Delhi(ANN)-Dagaal gamcaha laysula tegey oo dhexmaray dalalka Hindiya iyo shiinaha, ayaa sababay dhimashada in ka badan labaatan ka tirsan Ciidamada dalka Hindiya ee jooga xadka ay la wadaagaan dalka Shiinaha.

Markii ay bilaabantay xiisaddu, waxaa laysu adeegsaday dagaal laysu adeegsaday dhagxaan, Budhadh iyo feedh oo aan laysu adeegsan hub.

 

Xiisad dagaalka ayaa timi kadib muran ka dhashay waddo ay Hindiya ka samaynayeen xadka ay la wadaagaan dalka Shiinaha ee mara silsilada Buuralayda aduunka ugu dheer ee Himalaya, waxayna xiisaddan sii xoojisay muranka labada dal u dhexeeyay ee mudada dheer soo jiitamayay.

“Waxay u muuqataa in xaaladda ay sii xumaatay,”sidaa waxa sheegaya Vipin Narang oo ka fallooda arrimaha amniga, kaddib dagaalkii ba’naa ee Isniintii xadka ku dhexmaray ciidamada Hindiya iyo Shiinaha.

Dagaalkan ka dhashay muranka dhanka xadka ee ugu muddada dheeraa dunida kaas oo socday ku dhawaad nus qarni ayaa horseeday in la dilo 20 ka mid ah ciidamada Hindiya, Hindiya waxay sheegtay in labada dhinacba uu khasaare soo gaadhay.

“Mar haddii ay sii socoto dhibaatada, waxay horseeday in xaaladda ay ku cakirnaato labada dhinac, hadda waxaa sare u kacaya cadaadiska ka imaanaya shacabka”, waxaa sidaas yiri Dr Narang, oo ka faalooda arrimaha amniga ahna Profosser wax ka dhiga macadka Massachusetts ee dalka Mareykanka.

“Baaxadda iyo cadaadiska ballaaran ee ku saabsan muranka xadka labada dal waa mid aan hore loo arag,”ayuu yidhi.

Labadan dal, ayaa haysta hubka Nukliyerka, waxaana ka dhexeeya taarikh dheer oo ah khilaaf dhanka xadka ah, kaas oo in muddo ah soo jiitamayay. xilligana howlagallada ay ka sameeyaan ciidamada Shiinaha iyo Hindiya ayaa horseeday isku dhacyo joogto ah, balse la iskuma adeegsan wax rasaas ah muddo ka badan 40 sannadood.

Waana sababta ay soo ifbaxeen dagaalladan cusub kaddib dhawr bilood oo ay xiisaddu taagneyd, haatan waxaa uu noqday mid lama filaan ah.

“Waa xiisad lama filaan ah oo qeyrul caadi ah,” waxaas sidaas yidhi, Shashank Joshi, oo ah tafatiraha jariiradda The Economist.

Waxaa uu yiri: “Ma jirin wax rasaas ah oo la isku adeegsaday muddo 45 sanno ah, kaddib waxaa la dilay 20 askari xilli galab ah, waxaana dagaalka la isu adeegsaday dhagaxaan, budad iyo dharbaaxo.”

Dagaalka u dhexeeya ciidammada Hindiya iyo kuwa Shiinaha ayaa imaanaya xilli xiisad hor leh ay ka dhexeyso labada waddan kaas oo socday toddobaadyadii u dambeeyay balse wax rasaas ah la iskuma adeegsan.

Wararka waxay sheegayaan in horraantii bishii May, ciidammada Shiinaha ay fariisimo ka sameysteen gudaha dhulka buuraleyda Galwan oo ay Hindiya sheegatay in dhulkaas ay iyadu leedahay.

Ajai Shukla oo ka faallooda arrimaha gaashaandhiga una dhashay Hindiya ayaa ku anddacoonayaa in bishii la soo dhaafay uu qabsaday 60 Kiiloomitar oo ah dhul ay leedahay Hindiya.

Hindiya waxay sheegtay in Shiinaha uu horey ula wareegay 38,000 kiiloomitar oo dhulkeeda ah.

Iskahorimaadka ayaa yimi, kadib markii bilihii la soo dhaafay ay xiisado ka dhasheen waddo cusub oo Hindiya laga dhisay oo ku taalla magaalada Ladakh, iyada oo la raacayo Khadka Tooska ah ee kala qaybiya labada dhinac ee xuduudda.

“Mid kamid ah qalalaasihii ugu darnaa ee dhacay sannadahan”.

Waxaa uu jahwareer ka taagan yahay faahfaahinta ku saabsan qaabka uu u dhacay dagaalkii Isniintii xadka ku dhexmaray Hindiya iyo Shiinaha.

Shiinaha iyo Hindiya waxay labadooda isku eedeyenayaan in midba midka kale uu kusoo xadgudbay deegaan ku yaalla xadka oo dhaca dhulka buuraleyda ah ee Galwan.

Hindiya waxay sheegtay in labada dal ay wadeen dadaallo militari iyo mid diblumaasiyadeed si xal looga gaaro muranka, taliyeyaal sare oo ka soo jeedo labada dhinac ayaa kulan “Muhiim ah” yeeshay 6-dii bishan.

Wasaaradda arrimaha dibadda Hindiya waxay ka dhawaajisay in lagu heshiiyay in la soo afjaro xiisadda isla markaana la dhaqan geliyo heshiiska.

Hindiya waxay sheegtay in labada dhinac uu khaasaare ka soo gaaray dagaalka halka Shiinaha uu ku eedeeyay ciidammada Hindiya in labo jeer ay xadka si shaci darro ah uga soo tallaabeen, isla markaana ay saraakiisha Shiinaha ku soo qaadayaan weerarro daandaansi ah.

Ankit Panda, oo Tafaftire sare ka ah wargeyska The Diplomat ayaa sheegayaa in xiisadda u dhexeysay labada dal ay aheyd mid taagneyd tan iyo murankii xadka sannadkii 2017-kii, xilligaas Shiinaha uu waddo ka dhisayay halkaas kaas oo horseeday 73 maalmood ah oo khilaaf ah.

Balse tallaabada uu ku dhaqaaqay Shiinaha haatan “ayaa u muuqataa mid ka duwan tallaabooyinkii uu horey u qaaday,” waxaa sidaas yidhi, Shivshankar Menon oo ah khabiir Shiinees ah isla markaana horey u ahaa la taliye dhanka amniga ah.

“Waxaan horey u aragnay dhacdooyin dhowr ah, kuwaas oo horseeday in Shiinaha uu la wareego dhul badan oo uusan horey u qabsan dhulka lagu muransan yahay, waa astaan muujineysa jahwareer sababtoo ah waa mid ka fog dhaqamadii horey lagu yaqiinay Shiinaha,” Waxaa hadalkaas sheegay Shivshankar Menon xilli uu wareysi siinayay wargeys madaxbanaan oo la yiraahdo The Wire.

Dhaqdhaqaaqa xukuumadda Delhi ay ku xoojineyso kabaayaasha dhaqaale ee xadka waxay horseeday in ciidammadeeda ay isku dhacaan kuwo Shiinaha ee ku sugan deegaanka Ladakh.

“Xaaladdu ma waxay ka dhalatay dhistaanka waddada? Ama waxay ku saabsan tahay go’aankii Hindiya ee aqoonsigii gaarka ahaa ay kagala noqotay gobolka Kashmiir? Mise waa dandaansi? Ma garan karno,” ayuu yidhi Dr Ngarang.

Waxaa uu sii raaciyay “Waa xaalad jahwareer ah mana dhammaan”.

Mr Menon oo horey u ahaan jiray safiirka Hindiya ee Shiinaha ayaa sheegaya in Shiinaha uu bilaabay dhaqdhaqaaqyo xoojinta qaranimadiisa maadama uu la daalaa dhacayo dhibaatoyiin dhaqaale iyo arrimo kale oo gudaha ah.

“Waxaad arkaysaa tallaabooyinkiisa ku aadan badda Yellow Sea ee Taiwan, waxaa uu meel mariyay sharci isaga oo aan la tashan Hong Kong, muranka xadka ee ka dhexeeya Hinidiya iyo dagaalka ganacsi ee ka dhexeeya Australia”.

Tafaftiraha jariiradda The Economist waxaa uu rumeysan yahay in cawaaqib xumada ka dhalan karta dagaalka Isniintii dhexmaray ciidammada Shiinaha iyo kuwo Hindiya “ay horseedi doonto xiisad dblumaasiyadeed oo muddo dheer socon karta.”

Ugu yaraan 20 askari oo Hindi ah ayaa ku dhimatay iska horimaad dhexmaray ciidamada dalkaasi iyo kuwa Shiinaha ee ku sugan xuduudda Himalaya ee ay labadaasi waddan isku hayaan, sida ay sheegeen mas’uuliyiin ka tirsan xukuumadda Delhi.

 

Source: BBC