• Xaalada Hargeysa ee Cronavirus oo lagu calaamadiyay casaan marka loo eego magaalooyinka kale ee Somaliland.
  • Digniinno Ku Waajahan Bulshada Somaliland COVID-19

Hargeysa(ANN)-Xukuumadda Somaliland, ayaa shaacisay in qofkii saddexaad ee u geeriyooda xannuunka Coronavirus ku dhintay maanta Magaalada Hargeysa ee Caasimada Somaliland, iyadoo dhinaca kale ay kordheen kiisaska xannuunka ee lagu arkay dalka.


Qofka dhintay, ayaa noqonaya qofkii saddexaad ee guud ahaan Somaliland, isla markaana uu noqonayo qofkii labaad ee ugu inta la ogyahay magaalada Hargeysa COVID-19, halka qofkii u horreyay ku dhintay magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal.

AKHRI: #Somaliland Dhimashada Iyo Korodhka Coronavirus


Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka ee Somaliland Cumar Cali Cabdullaahi Badde oo xubin ka ah guddiga heer qaran ee ka hor-tagga iyo xakamaynta xannuunka Covid-19, oo maanta kula hadlay weriyayaasha xafiiskiisa, ayaa sheegay in Magaalada Hargeysa qofkii saddexaad ugu dhintay Xannuunnka.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka ee Somaliland Cumar Cali Cabdullaahi Badde


Dhinaca kale, wuxuu sheegay Cali Cabdullaahi Badde in 11 qof oo cusub laga helay xannuunka Covid-19, taas oo tirada guud ee dadka laga helay xannuunka gudaha Somaliland ka dhigaysa 23 Qof oo intooda badani ku nool yihiin magaalada Hargeysa.


Dadka Cusub oo laga helay Cudurka, ayaa kala jooga magaalooyinka Burco, Yufle oo Ceergaabo ah, Boorama iyo Hargeysa, taas oo maagaalada ka dhigaysa mid qaadatay calaamada Casaanka marka loo eego magaalooyinka kale gudaha Somaliland sida lagu muujiyay Degelka lagu kaydinayo xogta xannuunka COVID-19 ee Somalilandcoronavirus.

Dhinaca kale, wuxuu bulshada ugu baaqay in ay yareeyaan safarada ay ugu kala safrayaan magaalooyinka, isagoo bulshada ku adkeeyay inay ilaaliyaan nidaamka si looga badbaado xannuunka oo xilligan ay caddahay inuu ku jiro magaalooyinka. sidaa awgeed wuxuu usoo jeediyay dadweynaha inay raacaan talooyinka la siiyay oo is ilaaliyaan, kana feejignaadaan khatarta xannuunka COVID-19.

AKHRI: Dhimashada Qofkii U Horreeyay Ee Coronavirus, Tirada Korodhay Ee Kiisaska Cusub Iyo Digniin Ku Waajahan Bulshada Somaliland Ee COVID-19

Ilaa xilligan, waa qofkii sadexaad, ayaa u geeriyooday guddaha Somaliland Coronavirus, kaas oo si weyn ugu faafay dunida, isla markaana dalka ay jaarka yihiin Somaliland sida Ethiopia, Soomaaliya iyo Djibouti ay sii kordhayaan marba marka ka danbaysa.

Coronavirus, oo kasoo faafay dalka Shiinaha, gaar ahaan magaalada Wuhan ee gobolka Hubei, Desember 2019, waxaana xannuunka safmareenka ah ee sadheeyey dunida loo bixiyay COVID-19, tan iyo markii uu kasoo faafay halkaa wuxuu ku baahay dunida oo dhan, isagoo in ka badan 4,009,559, asiibay, isla markaana ay u dhinteen inta la ogyahay, 275,923, halka ay kasoo kabteen dad gaadhaya, 1,377,736,.

Sida ay sheegayaan warbixinaha ugu danbeeyay ee lagu diiwaaan geliyay diiwaanka xannuunka COVID-19, May 9, 2020 2 : 44 PM (GMT+3), degelka Worldometer, oo ah Degel tixraac oo bixiya tirinta iyo tirakoobka waqtiga-dhabta ah ee mowduucyada kala duwan, xilligana ah halka ugu weyn ee lagu ururiyo COVID-19, tira uu asiibay ee dunida oo dhan.

Balse waxa xusid mudan in ay tirooyinku saacad saacad isu bedelaayan, isla markaana dalal badan oo dunida ah ay si weyn u waajaheen jaah-wareer, taas oo sababtay in aan lahayn xog dhab ah oo ku saabsan baaxada faafitaanka iyo tirada dhabta ah ee dadka u dhintay xannuunka COVID-19.

Dunida oo dhan ayaa ka qaylinay Fayriska ku faafaya Adduunka, kaas oo isaga gudbay dacalada iyo daafaha dunida, isla markaana kala qoqobay isu socodka aduunka, iyadoo dhinaca kale uu si weyn dhulka ula simay dhaqaalaha aduunka oo gaadhsiiyay khasaare weyn, gaar ahaan dalalkii sheeganayay in ay hormood u yihiin dhaqaalaha aduunka, kuwaas oo ay kow ka yihiin Maraykanka, Dalalka Yurub iyo kuwa Khaliijka ee saliida qaniga ku ahaa, kuwaas oo saamaynta ugu xun uu ku yeeshay Coronavirus.

AKHRI: Fadeexaddo Kasoo Baxay Dawooyin Horre U Fashilmay Oo Maraykanka Loo Isticmaalay Coronavirus Iyo Dooddaha Ka Taagan

Fayriska, ayaan ilaa hada loo helin dowooyin iyo talaal midna, waxayna khuburada Caafimaadka iyo dhakhaatiirtu ku talinayaan in uu leeyahay ka hor-tag keliya oo ah inaad raacdo tilmaamaha iyo tallooyinka ay bixinayaan dhakhaatiirtu. sida kala fogaanshaha dadka, ilaalinta iyo taxadirka oo mar walba lagu dedeealo.

AKHRI: #Coronavirus: Doodaha Murugsan Ee Maraykanka, Sababaha Ay Nafteedta U Haligtay Dhakhtarad Safka Hore Kaga Jirtay Dagaalka COVID-19