Araweelo News Network

Hargeysa(ANN)-Guud ahaan Dalka Somaliland waxa si ballaadhan looga xusay 27 guuradii kasoo warreegtay markii ay Somaliland Magaalada Burco ee Xarunta gobolka Togdheer kaga dhawaaqday inay dib ula soo noqotay xoriyadeedii luntay 26 Jun 1960′.

 

Maalinta dib lagu soo noqoshoda Xoriyada Somaliland ee lagaga dhawaaqay Burco 18 May 1991, ayaa sannad walba si weyn looga xusaa Dalka Iyo dibaddaba, waxaana munaasibadaa oo lasoo qadimay Bisha barakaysan ee Ramadaan awgeed laga xusay magaalooyinka Somaliland oo dhan marka reebo Degmada Magaalada Ceergaabo oo sababo gaar ah aan loogu xusin.

Muuqaallo Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, Masuuliyiinta kale ee ka qaybaglay, Ciidamadda Qaranka Iyo qaybo ka mid ah bulshadda halkan ka daawo.