London(ANN)-Dalka Boqortooyada Midawday ee UK, oo ka mid ah dalalka safka hore kaga jira Liiska dhimashada Coronavirus (COVID-19) ee Yurub, ayaa noqday dalka Soomaalida ugu badan ay ugu geeriyoodtay xannuunka dunida sadheeyay ee Coronavirus.

Ma jirto tiro rasmi ah oo laga hayo dadka asal ahaan kasoo jeeda guud ahaan Soomaalida ee dalalka Yurub iyo Maraykan oo si weyn xannuunka COVID-19, u saameeyay ugu geeriyooday, balse Safiirka Somaliland u fadhiya Dalka Baritan ee xaruntiisu tahay London, Ambassador Cabdi Cabdullaahi Xirsi (Dayaxweerar), ayaa sheegay tirada ilaa hada uu hayo ee dadka asal ahaan kasoo jeeda Somaliland ee xannuunka Coronavirus (Covid-19), ugu dhintay dalka UK.

Safiirka Somaliland u jooga dalka Britain,  Ambassador Cabdi Cabdullaahi Xirsi (Dayaxweerar), waxa uu sheegay inuu hayo liiska dad gaadhaya ilaa 40 qof oo asal ahaan Somaliland kasoo jeeda, kuwaas  oo ugu geeriyooday Xannuunka Covid-19, dhinaca dalka Britain.

Ambassador Cabdi Cabdullaahi Xirsi (Dayax-weerar), wuxuu sidaa ku sheegay waraysi uu siiyay Warbaahinta dowladda Jamhuuriyadda Somaliland, isagoo xusay in dadka dhintay isugu jiraan dad waayeel ah iyo kuwo dhallinyaro ah oo dhammaantood ku kala nool gobolka dalka Britain.

“Dadka uu xannuunku dilay Soomaali baa ku jirta, gaar ahaan Somaliland ilaa hadda Dadka liiskoodu na soo gaadhay waa ilaa 40 qof,  waxay isugu jiraan dhallinyaro  iyo waayeel, waana inta illaa hadda liiskoodu na soo gaadhay ee la soo ururriyey,” ayuu yidhi Ambassador Cabdi Cabdullaahi Xirsi (Dayax-weerar),  isagoo dhinaca kale xusay in xannuunku meel adag marayo marka la eego dalkaa, “Ilaahay ha innaga dul-qaadee meel aad iyo aad u halis ah ayuu marayaa.”, ayuu yidhi.

Tirada uu sheegay Ambassador Dayax-weerar, ayaa ah inta lasoo gaadhsiiyay Safaarada Somaliland ee Britain, balse ma jiro tirakoob rasmi ah oo xaqiijinaya tirada dadka asal ahaan kasoo jeeda Somaliland ee u geeriyooday COVID-19.

Sidaa darteed mar la weydiiyay Ambassador Dayax-weerar inuu xidhiidh la sameeyay ehellada Dadka u geeriyooday Covid-19,  maaddaama oo aan laga qayb-galayn Aaska dadka u dhinta Xanuunkaasi, walaw dawladda Britain maalmihii u danbeeyay sheegtay inay ogolaanay in qoysaska in kooban loo ogolanaayo inay ka qayb galaan qofka ka dhinta,  “Waanu la hadalnay intii aanu la hadli karaynay, waayo London oo qudha maaha, waa Sheffield, Liverpool, Bristol, Birmingham, Coventry,  intaas oo dhan ayay ka kooban yihiin, markaa intii aannu la hadli karaynay ee aannu Telefoonadoodii helnay waanu u Tacsiyadaynay,”ayuu yidhi Ambassador Cabdi Cabdullaahi Xirsi (Dayax-weerar).

Dalka Britain, waxa ku nool Soomaali badan, kuwaas oo intooda badan kasoo jeeda Somaliland, iyagoo ahaa dadkii ugu horeeyay ee taga halkaa muddo hada laga joogo boqol sannadood iyo dheeraad, wuxuuna dalka UK, xilligan noqday kuwa dhimashada ugu baddan ee dadka u dhinta Coronavirus, kuwaas oo Bulshada Soomaalidu qayb ka tahay dadka u dhimanaya xannuunka COVID-19.

Waxayna Dalalka Britain iyo Sweden iyo Norway noqdeen kuwa Soomaali baddan ay ugu dhimatay caabuqa Coronavirus ee ku faafay aduunka, walaw aan la hayn tiro sax oo sheegaysa dadka asal ahaan kasoo jeeda Soomaalida ee ugu dhintay xannuunkaa dalalka Yurub, gaar ahaa Britain, Sweden iyo Norway.