Araweelo News Network

alshababAfgooye (ANN)Ugu yaraan 30 qof oo ay ku jiraan saraakiil sare oo ciidan ayaa ku dhintay, tiro kale oo intaas ka badanna way ku dhaawacmeen weerar culus oo xoogag ka tirsan kooxda Al-shabaab ku qaadeen saldhigyo ciidammada AMISOM iyo kuwa maamulka taagta daran ee Muqdisho ku leeyihiin gudaha magaalada Afgooye, xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose ee koonfurta waddanka Soomaaliya gelinkii dambe ee shalay.
Weerarkan oo ku bilowday gaadhi laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa oo lagu dhuftay mid ka mid ah saldhigyada ciidanka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM, gaar ahaan kuwa waddanka Brundi ku leeyihiin degmada Afgooye oo qiyaastii 30km dhanka koonfureed ka xigta magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, ayaa waxa xigay dagaal xooggan oo gudaha magaaladaas ku dhexmaray dagaalyahannada Al-shabaab iyo ciidammada ku sugnaa xeryaha la weeraray, kaas oo socday ilaa cawaysinkii xalay.
Dadka ku naf-waayey weerarkaas ayaa la caddeeyey inay ku jiraan saraakiil ka tirsanaa ciidammada dawladda Soomaaliya, kuwaas oo ku dhintay qarax baabuur Al-shabaab la beegsadeen saldhig ciidan oo ku yaal Afgooye.
Xoogagga Al-shabaab oo afar jiho oo kala duwan ka weeraray Afgooye, ayaa la wareegay gebi ahaanba gacan-ku-haynta magaaladaas, kadib markii ay dagaal qadhaadh kaga adkaadeen ciidammada dawladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ee halkaas ku sugnaa.
Goob-joogayaal ku sugan Afgooye, ayaa warbaahinta u sheegay in xoogagga Al-shabaab la wareegeen Afgooye oo dhan, balse iskood dib uga baxeen halkaas gabbal-dhacii shalay, kaddib markii ay duleedka magaaladaad gaadheen ciidammo isugu jira AMISOM iyo maamulka Muqdisho oo gurmad ah.
“Dagaal culus ayaa ka dhacay gudaha degmada Afgooye. Dagaalyahannada Al-shabaab waxa lagu arkayey xaafadaha magaalada oo dhan, balse markii qorraxdu dhacday ayey dib uga baxeen.” Sidaa waxa yidhi goobjooge magaciisa ku koobay Nuur oo ku sugan Afgooye.
Masuuliyiinta Al-shabaab ayaa iyaguna dhankooda sheegay inay qabsadeen guud ahaan degmada Afgooye, kadib markii ay dagaal xooggan kaga adkaadeen ciidammada AMISOM iyo kuwa dawladda Soomaaliya ee ku sugnaa halkaas, balse ma sheegin sababaha keenay inay dib uga baxaan magaalada.
Dhanka kale, ciidammada AMISOM iyo kuwa dawladda Soomaaliya ee laga saaray Afgooye oo wararku tibaaxeen khasaare kala soo gaadhay weerarkaas, ayaa la sheegay inay isku urursanayeen jidka laamiga ah ee isku xidha magaalooyinka Afgooye iyo Baydhabo oo ay difaac kaga jireen xalay.
Hase ahaatee, ilaa hadda si buuxda looma xaqiijin baaxadda khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay weerarrada kooxda Al-shabaab ku qaadeen magaalada istaraatajiga ah ee Afgooye oo ku taal duleedka caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.