By Arraale Mohamoud Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist.

Cadan(ANN)-Dagaalada ka socda Dalka ee Woqooyiga iyo Koonfurta, ayaa yeeshay wejiyo kale, kadib markii Golaha Ku-meel-gaadhka ah ee Koonfurta Yemen ee magaalada Cadan ay ku dhawaaqeen gooni goosad iyo inay ka baxeen midnimadii ay horre ula galeen dawladdii Woqooyiga Yemen sagaashanaadkii.


Arrintaa ayaa sababtay in Magaalada Cadan laga saaro Ciidamada Madaxweyne Abd Rabbuh Mansur Hadi oo metela dawladda xulufada Sucuudigu ku keliyaysatay ee Yemen. Kadib markii dawladda Imaaraadku taageertay goosashada Koonfurta ee ay ku dhawaaqeen Golaha Ku-meel-gaadhka ah.


Dhawaaqa goosashada Cadan iyo Xiisada dagaalka ee kala qaybisay midnimadii Yemen oo u muuqata mid bur-burisay xulufada uu Sucuudigu hoggaaminayay, kadib markii Sucuudigu si toosa u taageeray Madaxweyne Abd Rabbuh Mansur Hadi, iyadoo dawladda Imaaraadku si weyn ugu badheedhay inay taageeray goosashada Koonfurta ee Cadan.
Culimada iyo Aqoonyahanada Yaman, ayaa Bayaano iska soo horjeeda kasoo saaray xalada dagaalka Yemen, kadib gooni goosadka Koonfurta Yemen ee Cadan oo dagaalo dhexmareen Ciidamada Madaxweyne Abd Rabbuh Mansur Hadi iyo Ciidamada taageersan golaha Golaha Ku-meel-gaadhka ah dagaal dhexmaray dawladda Imaaraadku duqaymo dhinaca Cirka ah oo ay ku taageeray ciidanka gooni-goosadka Cadan, taas oo sababtay sida ay sheegeen masuuliyiinta Mr. Hadi lagu dilay dhawr boqol oo ciidamdooda ah.


Ururka Aqoonyahannada Yemen oo Bayaan fatwo ah kasoo saaray arrimaha dhacaya, waxayna sheegeen inay wax laga cadhoodo tahay ficilada ay samaynayaan golaha ku-meel-gaadhka ah ee Koonfurta.


Waxayna Bayaankaa ku sheegeen in dhacdooyinka dhowaan ka dhacay koonfurta Yemen ay yihiin kuwo muujinaya baaxadda khilaafkii weynaa ee ka jiray Cadan iyo heerka ay gaadhsiisan yihiin waxay ku tilmaameen dhibaatooyin ay maleegayeen dhinacyada Koonfurta oo ay ku tilmaameen in mid kasta uu doonayo in uu xukunka gacanta ku dhigo Koonfurta Yemen.


Golaha Culimada iyo Aqoonayahanka Yemen ayaa soo saaray bayaankooda Sabtidii la soo dhaafay, waxayna si weyn ugu canaabeeyeen dawladda Imaaraadka oo taageeray goosashada Golaha Ku-meelgaadhka ah ee Koonfurta.
Qoraalkeeda, waxay Guddigu ugu baaqeen dawladda Yemen iyo dadka, iyo hoggaanka Isbaheysiga Carabtu inay si dhaqso ah wax uga qabtaan si meesha looga saaro wax ay ugu yeedheen “kacdoonka” Golaha Ku-meelgaadhka Koofurta.
Waxayna ugu baaqeen dawladda Sacuudi Carabiya inay ka jawaabto dalabka dowladda Madaxweyne Abd Rabbuh Mansur Hadi ee ku aadan in Imaaraadka si loo joojiyo weerarrada cirka ah ee uu ku qaadayo ciidamada Yaman, iyo inay joojiso dhammaan taageerada dhaqaale iyo millatari ee dhammaan qaab dhismeedka militariga ee ka baxsan gobolka iyo xukunka sharciga, isla markaana ay ku hayaan dhammaan cawaaqibka xun iyo mas’uuliyadaha khaldan.
.
Qoraalkeeda, Ururka Aqoonyahannada Yemen, ayaa lagu sheegay in talaabooyinka golaha ku-meel-gaadhka ahi ay qaadeen u adeegayaan maleeshiyaadka Xuuthiyiinta iyo mashruuca Iiraan ee doonaya inay xukumaan gobolka. sidaa awgeed waxay fatwadooda ku sheegen inay ku baaqayaan Jihaad, iyagoo adeegsanaya Aayado iyo axaadiis nabawi ah.

Bayaanka ayay ku sheegeen inuu yahay mid lagu difaacayo midnimada Yemen, guddigu wuxuu sheegay in madaxbanaanida koonfurta ee Waqooyiga ay ahayd isku day lagu soo rogayo qorshe laga shakisan yahay oo lagu wiiqayo qaranimada Yemen.


Guddigu waxay amaaneen mowqifka sharci ahaanshaha ee uu matalay Madaxweyne Hadi iyo xukuumadda iyo Golihiisa oo jawaabo ka bixiyay dhacdooyinkii u danbeeyay.


Sida lagu sheegay qoraalka Ururka Culimada Yemen wuxuu bogaadiyay mowqifka ciidanka iyo xoogaga amniga, qabiilooyinka Shabwa, Abyan, Lahj iyo astaamaha maamullada koonfurta, iyo dhamaan qeybaha rasmiga ah iyo kuwa caanka ah, kuwaas oo ay sheegeen inay diideen waxay ugu yeedheen fallaagadan oo ka jawaabaya waxa dhacaya.


Fatwadda Culimada Yemen ee cusub waxaa ka jawaabay Culimada Koonfurta Yemen, kuwaas oo Fatwadaa ku tilmaamay mid aan sharci ahayn oo la doonayo in lagu xalaalaysto dhiiga shacabka dadka Koonfurta Cadan, waxayna Culimada ka jawaabay sheegeen in ay arrintan xusuusinay Fatwo sidan oo kale ah oo mar kale lagu celiyey luqadda fatwo 1994, taas oo ay sheegeen inay sabab u ahayd caqli galnimada dagaalka 1994, isla markaana xilligan ay sii kordhinay colaada iyo Cadaawada aan wanaagsaneyn oo ay sii kordhineyso dagaalada u dhexeeya koonfurta iyo waqooyiga, maadaama xiisadda siyaasadeed ee casriga ahi ay qeyb ka tahay dagaalkaas iyo cawaaqib xumadii ka dhalatay 1994.

“Waxay ku soo gabagabowday: fatwo Ururka Aqoonyahannada Yaman, oo kicinaya dagaalkii labaad ee lagula dagaallamo reer-Koonfureedka, “qaab cabsi leh markan” sidaa waxa yidhi, Sheekh Habib al-Jacfar oo ka jawaabaya Bayaanka Fatwada Ururka Aqoonyahanada Yemen.


.
Bayaanka ayaa lagu sheegay inuu yahay mid si weyn uga cadhaysiiyay shacbiga gobolada Koonfureed kadib markii ay heleen Fatwada cusub oo ku baaqaysa jihaad ka dhan ah Koonfurta.

Akhri: Ciidamada Sucuudigu Taageero Ee Yemen Oo Duqayn Kala Kulmay Imaaraadka Markii Ay Galeen Cadan


Baaqa jihaadka lagaga soo horjeedo ee Koonfurta waxay Culimada Koonfurta ee ka jawaabtay ku tilmaameen inay tahay fatwo soo noq-noqota oo ah shirqool la doonayo in lagu banaysto dhiiga dadka Koonfurta, iyadoo bayaan siyaasadeed madaxda loogu xidhay waxay ugu yeedheen Fatwo Diineed, isla markaana ku saabsan dhiigga dadka reer guuraaga ah laguna oo mar kale la doonayo in dilay magaca diinta.


Culimada Koonfurta Yemen ee ka jawaabay Fatwada, ayaa sheegay in Aayadaha iyo axaadiista loo cuskaday arrimahan aanay ahayn kuwo ku haboon, balse la doonayo in lagu shirqoolo shacbiga Koonfurta xaqooda iyo xuquuqdooda, iyagoo ku hanjabay in cawaaqibka ka dhasha ay masuuliyadeeda leeyihiin kuwa soo saaray.


Sidoo kale waxay su’aal geliyeen sababta ay dagaalaka iyo dhibaatada ka taagan Woqooyiga Yemen iyo waxa ka dhacaya Fatwo uga soo saari waayeen, iyadoo la ogyahay ayay yidhaahdeen waxyaabaha ka dhacaya halkaa iyo dhibaatooyinka nolosha ah ee ka taagan, waxayna ku tilmaameen fatwadaa mid baalmarsan Diinta oo aan waxba ka duwanayn fatwooyin sidan oo kale horre loogu taageeri jiray tallaabooyinka Hoggaamiyayasha reer galbeedka iyo weerarrada lagu hayo Islaamka.