Araweelo News Network

Boosaaso(ANN) Wararka ka imanaya deegaanada bariga Puntland ee usii jeeda Badweynta India, ayaa sheegaya in kooxda Daacish la wareegeen saaka waaberigii iyo shalay galab.

Sida ay sheegayaan dadka deegaanka kooxda Daacish oo kasoo degey dhinaca Badda, ayaa saaka iyo shalay la wareegay gacan ku haynta magaalooyonka Calawla iyo Qandala, iyagoo aan la kulmin wax dagaal ah oo kaga yimi dhinaca maamul goboleedka Puntland ee Somalia.

Kooxda Daacish ayaa calankooda ka taagay deegaanadaa oo hore xarun ugu ahaan jiray Budhcad badeeda Somalia sanado badan, waxayna qabsashda deegaankaa ee Kooxda Daacish oo kasoo talaabay dhinaca Badda Cas kusoo beegantay xilli maamulka Puntland dagaal kula jito maamul goboleedka Gal-mudug ee Somalia oo ay ku muran sanyihiin magaalada Gaalkacayo

Dhinaca kale Dagaalyahano ka tirsan ururka ISIS/Daacish oo ka dagaallama dalalka Suuriya, Ciraaq iyo Liibiya, ayaa markii ugu horreysay si buuxda ula wareegay degmada Qandala oo qiyaastii 75km u jirta magaalada Boosaaso ee degaannada xeebta maamul-goboleedka Soomaaliya ee Puntland waabarigii shalay.
Guddoomiyihii maamulka Puntland ee degmada Qandala Mr. Jaamac Maxamed Kuurshe, ayaa warbaahinta u xaqiijiyey in dagaalyahannada Daacish oo wata noocyada kala duwan ee hubka ay la wareegeen gacan-ku-haynta magaalada iyadoon wax dagaal ah ka dhicin, haatanna kooxdaasi ka taliyaan degmadaas oo ku taal xeebta Gobolka Bari ee dalka Soomaaliya.

qandala
“Waxa ay soo galeen degmada 6:00 subaxnimo ee saaka (shalay). Markii aan waraysannay dadka degaanka iyo xubnaha golaha degaanka waxa ay inoo sheegeen in dagaalyahannada ISIS/Daacish ee qabsaday magaalada Qandala tiradoodu gaadhayso ilaa 50 xubnood oo aad u hubaysan,” ayuu yidhi Kuurshe.
Waxa uu intaa sii raaciyey, “Markii ay soo galeen degmada anteennadii isgaadhsiinta ayey jareen, dadka kulluumaysatada ahna waay u diideen inay badda galaan, inkastoo ay markii dambe u fasaxeen, balse ilaa iyo hadda iyaga ayaa gacanta ku haya magaalada, waxaanay saldhigyo ka samaysteen xaafadaha kala duwan ee degmada Qandala.”
Sidoo kale, Guddoomiyaha ayaa sheegay in shacab badan oo degmada ku sugnaa qax bilaabeen, iyaga oo adeegsanaya doonyaha kalluumaysiga.
“Hadda meelo badan oo ka mid ah degmada ayey ka taageen calanka Daacish/ISIL, waxana ka mida goobaha ay calankooda sudheen saldhigga booliska iyo waliba xarunta dawladda hoose ee Qandala, waxana istaagay dhammaan hawlihii shaqo ee ka socday magaalada,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey Guddoomiye Jaamac Maxamed Kuurshe oo sheegay inuu degmada ka maqnaa xilliga dagaalyahannada kooxdaasi la wareegeen.
Geesta kale, hoggaamiyaha xoogagga ISIS/Daacish ee qabsaday magaalada Qandala ee maamul-goboleedka Puntland oo magaciisa la yidhaa Cabdulqaadir Mumin, haystana dhalashada waddanka Ingiriiska, waxa dhowaan lagu daray liiska xubnaha kooxdaasi ee dawladda Maraykanku aadka u raadinayso, waxaanu in muddo ah isaga iyo dagaalyahanno uu horkacayo saldhigyo ku lahaayeen qaybo ka mid ah Gobolka Bari ee dalka colaaduhu aafeeyeen Soomaaliya.