sidii ay Abdo Rabbo Mansoor Hadi ugu soo celin lahaayeen awoodda, isla markaana u bur-buraan dhaqdhaqaaqa Xuutiyiinta Ansarullah.


Balse Sucuudiga iyo xulufadiisa, ayaa ku guuldaraystay arrintaa, waxayna sii wadaan weli duqanta Yemen, In ka badan kalabadh Cusbitaalada iyo rugaha caafimaadka ee Yemen ayaa la bur-buriyey, ama la xidhay intii lagu jiray dagaalka qadhaadh oo weli duqaynta ay socoto. sidoo kale, waxa la bur-buriyay goobaha waxbarashadda iyo adeegyada caafimaadka, Wersheddaha iyo goobaha wax-soo-saarka iyo dhammaan adeegyada aasaasiga ah, kuwaas oo dhulka lala simay.


Hay’adda Xogta Dhacdooyinka Goobta iyo Khilaafaadka hubka ee fadhigeedu yahay Maraykanka iyo Mashruuca Xogta Dhacdada (ACLED), oo ah hay’ad cilmi-baadhiseed oo aan dawli ahayn, isla markaana ku takhasusay xog ururinta kala-guurka, falanqaynta, iyo khariidadda mashaakilka oo tilmaanta taariikhaha iyo goobaha ay ka dhacayaan rabshadaha siyaasadeed iyo dhacdooyinka dagaalka, ayaa ku qiyaasaysa in dagaalkaas ay ku dhinteen in ka badan 100,000 oo qof shantii sanadood ee la soo dhaafay.


Ugu yaraan 80% ee 28 milyan oo dadka Yemen ah waxay ku tiirsan yihiin gar-gaarka, waxayna Qaramada Midoobay ugu yeedhay Nolosha Yemen dhibaatada bini’aadannimo ee ugu xun adduunka muddo shan sannadood ah.


Sacuudi Carabiya iyo dalka Isutagga Imaaraatka Carabtu waxay ka iibsadeen hub balaayiin dollar ah Maraykanka, Faransiiska iyo Boqortooyada Ingiriiska si ay usii wadaan dagaalka ay kula jiraan Xuutiyiinta Ansarullah ee Yemen.


Dhinaca kale, Sacuudiga, ayaa lagu eedeeyaa inuu yahay abaanka dalalka reer galbeedka ee Maraykanka, Faransiiska, Boqortooyada Ingiriiska iyo Israa’iil, wuxuuna qayb ka noqday dagaalka lagu bur-buriyay dalal badan oo ahaa hoygii xadaaradda iyo taariikhda Islaamka, sida Yemen, Ciraaq iyo Suuriya, Liibiya, Soomaaliya iyo kuwo kale, isla markaana wuxuuna xilligan ku jiray sidii Falstiin meesha looga saari lahaa, isla markaana loo fulin lahaa qorshaha Yuhuuda iyo Maraykanka ee ay xulufada yihiin ee Trump ku doonay in Qudus noqoto Caasimada Yuhuuda ee Israel, iyadoo qoyska Salman xabsiyada ka biixiyeen Culimada ka hortimi, ama ka fatwooday dhibaatooyinka uu maleegayo ee ay wadaan Maraykanka iyo xulufada Yuhuudu, taas oo gebi ahaanba la doonayo Qudus ay kula wareegto Israel.


Sidoo kale, qoyska Salman, ayaa waxashnimadii ugu xumayd lagu eedeeyay, kadib markii Suxufi Jamal Khashoggi 2 October 2018, nolosha lagu goo’gooyay gudaha safaraada Sucuudiga ee Turkiga, iyadoo fulinta fawshaa loo xilsaaray 16 sarkaal oo ay ku jiraan ilaaliyaha khaaska ah ee Maxamed Bin Salmaan, waxaa sidoo kale xabsiga dhigay boqolaal ka mid ah qoyska, kuwaas oo qaarkood ka horyimi qorshaha Salmaan iyo Wiilkiisu ay wadaan, halka kuwo kalena ay xukunka isku khilaafeen, iyadoo Hay’addaha Xuquuqda Aadamuhu, marar badan ku eedeeyeen Sucuudiga dulmiga iyo xad-gudubyada ka dhanka ah dagaalka Yemen iyo ficilada xun-xun ee ay kula kacayaan Culimada iyo dadka aqoonyahanka ah ee u dhashay dalkiisa.

Turkiga oo ka hadiwaayay dilka Jamal Koshoggi, ayaa sidoo kele marar badan uga digay qoyska Salman inay dhibaateeyaan Culmiga iyo dadka aqoonta leh ee Islaamka, isagoo ka digay inuu la kulmi doono halaag haddii uu sii wado dilka Culmida, wuxuuna La-taliyaha Rejip Dayib Ardogan qoraalo kale duwan oo uu marar u diray qoyska Salman u sheegay in uu ka laabto ficilada lagu laynayo Culimda, maadaama ay yihiin kuwa dhaxlay Ambiyadii iyo Rusushii uu Ilaahay usoo diray dunida ee ugu danbeeyay Nebi Maxamed CSW, walaw aannay Boqor Salman iyo wiilkiisa awoodda badan aannay dheg jalaq u siin digniinaha Turkiga ee nasteexa u ahaa.


Coronavirus oo si weyn ugu faafay dunida, tan iyo markii uu Desember 2019, kasoo bilaabmay dalka Shiinaha, wuxuu si weyn ugu baahay dunida oo dhan, balse dalalka ay xulufada yihiin Sucuudiga iyo saaxiibadii ee Maraykanka, Faransiiska, Boqortooyada Ingiriiska iyo Israa’iil, Ispaanishka iyo kuwo kale, ayuu si baaxad weyn u weerraray Fayrisku, kuwaas oo ugu kala horreeya sidii ay u kala sheeganayeen Tignoolajiyad, xadaarad, dhaqaale, horrumar iyo cudud Milateri, taas uu beeniyay Fayriska COVID-19, xiligana wuxuu Coronavirus garaacay Albaabada Qasriyada Sucuudiga ee reer Al Sacuud oo lagu dhaleeceeyo inay noqdeen Albaabadii duliga iyo dulmiga Islaamka.