Hargeysa(ANN)-Xukuumadda Somaliland, ayaa sheegtay in ay kordheen dadka qaba xannuunka Coronavirus ee lagu arkay dalka, isla markaana uu dhintay qofkii shanaad ee u dhinta cuddurka COVID-19. Sidoo kale ay kor u kacday tirada dadka qaba xannuunka.

Shanaad ee gudaha dalka oo ku geeriyooday magaalada Hargeysa. sidaana waxa maanta warbaahinta u sheegay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Somaliland, Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye.

Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye oo War-bixinta Maalinlaha ee Xanuunka Covid-19 Warbaahinta siinayay maanta waxa uu sheegay in in qofkii shanaad ugu dhintay Somaliland xannuunka, isagoo dhinaca kale sheegay in ay jiraan kiis oo cusub laga helay cuddurka Coronavirus,

kiisaska cusub ee la hayo ayuu ku sheegay 6 Kiis, kuwaas oo ka dhigaya tirada guud ee xannuunka dadka laga helay 40-qof oo ay ku jiraan 6-da kiis ee cusub, halka dhimashada uu kusoo kordhay qof maanta xannuunka COVID-19, ugu dhintay magaalada Hargeysa.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Somaliland, Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye, ayaa sidoo kale xusay in ay badhitaan ku sameeyeen 396, iyadoo ay kasoo bogsadeen xannuunka 3 qof.

Dhinaca kale, Dr. Xergeeye, ayaa uga mahad celiyay dawlada Imaaraadka mishiin sheybaadh cusub oo ay soo gaadhsiiyay Somaliland iyo qalab aad loogu baahnaa sida uu sheegay, wuxuuna xusay inay cid walba oo soo gaadhsiiyay deeq uga mahad celinayaan.

Xaaladda Coronavirus ee gudaha Somaliland, ayaa korodhay tan iyo markii laga shaqaysiiyay Shaybaadhka ay Somaliland ku caawisay Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan caafimaadka ee WHO.

Dhinaca kale, waxa uu sheegay in ay muuqato in aannay weli dadku si fiican u dhaqan-gelin tallaabooyinka iyo digniinaha caafiamadka, wuxuuna Dr, Xergeeye ugu baaqay bulshada in ay raacaan tallooyinka horre loo siiyay si ay uga badbaadaan khatarta, isagoo xusay in ay xalay suuqa magaalada Hargeysa u kala direen gaadiid lagu xidhay sameecado, kuwaas oo sida uu sheegay dadka ugu baaqayay in ay kal fogaadaan.