doontaqoxootigalaga rogayoWarbixin: Carraale M. Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.
Hargeysa(ANN)Dafcadii sideedaad ee qoxootiga kasoo qul-qulaya dhinaca dalka Yemen oo duqaynta dhinaca Cirka ah iyo dagaaladu ka socdaan, ayaa soo gaadhay maanta Magaalada Berbera xarunta gobolka Saaxil.
Dadka oo saarnaa Dooni yar oo magaceeda lagu sheegay Nasulaah, ayaa siday 222 qof, kuwaas oo isugu jiray Haween, Caruur iyo dhalinayaro, ayaa laga dejiyay doontaa oo sida uu sheegay Maareeyaha Dekedda Berbera Eng. Cali Cumar Maxanmed (Cali Xoor-xoor) oo warbixin kooban ka siiyay warbaahinta, waxa uu sheegay in dadkaa oo ah kuwo jilicsan oo kasoo cararaya dagaalada ka socda Yemen, ay soo dhowaynayaan, isagoo xusay in xukuumadda Somaliland dhabarka u ridatay dadka qoxootiga ah ee kasoo cararaya dagaalka Yemen.

engcalixorxoorMaareeyaha Dekedda Berbera Eng. Cali Cumar, wuxuu sheegay in dadkaa oo u baddan dumar iyo Caruur, ay diifta dagaalada iyo rafaadka ay soo mareen ka muuqdaan, isla markaana dawooyin iyo raashin loogu diyaariyay xero weyn oo ku taal magaalada Berbera, taas oo la doonayo inay ku nastaan markaa kadibna deegaanka ay doonayaan u gudbayaan.
“Waa Weelkii Sideedaad ee qoxooti ka yimaada Dalka Yemen, tan iyo markii 26 March duqaynta iyo dagaaladu ka bilaabmeen. Dadka Doontan siday waxay soo socdeen Laba Maalmood iyo laba habeen, waxayna intooda baddan yihiin Soomaali, marka laga reebo dhawr qof oo Ethiopian ah iyo ilaa 20 qof oo Yemen u dhashay” ayuu yidhi Eng. Cali Xoor Xoor.

qoxootigayemenBadhasaabka gobolka Saaxil, Faami Cabdi Bidaar, ayaa sheegay in tirada dadka soo gaadhay Somaliland ee qoxootigu yihiin 1520 qof, wuxuuna sheegay in dadkaa oo xiliyo kala duwan kusoo beegma inay soo gaadhaan Dekedda Berbera oo ay habeen iyo maalin masuuliyiinta dekedda, Hay’addaha Dawlada ee gobolka iyo Hay’adda Bisha cas u diyaar yihiin sidii dadkaa loo dejin lahaa ee loogu gargaari lahaa.”

Dhinaca kale waxa ku sugan Dekedda Berbera saraakiil ka socota Wasaaradda Caafimaadka Somaliland iyo Dhakhaatiir dadka wixii dhaawacyo qaba dawaynaya, isla markaana Caruurta yar yar tallaal ugu diyaarinaya, kuwaas cudurada dabaysha iyo xanuunada kale ee looga shakiyo ka tallaalaya.

Doonida ay saarnaayeen dadkaa oo kasoo baxday Dekedda Makha ee ku taal badda Cas, ayaa ahayd dooni yar oo si biimo ah usoo bad gelisay dadkaa qoxootiga ah, taas oo ay ugu wacan tahay, iyadoo maalinba maalinta ka danbaysa gaadiidka waaweyn ee dadka doonaya inay kasoo baxaan Yemen soo raaci lahaayeen sii yaraanayaan, isla markaana xaaladu sii xumaanay.

Kumanaan Somalia ah, ayaa weli ku xaniban dalka Yemen, kuwaas oo wehel u noqday duqaynta diyaaradaha xulufada Sucuudiga iyo dagaalka ka socda magaalooyinka dhinaca, Sanca, Sacda, iyo gobolada kale ee dalka, sida magaalooyinka waaweyn ee Taiz iyo Cadan, waxaana laga dayrinayaa xaalada dadka Magaalada Cadan ee dhinaca Koonfurta oo cuntada, Laydha iyo Biyaha la waayay, iyadoo magaalada si gaar ah loo godoomiyay. Sida ay shebekada wararka ee Araweelo News Network u sheegeen dad kala duwan oo ku sugan Magaalooyinka Cadan iyo Taiz.

Sidoo Boqolaal kun oo qoxooti Soomaali ah oo ku sugan Xero dhinaca Koonfurta ku taal, ayaa laga dayrinayaa xaalada ay ku sugan yihiin, kuwaas oo sida wararka teel teelka ah ee laga helo isgaadhsiinta iyo isu socodka oo adag awgeed ay sheegayaan inay ku go’doonsan yihiin halkaa.

Todobaadkii hore, ayay ahayd markii Laba maamlmood ka dib la ogaaday in 30 Soomaali Qoxootigaa ka mid ahaa oo ku sugnaa xeryaha laba gaadhi oo ay saarnaayen gantaalo duqaynta dhinaca Cirka ah ay ku habsadeen sidaana ku dhinteen, iyadoo uu ka badbaaday dareewalkii gaadhiga labaad oo faaruq ah keligii waday, kaas oo sheegay in dadkaa oo doonayay inay ka cararaan xerada qoxootiga si ay uga firxadaan dagaalka gantaal ku habsaday gaadhigii ay saarnaayeen deegaanka Joof ee dhinaca Woqooyi kaga beegan magaalada Cadan ee Koonfurta.

Boqolaal qoxooti kasoo cararaya dagaalka Yemen, ayaa sidoo kale galay dhinaca Dalka Djibouti, balse waxay dadkaa intooda baddan u dhasheen dalka Yemen, waxayna u baddan yihiin dadka ganacsiga ku jiray, ama dhaqaalohoodu fiicnaa, iyadoo kumaan kale oo dadka reer Yemen ah u qaxeen Tuulooyinka Miyiga iyo deegaamada ay kasoo jeedaan, halka malaayiin kale ku jiraan guraya magaalooyinka Taiz, Cadan, Joof, Marib iyo kuwo kale, kuwaas oo aan garanayn meel ay u baxaan. Kadibna go’aansaday inay guryohooda hoosta ka xidhtaan.

Dagaalka Yemen, waxaa ku hirdamaya Xulufada Sucuudiga ee Lix ka mid ah Wadamada Khaliijka iyo Dawlada Iran oo lagu eedaynayo inay taageero siiso Xuutiyiinta Shiicada Yemen iyo xulufada Madaxweynihii hore Cali Cabdalla Saalax, taas oo ka dhalatay kadib markii Sep 2014, xuutiyiita oo gabood ka dhiganaya kacdoon qabsadeen magaalada Sanca, iyagoo markaa kadibna si toos ah u inqilaabay Madaxweyne Aabdrabbu Mansor Al Hadi oo u cararay dhinaca Cadan muddo bil ah markii uu maxbuus guri ku ahaa Sanca, balse malayshiyada Xuutiga iyo xulufada Cali Cabdalla Saalax, ayaa duqayn dhinaca Cirka la beegsaday Madaxweyne Abdirbbo Mansor Hadi gurigiisa magalada Cadan, waxayna xuutiyiintu isku balaadhiyeen magaalooyinka waaweyn, taas oo sababtay in Madaxweynihii u cararo dhinaca dalka Sucuudiga, isagoo doon kaga baxsaday dekeda Cadan, isla markaana dalka Cumaan ee ay xadka ka wadaagaan dhinaca Bariga uga sii gudbay Sucuudiga, waxayna arrintaasi soo dedejisay duqaynta xulufada 26 March oo weerar dhinaca Cirka ah ku qaaday goobaha magaalooyinka waaweyn ee Sanca, Cadan, Taiz, Sacda, xudayda iyo Laxag, iyadoo burbur weyn loo geystay hubka xeryaha milateriga, balse taas waxba kama beddelin xaalada is balaadhinta Xuutiyiinta oo ay is xulufaysanayaan Ciidanka madaxweynihii hore Cali Cabdalle Saalax, kuwaas oo inta baddan dalka gacanta ku haya.

Warbixin: Carraale M. Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews.