aaska1Hargeysa(ANN)Allah ha u naxariistee Marxuum Maxamed Rashiid Muxumad Faarax oo ahaa Halyay iyo Hogaamiye gadhwadeen u ahaa Saxaafadda Somaliland, isla markaana waqtigan ahaa Xoghayaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, ayaa maanta lagu aasay Xabaalaha Xeedho ee Woqooyiga Magaalada Hargeysa. kadib markii Maydka Marxuumka saaka laga soo dejiyay Garoonka Diyaaradaha ee Cigaal International ee magaalada Hargeysa.

Marxuumka oo 25 Dec, ku dhaawacmay shil baabuur oo ka dhacay wadada u dhaxaysa Hargeysa iyo Berbera, balse dhaawaca kasoo gaadhay shilkaa, ayaa sababay in  Cusbitaal Dhinaca Magaalada Nairobi loo qaado, halkaas oo Marxuumku ku geeriyooday.

Masuuliyiinta Axsaabta Qaranka, Xubno ka mid ah Golaha Wasiiradda, Xildhibaano , Suxufiyiinta ka hawlgala Warbaahinta iyo boqolaal qof oo ka mid ah qaybaha kala duwan ee bulshada, ayaa ka qaybgalay Aaska Marxuumka.

Daawo Halkan Riix Masuuliyiinta iyo shaqsiyaadka ka hadlay Geerida Marxuumka