cardiff councilWales(ANN)Golaha Deegaanka Wales –Cardiff ee cariga Ingiriiska, ayaa aqoonsaday qadiyada madaxbanaanida Jamhuuriyada Somaliland. Kadib dood ay ka yeesheen qadiyada aqoonsiga Somaliland oo la horgeeyay golaha deeegaanka. Kumanaan ka tirsan Jaaliyadda Somaliland ee daafaha caalamka iyo wefti balaadhan oo ka tirsan Dawlada Somaliland ayaa si wadajir ah ugu sugnaa xarunta golaha deegaanka ee magaalada Cardiff si ay goobjoog uga noqdaan dhacdada taariikhiga ah ee ku saabsan Munaasabadda Golaha deegaanka ee Magaalada cardiff ku aqoonsanayaan Madaxbananida Jamhuuriyadda Somaliland, waana golihii deegaanka ee labaad ee ka tirsan Boqortooyada Britain ee aqoonsada Somalialnd, iyadoo golaha deegaanka Shiffiled hore u aqoonsadeen sanadkii hore Somaliland.

Halkan Riix warkaa oo ka daawo qaabkii ay wax u dhaceen Riix.

Araweelo News Network Somaliland Office Email info@araweelonews.com Jaamac132@gmail.com Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews