Araweelo News Network

Wajaale(ANN)-Dadweynaha Magaalada ganacsiga ee Wajaale oo ku taal xadka ay Somaliland la wadaagto Dalka Ethiopia, gaar ahaan is maamulka Soomaalida Ethiopia ee Kililka Shanaad, ayaa dareenkooda ku Muujiyay mudaharaad ay kaga cabanayaan hawlgal la doonayay in lagu baneeyo wadooyinka magaalada oo xidhmay.

Dadweynaha Isugu soo baxay cabashadooda mudaharaadka, ayaa fariin u diray Madaxwrynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, waxayna sheegeen in aanay diidayn in la baneeyo Wadooyinka oo wax la hagaajiyo, balse waxay ku doodeen in hawlgalka Wadooyinka lagu banaynayay qaab khaldan oo dadka lagu barakicinayo looga faa’idaystay.

halkan Ka daawo dadweynaha oo mudaharaad ku muujinaya cabashadooda.