Hargeysa(Araweelo News Network) Cudurka Ebola oo dhawrkii bilood u danbeeyay dhibaato ku hayay dalalka Galbeedka Afrika, isla markaana sababay dhimashada kumanaan qof, ayaa hadda u tahriibay dhinaca Qaaradaha Yurub iyo Ameerika. Kadib markii uu ka talaabay Baddaha Pacific Ocean iyo Mediterranean.

Dalka Spain ayaa lagu arkay qofkii u horeeyay ee Cudurka Ebola, kadib Haweenay ka mid ah hawlwadeenada Caafimaadka oo lagu magcaabo Teresa Romero oo 44 jir ah, waxay ka mid ahayd koox mutadawaciin ah oo dalalka Galbeedka Afrika u tegey si ay u caawiyaan dhakhaatiir u dhashay Dalka Spain oo cudurka Ebola haleelay, iyagoo ku guda jira caawimo dhinaca Caafimaadka ah oo ay u fidinayeen kumanaan dad ah oo Cudurkaasi ku haleeyay Dalalka Galbeedka Afrika.

Toban Maalmood ka hor ayay Haweenaydan ku tagtay dalkeeda fasax, balse waxa haleelayay Cudurkaa oo ay u geeriyiitay, waxaana laga cabsi qabaa 6 qof oo uu ka mid yahay ninkeedu iyo ilaa 50 qof oo ka mid ah shaqaalaha Cusbitaalka Carlos 111 Hospital , kuwaas oo baadhitaano lagu wado, kadib markii looga shakiyay cudurka Ebola.

Raysal wasaaraha Dalka Spain Mariano Rajoy, ayaa sheegay in Cudurka Ebola uu yahay khatar weyn oo soo waajahday dunida, wuxuuna isagoo xidhan Galoofis, isla markaana wata gadhigiisa maanta Jimcihii booqday Cusbitaalka Madrid hospital, wuxuuna xusay in cudurkaa oo dalalka galbeedka Afrika ku dilay in ka badan 4, 000( Afar kun) oo qof, hadda u muuqdo mid usoo talaabay Dalalka Yurub.

Dalalka Woqooyiga iyo koonfurta Qaarada Ameerika iyo sidoo kale Dalka Australia, ayaa sidan oo kale lagu arkay Cudurka Ebola markii u horaysay, kaas oo u muuqda inuu hadda si tahriib ah uga taalabay Baddaha Pacific Ocean iyo Mediterranean iyo Atlantic Ocean.

Dalka Brazil, ayaa lagu arkay kiiskii u horeeyay ee qof qaba Ebola. Sida ay sheegeen saraakiisha Caafimaadka ee Rio Dajeneiro, waxa laga helay 47 jir u dhashay dalkaa Cudurka Ebola, taas oo cabsi gelisay dadka reer Brazil. Sidoo kale dalka Australia, ayaa lagu arkay Cudurka Ebola. Kadib markii lagu arkay cudurkaa Ms Kovack oo ahayd haweenay 57 jir oo ka tirsanayd shaqaalaha Laanqayrta Cas (Red Cross) ee caalamiga ah oo ku laabatay dalkeeda Talaadadii lasoo dhaafay, taas oo ka shaqaynaysay dalka Sierra Leone oo ka mid ah dalalka Cudurka Ebola haleelay.

Ms Kovack oo ku laabtay maglaada ay degantahay ee Cairns, waxa laga helay cudurkaa, taas oo u geeriyootay, Bob Katter oo ah mudane laga soo doorto Cairns, ayaa sheegay in xaalada cudurka ay tahay khatar sidaa awgeed loo baahanyahay in qof walba oo ka yimaada dalalka Cudurku haleelay la karantiimeeyo dhawr todobaad si looga badbaadiyo khatarta cudurkaa dalka.

Sidoo kale Dalka Maraykanka, ayaa qofkii ugu horeeyay u dhintay Cudurka Ebola, kaas oo Arbacadii ku dhintay magaalada Dallas ee xarunta u ah gobolka Texas ee dalka Maraykanka, taas oo ka dhigay inuu Cudurku hadda u gudbay dacalada dunida.

Saraakiisha Caafimaadka ee Texas Health Presbyterian, ayaa sheegay in Thomas Eric Duncan uu dhintay 10 maalmood ka dib markii cisbitaalka la seexiyey, kadib markii uu magaalada Dallas tegey 20 September, isaga oo ka tegey Liberia oo dhalasho ahaan uu kasoo jeeday.

Sarkaalka Madaxa Xarunta Xakameynta iyo Ka-hortagga Cudurada ee Maraykanka Dr. Thomas Frieden, ayaa sheegay in uu aad uga xumaaday dhimashada Mr. Duncan.

Dhinaca kale Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama ayaa sheegay in la dagaalka cudurka Ebola uu yahay arrin amni qaran oo mudnaan leh, wuxuuna xusay in hanaan wax lagu baadhayo oo cusub la dhaqan galin doono, kaas oo ku waajahan baadhitaan lagu samayn doono dadka ka imanaya dalalka Guinnea, Liberia, iyo Sierra Leone ee doonaya in ay galaan dalka Maraykanka.

Mr. Obama waxa uu sheegay in Maraykanku uu leeyahay dhakhaatiirta dunida ugu wanaagsan, kuwaas oo sida uu sheegay garanaya sida loola tacaalo cuduradda faafa, isagoo sheegay inuu kalsooni ku qabo in cudurkani aanu ku faafi doonin dalka Maraykanka gudihiisa.

Dhinaca kale Dawlada Maraykanka ayaa hore u sheegtay in ay u dirayso Liberia 3,000 oo ka mid ah ciidamadeeda si ay u caawiyaan dadka sidii looga hortegi lahaa cudurkaa, kuwaas oo la shaqaynaya Hay’addaha Caafimaadka, isla markaana bixinaya tababaro la xidhiidha daryeelka dadka qaba Cudurka Ebola.

Todobaadyo ka hor Sarkaalka u hadlay WHO, ayaa sheegay in ilaa hadda ay u dhinteen dad gaadhaya 2,461 sanadkan oo keliya, isla markaana ay xaalada Ebola la liitaan tiro gaadhaysa 4,985. Sidaa awgeed waxa ay sheegtay WHO, in loo baahanyahay $1bn oo lacagta Maraykanka ah, taas oo u dhiganta (£618m), si loola dagaalamo in aanu Cudurka Ebola sii fidin.

Warbixin: By. Carraale M. Jama Freelance Journalist and Human rights Activist.

Araweelo News Network
Somaliland Office
info@araweelonews.com
E-mail Jaamac132@gmail.co