Araweelo News Network

Hargeysa(ANN)- Dad u dhashay Somaliland, ayaa si xun loogu laayay Hawadaay iyo deegaamo kale oo ka tirsan gobolka Herer ee Bariga gudaha dalka Ethiopia, kadib markii dadkaa lagu weerarray xalay guryohooda iyo goobihii ay ganacsiga ku lahaayeen.

Dadka la laayay, ayaa u badan wakiilada qaadka oo ah ganacsiga ugu ballaadhan ee Somaliland uga yimaada dhinaca dalka Ethiopia iyo sidoo kale dad hawlo ganacsi oo kale u joogay halkaa iyo kuwo safar ku jiray oo marayay deegaankaa markii la weerarray.

Rabshado ka dhashay muran dhinaca deegaanka ah oo u dhexeeyay Qowmiyada Oromia ee Ethiopia iyo deegaanka Soomaalida ee Kililka shanaad ee Ethiopia oo sababay dhimasho iyo dhaawac, ayaa lala xidhiidhiyay weerarka lagu laayay dadka u dhashay Somaliland ee ku dhintay weerarka, iyadoo Qowmiyada Oromia oo ka cadhaysan hawlgal khasaare dhimasho sababay oo ciidanka Liyuu Booliska ee dawlad deegaanka Soomaalidu ku fuliyeen Oramada kaga jawaabtay weerarka dadka lagu laayay.

 

Wararka, ayaa sheegaya in dadka u dhashay Somaliland ee lagu dilay ilaa xalay gudaha dalka Ethiopia, gaar ahaan deegaanka Hawadaay tiradoodu gaadhay ugu yaraan inta la ogyahay 35 qof oo ku dhowaad 20 ka mid ah ay ahaayeen wakiilada qaadka u jooga halkaa, iyadoo ay jiraan warar sheegaya in tirada dadka la laayay intaa ka badan yihiin, isla markaana qaar badan oo dadkii halkaa deganaa ahi xeryaha ciidamada u carareen.

Sidoo kale, waxa jira warar sheegaya in dadka lagu laayay weerarka ee u dhashay Somaliland ay tiradoodu gaadhay ugu yaraan 75 Qof oo ay ku jiraan Arday safar ku jiray oo kusoo beegmay deegaankaa markii uu weerarku dhacay.

 

 

Qoysas badan ka dhowaa deegaankaa, ayaa ka qaxay, kuwaas oo qaarkood dhinaca Jigjiga uga soo carareen, halka kuwo kale Ciidanka Federaalku u qaaday dhinaca Adis-Ababa.

Xukuumadda Federaalka ee Ethiopia, ayaa arrintan ku micneysay mid uu sababay muran ka dhashay xadka u dhaxeeya Oromada iyo gobolka Ismaamulka Soomaalida Ethiopia ee xaruntiisu tahay Jigjiga.

Balse Xukuumadda Somaliland, ayaan wax war ah kasoo saarin weerarka lagu laayay dadkeeda ee ka dhacay gudaha dalka Ethiopia, waxayna dhacdada lagu laayay dadkaa si weyn uga cadhaysiisay shacbiga Somaliland, iyadoo dadka Oromada ah ee ku sugan Somaliland saaka aan loogu arag suuqyada magaalooyinka, kuwaas oo ka cabsi qabay in weerarro aar gudasho ah ay la kulmaan, walaw ay jireen warar sheegaya in magaalooyinka Hargeysa iyo Boorama dadka kasoo jeeda Qowmiyada Oromia la kulmeen hadidaad.

 

Dhinaca kale Qaadka oo ahaa ganacsiga ugu ballaadhan ee Somaliland kasoo gala dhinaca Dalka Ethiopia, ayaa laga waayay magaalooyinka Somaliland, iyadoo suuqyada qaadka loo yaqaan habeen ka hadhka ee baarixiga iyo hadhaadii Jigjiga oo lasoo ururiyay meelaha qaar lagu iibinayay lacag qaali ah, isla markaana kiilooga Jibiska ah oo hore loogu iibin jiray 100, 000 Sl.sh oo u dhiganta sarifka maanta ee kacay $ 10, maanta lagu iibinayay 400, 000 Sl.sh, oo u dhiganta $ 40 Dollar, halka Majinta Dadarta ah ee hore u ahayd 8,000 Sl.sh. lagu iibinayay $3.5 dollar.

Maqnaanshaha uu maanta ka maqnaa suuqyada magaalooyinka Somaliland qaadka gaadiidka badani soo daabuli jireen ee xili walba soo geli jiray, ayaan wax saamayn ah ku yeelan dhaqdhaqaaqa ganacsiga, waxayna xaaladu u muuqatay mid xasiloon, iyadoo aanay muuqan dad suuqyada qaadka ku urursan oo naawilaya inuu soo galo oo xaalada wax iska bedelaan.