lawska somlilandHargeysa(ANN)Midhaha Lawska oo ka mid ah kuwa waxtarka baddan Aadamaha, ayaa markii u horaysay laga Beeray Somaliland, kaas oo qayb ka ah Tacabka Beeraha oo kusoo baddanaya Bulshada Somaliland sanadii u danbeeyay.

Beeralayda Deegaanka Agabar ee Woqooyiga Magaalada Hargeysa, ayaa ku guulaystay Beerista Laws tayadiisu sarayso, kaas hadda bilaw ah, isla markaana la filayo inuu saamayn ku yeesho kobaca wax soo saarka Beeralayda Somaliland, iyadoo midhaha Lawska oo Somaliland aad loogu isticmaalo laga keeno dalalka Ethiopia iyo Sudan.

Barnaamij la xidhiidha Tacabka Beeraha iyo Lawska oo Somaliland laga beeray, isla markaana Telefishanka Qaranka Somaliland diyaariyay waxa soo jeedinaya Weriye Cali Caanadhame oo ka mid ah soo saarayaasha Barnaamijyada Telefishanka Somaliland iyo Idaacada Radio Haregysa.

Halkan Ka Daawo

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews.