“Xannuunka Waa La Siyaasadaynayaa, Laakiin,,,,”

 

Hargeysa (ANN)- Wasiirka Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Jamhuuriyadda Somaliland Cabdullaahi Abokor Cismaan, ayaa caddeeyey inuu si rasmi ah uga bogsaday xannuunka COVID-19, wuxuuna ka hadlay sidii uu xannuunka u dareemay iyo aragtidiisa.

 

Wuxuu sheegay in baadhis uu isku sameeyey lagu ogaaday inuu xannuunkaas qabo , kadib markii uu Cusbitaalka Hargeysa isagu iskii u tegey, 5 June 2020, isagoo dareemayay xumad, sida uu ku sheegay Waraysi uu siiyay HCTV.

Wasiir Cabdullahi Abokor, wuxuu xusay in xannuunka sida loo sheegayo aannu ahayn oo la siyaasadeeyay, isla markaana la buun-buuniyay, isagoo dhinaca kale dardaaran la xidhiidha in la sameeyo waxyaabaha la iskaga ilaalin karo xannuunka Coronavirus uu u diray bulshada reer Somaliland.

“Waa dhab in 5 June 2020 ayaan si mutadawacnimo ah u tegay cusbitaalka, markaa oo aan xummad yar dareemay, waxayna 5 June igu yidhaahdeen; ‘waxa aad tahay positive (waad qabtaa xannuunka), waana Alxamdullaahi oo runtii waa xannuun oo Ilaahay ayaa keena, Ilaahay ayaana qaada,, xannuunkuna uma baahna in saxaafadda iyo meelahaas lagu qoro, aniguna waxa aan go’aansaday in aan iskarantiimeeyo, isla markaana aan qaato tallooyinka Wasaaradda Caafimaadka iyo dhakhaatiirta,” ayuu yidhi Wasiirku.

Waxaannu intaas ku daray; “Waxa aan ummadda Somaliland ku baraarujinayaa, waxa aad moodaa in la yar siyaasadaynayo, lana yara xoojinayo, laakiin xannuunkani waa duray uun, weliba durayada qofka ku dhaca waa durayga ugu fudud, waxayna ku xidhan tahay uun qofka difaaca jidhkiisa. Ilaahay (SWT) qofka uu ku dilayo asbaabo badan ayuu qofku ku dhiman karaa oo kaneeco ayaa ku dili karta, saxasho ayaa lagu dhintaa, wadno-istaag ayaa dhaca, laakiin xannuunkan Covid-19 maaha xannuun ah sida loo buunbuuninayo, waxayna ku xidhan tahay uun qofka difaaca jidhkiisa.”

Wasiirka Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland oo ka hadlay waqtiga loo sheegay inuu ka bogsaday xannuunkan, waxa uu yidhi; “Alxamdullaahi, 15 June 2020, ayaan mar labaad galay cusbitaalka, kadibna waxa aan noqday qof ka bogsaday xannuunkii, imminkana aad ayaan u fiicannahay, waanan u mahadcelinayaa dhammaanba dadkii ii soo duceeyey iyo dadkii ila soo hadlay oo aan dhammaantood u mahadnaqayo, waxaanan jecelnahay in aan bulshada u sheego in kolayba ka-hortaggu uu ka wanaagsan yahay dawada, markaa dadku inay ka taxaddiraan, iyadoo wixii Ilaahay kuu qaddaray ay halkiisa tahay, laakiin haddana taxaddirka in la sameeyo waynu u baahannahay, weliba dadka waaweyn in laga ilaaliyo, runtiina imminka aad iyo aad ayaan u fiicannahay, shaqadiina waan imid oo waan shaqaynayaa.”

Wasiirka oo la weydiiyey waxa uu ka ogyahay Guddi maamulaysa dhismaha waddada Berbera Corridor oo Madaxweynaha Somaliland oo dhawaan magacaabay, isla markaana warbixinno arrintaas laga qoray lagu sheegay in aanay guddidaasi hoos imanayn Wasaaraddiisa, balse ay toos u hoos tegayaan Madaxweynaha, waxaannu yidhi; “Waan arkay warbixintaas, waxaanad runtii moodaa in warbixintaasi ay ka been sheegtay warqadda Madaxweynaha, sida runtu tahayna maaha Guddi ee waxa la sameeyey waa unug (unit), qaab-dhismeedka Wasaaraddana haddii aad taqaanaan waxa jirta Wasaarad, waax, qayb-waaxeed iyo unug (unit), markaa waana nidaam ay Wasaaradda iyo Hay’adduba ku dhaqmaan inta badan oo imminka waxa jira afar mashruuc oo aannu gacanta ku hayno oo mid waxa aannu kala shaqaynaynaa Baanka Horumarinta Afrika, waxaanan u bixinay PTT (Project Technical Team), markaa waxa jira Maareeye hawshaas maamula, sababtoo ah inta badan Wasiirku waa xil siyaasadeed (Political position), inta badana arrimaha masiiriga ah ayuu go’aan ka qaataa, laakiin mashruuc kasta waxa aannu samaynaa koox ama unug (unit), sida SDF (Somaliland Development Fund) waxa ay leedahay PTT ama unug si gaar ah u maamula, waxayna Wasiirka ka caawinaysaa iyo guud ahaanba dowladda in shaqada lagu yeesho kormeer iyo joogtayn.

Waxa kaloo jira mashruuc kale oo imminka innaga dhamaaday oo GTZ waday, kaas laftiisuna waxa uu lahaa PTT, midkastaana waxa uu leeyahay maareeye (manager) oo sida mashruucan lagu dhisayo waddada weyn ee dhinaca woqooyi laga marinayo Hargeysa (Hargeisa bypass) laftiisu waxa uu leeyahay PTT, markaa magaciisu waa unug, mana jirto wax guddi la yidhaahdo oo la magacaabay, soo-jeedinta in guddidaas la magacaabana waxa lahayd Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Waddooyinka iyo Hay’adda Horumarinta Waddooyinka, shaqaaluhuna waa shaqaale ka tirsan Wasaaradda iyo Hay’adda, marka laga reebo maareeya mashruuca oo aannu waayo-aragnimo ku soo qaadanay, markii horena waxa aannu doonaynay in aannu ka dhigno Eng. Faarax Xuseen, sabab kalena maaha ee waddada waxa aannu isla dareensannahay in woxogaa dib-u-dhac ah ama gaabis ah (delay) uu ku jiro, markaa si loo dardargeliyo anaga, Madaxweynaha iyo Hay’adda Abu Dhabi Development Fund, waxa aannu isla garanay in la sameeyo kooxdaas oo si joogto ah oo dhaw ula shaqeeya, waana koox farsamo.”

Wasiir Cabdillaahi Abokor Cismaan, ayaa sidoo kale sheegay in qoraalka lagu magacaabay kooxda unugga ah uu dhigayo inay si toos ah warbixinta u siinayaan Madaxweynaha Somaliland, waxaannu yidhi; “Hal qodob ayaa ku jira oo odhanaya waxay si toos ah warbixinta u siinayaan Madaxweynaha, warbixintuna waxay soo mari kartaa Wasaaradda ama Madaxweynaha, taasina maaha wax weyn (big issue) oo anaga ayaaba u aragnay si uu Madaxweynuhu u noqdo mid xaaladda si joogto ah ula socda (on board) oo uu hawsha kula socdo, markii horena waxa warbixinnaha noo soo diri jiray la-taliyeyaasha (Consultant) iyo shirkadda gacanta ku haysa dhismaha, markaa maadaama oo aannu kooxdaas samaynay waxa aannu isla garannay in si toos ah Madaxweynaha loogu diro warbixinta billaha ah (montly reports), si uu isaga laftiisu xogogaal ugu noqdo, markaa sida ku cad qodobka 2-aad, qodobka 3-aad iyo qodobka 11-aad, dhammaanba kooxdaasi waa koox hoos joogaysa Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland, Wasaaradda ayaana xukumaysa haddii ay noqoto dhinaca kormeerkooda, xagga lacag-bixintooda (payments) iyo xagga hawl-socodsiintoodaba.”

Wasiir Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka, ayaa sidoo kale sheegay in dhismaha kooxda Madaxweynuhu magacaabay lagu sameeyey turjumaad khaldan, waxaannu yidhi; “Markaa waxa lagu sameeyey turjumaad khaldan oo inkasta oo aanay warqaddaas faahfaahsan ahayn mid loogu talogalay saxaafadda, haddana haddii aad u baahato adiga (weriyaha HCTV) waan ku tusi karaa, waxaanan doonayey in aan ummadda reer Somaliland intaas ka jaahil saaro, mana ah arrin Guddi lagu sheego ee waa unug ama PIU (Project implementation unit), waxa kaloo la odhan karaa PTT (Project Technical Team) oo farsamo ahaan, tayada la inoo dhisayo iyo waqtiga jadwalka, shaqada iyo hawl-socodsiinta iyo waxyaabahaas ayey iyagu yeelan doonaan Insha Allaah, aniguna waanigii yara xannuunsaday, markaa berri Khamiista (maanta) ayaannu halkan isugu imanaynaa oo ku kulmaynaa, kadibna shaqada way bilaabayaan, sidaas weeyaana hawshoodu.