Madaxweyne Silanyo oo furay mashruuca Biiyaha Hargeysa

Madaxweyne Silanyo oo furay mashruuca Biiyaha Hargeysa

Hargeysa (ANN) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa ka qaybgalay daah-fur loo sameeyey mashruuca biyo-ballaadhinta caasimadda Hargeysa ee deegaanka Geed-deeble oo maraya dhigista beeb cusub iyo ceelal dheeraad ah.
Madaxweynaha oo ay wehelinayeen masuuliyiin ka tirsan dawladda iyo wakiillo ka kala socday dalalka iyo hay’adaha qaadhaan-bixiyayaasha taageera Somaliland, gaar ahaan Midowga Yurub iyo Sanduuqa Horumarinta oo iyaguna maalgeliyey mashruucan oo ay ku bixiyeen bixiyey lacag dhan 15 milyan Uuro iyo $8.6 dollar siday u kala horreeyaan, ayaa kormeeray deegaanka Biyo-shiinaha oo ay ka socoto qodista iyo xidh-xidhka dhuumahan cusub iyo weliba goobta ay yaalaan qalabka lagaga shaqaynayo qalabkan, kuwaas oo markii dambena ka qaybgalay xaflad ballaadhan oo Wakaaladda Biyaha iyo hay’adda UN-HABITAT daah-fur uga dhigayeen bilowga beebka cusub iyo guud ahaan shaqada ilaa hadda la hirgeliyey.
“Mashruucu waxa uu ka koobanyahay; qaybta dhigidda beebka cusub oo ah 600mm lagan soo qaadayo Geed–deeble ilaa Barkada kaydka ee Hargeysa oo dhererkeedu yahay 23 Km, dhisidda Barkada kaydka iyo kaamka wayn ee laga hirgalinayo Geed-deeble, qodida afar ceel biyood oo midkiiba hoos loo qodayo 180 mitir, lagana qodoyo Hora-haadley, dhisidda kaam biyo-soo-tuur cusub oo la hirgeliyo Geed-deeble. Dhuumahan cusub ee lagu beddelayo beebkii hore oo jiray 40 sannadood, waa kuwa leh tayo aad u sarraysa, taas oo kor u qaadi doonta biyo-soo-saarka, lana qorsheeyey inay soo saarto 20 milyan oo litir biyo ah maalintii, halka waqtigan la soo saaro 9 milyan litir maalintii.” Sidaa waxa lagu yidhi war-saxaafadeed ay si wadajir ah u soo saareen maalgeliyayaasha iyo fuliyayaasha mashruucani.
Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa Md. Ibraahim Siyaad Yoonis, ayaa khudbad dheer oo uu xafladda ka jeediyey kaga warbixiyey taariikhda uu soo maray habka biyaha qasabadaha ee magaaladu cabto ee ka yimaada deegaanka Geed-deeble oo la aasaasay sannadkii 1972-kii oo dawladda Shiinuhu ku samaysay si mucaawano ah, laguna saleeyey qiyaasta dadkii markaa ku noolaa oo tiradoodu ahayd 150 ilaa 180 kun oo qof, balse wixii intaa ka dambeeyey oo aan wax ballaadhin ah lagu samayn nidaamkan iyo tirada dadweynaha ku dhaqan caasimaddu aad u sii kordhaysay ay keentay biyo yaraan. Sidaasi darteedna, xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo markii talada ay qabatay bilowday dadaal wayn oo gashay kadib ku guulaysatay mashruucan oo intiisa badan uu bixiyey ururka Midowga Yurub iyo qayb lagaga daray Sanduuqa Horumarinta Somaliland ee SDF, isla markaana ay soo raaceen kuwa kale.
“Mashruucan oo hadda meel fiican maraya, dhigista iyo xidh-xidhida beebka cusub waxa ilaa hadda dhammaaday qiyaas ahaa 2KM, afar ceel oo laga qodayo dooxa Hora-haadlay waxa dhammaaday laba ka mid ah, kii saddexaadna wuu socdaa,” ayuu yidhi Mr. Ibraahim, waxaannu intaa ku daray, “Waxa kaloo noo muuqatay in marka biyaha la soo gaadhsiiyo magaalada loo baahan yahay in la gaadhsiiyo degmooyinka si siman, nidaamka maanta jiraana aannu saamaxayn oo qaadi karayn biyaha intaa le’eg. Sidaa darteed, waxaannu ka hawlgalnay in aannu raadino lacag kale oo wax lagaga qabto habka qaybinta biyaha gudaha magaalada, kadibna waxaannu ku guulaysanay in Baanka Horumarinta u qaabilsan Jarmalku uu ugu deeqay lacag dhan 21 milyan Euro, iyadoo lacagtaa shanta degmo ee Axmed Dhagax, Maxamuud Haybe, Gacan-libaax, 26 June, iyo Kood-buur mid walba loogu samayn doono Barkad wayn iyo beebabka xaafadaha gaadhsiinayaa biyaha. Waxaanna hadda socda xayeysiinta qandaraasyada hirgelinta iyo samaynta mashruucan.
Waxaannuna rajaynaynaa in marka uu mashruucani dhammaado uu wax badan ka qaban doono biyo la’aantii ka taagnayd magaalada Hargeysa muddada 24 sanno ah.”
Waxa kaloo uu xusay heshiis ay la galeen Baanka Adduunka oo lagu qodi doono lix ceel oo cusub oo lagu kordhinayo biyaha soo gaadhaya magaalada Hargeysa ee Geed-deeble, isla markaana wadahadal u socdo Baanka Horumarinta ee Afrika iyo shirkadda CocaCola.
Dhinaca kale, Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo khudbad ka jeediyey xafladda daah-furka, ayaa sheegay in dawladdu dadaal xooggan ugu jirto helitaanka iyo soo saarista biyo nadiif ah ee caasimadda iyo guud ahaan dalka, waxaannu si wayn ugu mahadceliyey dawladaha iyo hay’adaha gacanta ka gaystay mashruucan biyo-ballaadhinta Hargeysa.
Md. Siilaanyo oo ka hadlayey mashaariicda biyaha Hargeysa iyo muhiimadooda, waxa uu yidhi, “Dawladdaydu waxay isku hawshay sidii dalkani u heli lahaa biyo, dalka guud ahaan, gaar ahaanna Caasimadda oo in muddo ahba uu ka socday mashruuca biyo-ballaadhinta ee aynu maanta joogno. Mashruucan biyaha ee Hargeysa waxa ku baxaya xaddi lacageed oo gaadhaysa Konton Milyan oo Dollar-ka Maraykanka ($50,000,000).
Waxa kaloo jira mashruuca Xumbo-weyne oo isagana ay maalgelisay dawladda Isu-tagga Imaaraadka Carabta, kaasoo isna hawshiisii gacanta lagu hayo. Waxaan rajaynayaa marka mashaariicdani dhammaato in dhibaatadii ka taagnayd biyaha caasimadda Hargeysa laga bogsan doono.”
“Walaalayaal, biyuhu waa noloshii, waxaanay leedahay muhiimad iyo mudnaan, annagoo taa tixgelinayna, waxaanu isku daynay tallaabo kasta oo dhibtan lagaga bixi karo iyo cid kasta oo naga caawin karta in aannu la kaashanno, waxaanna Ilaahay mahadii noo suurtagalay hawsha ballaadhan ee aad indhihiina ku aragtaan waqti dhawna laga cabi doono haddii Ilaahay ka dhigo,” ayuu hadalkiisa ku soo ururiyey Madaxweyne Siilaanyo.
Waxa kaloo madashaasi hadallo ka jeediyey Wasiirrada Qorshaynta iyo Biyaha – Dr. Sacad Cali Shire iyo Baashe Cali Jaamac, Maayarka Hargeysa Md. Cabdiraxmaan Soltelco, Xaaji Cabdikariim Xuseen (Cabdi-waraabe), Guddoomiyaha shirkadda Telesom Cabdikariim Maxamed Iid, Marwo Edna Aaden, Oday Mawliid oo ku hadlayey afka bulshada deegaannada shaqada mashruucani ka socoto, masuuliyiin iyo wakiillo ajaanib ah oo ay ka mid yihiin; Dragan Tatic iyo Marco oo matalayey UN-HABITAT, Ms. Michael Loacker oo ka socotay Midowga Yurub, Michale Thyge oo ah madaxa mashaariicda ee DANIDA iyo Anthony Njue oo ah madaxa dhaqaalaha ee SDF, kuwaas oo dhammaantood soo dhaweeyey mashruucan iyo waxtarkiisaba.

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews