????????????????????????????????????

Hargeysa(ANN)Madaxweynaha Somaliland Axmed Silanyo, ayàa màanta dadweynaha kala qaybgalay Salaad Roobdoon ah, taas oo Saaka Dalka oo dhan laga tukaday.

Salaada Roobdoonta oo uu Madaxweynuhu hore u iclaamiyey, maantana uu la tukaday kalana qaybgalay shacbiga Tuulooyinka, Degmooyinka iyo Gobolada, gaar ahaana madaxweynuhu waxa uu la tukaday shacbiga Caasimada Hargeysa isaga oo Markiska Tabliiqiinta kaga qaybgalay salaada Roobdoonta.

Halkaasi oo Madaxweynuhu shacbiga u dareeray salaada Roobdoonta uu alle uga baryey inuu ka aqbalo una shubo raxmad khayrqabta oo ay ku doogsadaan dad iyo xoolaba.

 

Sidoo kale waxa isna halkaasi khudbad dheer ka jeediyey wasiirka Diinta iyo awqaafta Somaliland oo salaada tujinaayey Madaxweynaha iyo shacbiga ku sugnaa masjidka.