Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa daah-furay mashruuc ballaadhan oo ay shirkadda DAHABSHIIL Group dalka ku keentay gaadiid casri ah oo ay samayso Shirkadda Hyundai ee laga leeyahay waddanka koonfurta Kuuriya.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi Guddoomiyayaasha Saddexda Xisbi, Gnacsade Maxamed Siciid Ducaale (Dahabshiil) Masuuliyiin iyo ganacsato  ka qaybgelaya Furitaanka  mashruuc ay shirkadda Dahabshiil Group dalka ku keenayso gaadiid casri oo ay samayso shirkadda caalamiga ah ee Dahabshiil Hyundai Motors, Araweelo News Network 25 July 2019 Hargeysa

Munaasibad ballaadhan oo maanta  daah-furkeeda loogu walqalay mashruuca oo lagu qabtay xarunta Dahabshiil Group  Hyundai ee Hargeysa,  waxa ka qaybgalay  madaxda xukuumadda ugu sarraysa, hoggaanka axsaabta qaranka, ganacsato, madax-dhaqameed, aqoonyahan iyo marti-sharaf kale oo aad u tiro badan.

Madaxweyne Muuse Biixi  oo ka hadkayay munaasibadaa , ayaa bulshada Somaliland dib u xasuusiyay waayihii ay Somaliland kala soo dabaalatay shirkadda Dahabshiil Group “Dahabshiil iyo Kooxdeedu waynu ognahay halkii ay inagala soo dabaasheen, maalmihii adkaa ee dalka eber laga bilaabayay ee aan rug boolis dhisnayn ee aan jeel dhisnayn ee aan xukun kala socon ee dadku dagaalkii ka soo doogay ee aan guri qudha saqaf saarnayn ee aan dadku isu gudbayn iloobi maayo Dahabshiil qofkii joogay dhallinyarooy,” Sidaas ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Masuuliyiin iyo ganacsato  ka qaybgelaya Furitaanka  mashruuc ay shirkadda Dahabshiil Group dalka ku keenayso gaadiid casri oo ay samayso shirkadda caalamiga ah ee Dahabshiil Hyundai Motors, Araweelo News Network 25 July 2019 Hargeysa

Eng. Cawil Saalah, ayaa furitaanka munaasibada ka sheegay ahmiyada iyo faa’idada ay gaadiidka ay keeneen u leeyihiin dadka iyo dalka, wuxuuna xusay in gadiidka shirkadda Hyundai Motors ee ay dalka keentay Dahabshiil Group uu yahay mid tayadiisa la hubo oo ay ku qanacsan yihiin,isla markaana ay ku badbaadayaan dadka iyo deegaankuba.

“Intii uu socday ifafaalaha abuuridda shirkaddan oo laba sanno ahayd waxa jirtay su’aal udub dhexaad ahayd oo ahayd waxa suuqa baabuurta ee dalka ka jira baabuur aad u badan oo buux dhaafisay ee maxay soo kordhinaysa baabuurtan kale ee lagu soo kordhinaya? Waxay kaga duwan yihiin tayada, badbaadada qofka isticmaalaya baabuurtan, badbaadada uu u fidinayo cidda la isticmaalaysa jidka sida xayawaanka, badbaadada uu u fidinayo deegaanka, dhinacyadaas oo dhan bay baabuurtan aanu keenay ee Hyundai kaga horeeyaan baabuurtii hore u joogtay dalka,” ayuu yidhi, Eng. Cawil Saalax

Guddoomiyaha Dahabshiil Group Xaaji Maxamed Siciid Ducaale (Dahabshiil) oo madasha hadal ka jeediyay, ayaa ugu bushaareeyay Bulshadda inay keenayaan adeegyo cusub oo qayb ka ah horrumarka iyo shaqo abuurka ay Dahabshiil Group mar walba doonayso inay ka samayso geyiga Soomaalidu degtay.

Xaaji Maxamed Siciid Ducaale, ayaa sidoo kale ka xog warramay arrimaha bud-dhigga u noqday in shirkadda Hyundai aqbasho inay baabuurtan Somaliland timaaddo iyada oo dhulka kale ee Soomaalidana la gaadhsiin doono.

“Runtii sida wasiirka gaadiidku sheegay baabuurta duugga ah ee muddada socotay ee lagu soo tuuro dalkeena waxaan filaya in tani tii bedelaysay tahay qiimaheedana waa la dhimaya. Shirkaddan Somaliland waanu ka furnay dhulka ay Soomaalidu degtana way ku socota, halkan waxyaabaha aanu ugu dhiirranay bilawgeedu waa nabadgalyada oo Illaahay mahaddii wax lagu dhiirrado ah, markii aanu hawsha ku jirnay shirkaddu waxay na aqbashay markii ay warkii heshay in meeshu tahay meel nabadgalyo ah,” Sidaas ayuu yidhi Xaaji Maxamed Siciid Ducaale.

Wasiiradda Gaadiidka, Ganacsiga masuuliyiinta Axsaabta, Siyaasiyiin iyo Aqoonyahan kale oo sidoo kale hadalo ka jeediyay furitaanka munaasibada loogu walqalay gaadiidka ay shirkadda Dahabshiil Group keentay ee Shirkadda Hyundai Motors, waxay dhammaantood hadalada ay ka  jeediyeen halkaa ku xuseen faa’iidada qaranka iyo bulshadaba ugu jirta inay ganacsatada waa weyni  sidan shirkadda Dahabshiil Group, dalka keenaan mashaariic waaweyn oo bulshada waxtar u leh, islamarkaana aqoonta iyo fikirka shacabka kor u qaadda.

shirkadda Dahabshiil Group dalka ku keenayso gaadiid casri oo ay samayso shirkadda Caalamiga ah ee Hyundai Motors, Araweelo News Network 25 July 2019 Hargeysa
shirkadda Dahabshiil Group dalka ku keenayso gaadiid casri oo ay samayso shirkadda Caalamiga ah ee Hyundai Motors, Araweelo News Network 25 July 2019 Hargeysa

Guddoomiyayaasha xisbiyada Mucaaradka ee UCID iyo WADDANI iyo haldoor kale oo reer Somaliland  ah oo madasha ka hadlay, ayaa shirkadda DAHABSHIIL Group ku bogaadiyey kaalinta ay ka qaadatay sidii ay bulshadu u heli lahayd gaadiid casri ah oo muddo dheer sii shaqayn kara, una adkaysan kara duruufaha dhinaca waddooyinka ee ka jira dalka.

Masuuliyiin iyo ganacsato  ka qaybgelaya Furitaanka  mashruuc ay shirkadda Dahabshiil Group dalka ku keenayso gaadiid casri oo ay samayso shirkadda caalamiga ah ee Dahabshiil Hyundai Motors, Araweelo News Network 25 July 2019 Hargeysa
Masuuliyiin iyo ganacsato ka qaybgelaya Furitaanka mashruuc ay shirkadda Dahabshiil Group dalka ku keenayso gaadiid casri oo ay samayso shirkadda caalamiga ah ee Dahabshiil Hyundai Motors, Araweelo News Network 25 July 2019 Hargeysa

Dhammaan dadkii madasha ka hadlay, ayaa ka markhaati kacay dedaalka iyo juhdiga ay Dahabshiil geliso horrumarka iyo shaqo abuurka dalka ee ay caanka ku noqotay iyo wax-tarka mashruuca maanta la daah-furay u leeyahay dalka.

Madaxweyne Muuse Biixi, ayaa dhinaciisa shirkadda DAHABSHIIL Group ku hambalyeeyey horumarka uu sameeyey gaadiidka cusub ee ay dalka keeneen oo wax badan ka tari doona dhibaatadii bulshada ka haysatay gaadiid uu sheegay inay  duugoobeen oo dalka la keeno, isaga oo dhammaanba ganacsatada kale ee dalka ku boorriyey inay  sidaa oo kale dalka keenaan wax  faa’iido u leh dadka, maadaama ammaanka Somaliland ka jiraa soo jiitay dhammaanba maal-gashadayaasha dunida ka jira.

Madaxweynuhu, wuxuu markaa kadib kormeeray hangarro waaweyn oo ay shirkadda DAHABSHIIL Group ugu talo gashay inay ku dayactirto gaadiidka casriga ah ee ay farsamayso shirkadda Hyundai ee ay wakiilka u tahay, halkaas oo laga heli doono dhammaanba agabka ay gaadiidkaasi u baahdaan muddada ay shaqaynayaan.