Araweelo News Network

_89958392_gettyimages-51396249Asmara(ANN)Wasiirka warfaafinta dowladda Eereteria ayaa sheegay in ciidanka Itoobiya ay weerar kusoo qaadeen saldhig ciidan oo ku yaal xadka labada dal ay wadaagaan kadibna uu qarxay dagaal culus.

Telefeshinka Qaranka Ereteria ayaa lagu sheegay in dagaallo culus ay ka dhax qarxeen Itoobiya iyo Eereteriya.

Wakaaladaha wararka ayaa baahiyay war sheegaya in dagaallo culus ay ka dhax qarxeen labada wadan, goob joogayaal ayaa sheegay in dagaalka laysku adeegsaday gaadiidka gaashaaman madaafiicda goobta iyo diyaarado dagaal.

Dad ku sugan waqooyiga Itoobiya ayaa sheegay in ay maqlayeen madaafiic culus oo laysku adeegsanayay,Ereteria ayaa Itoobiya ku eedaynaysa in ay iyadu dagaalka bilaawday.

Dhinaca kale dowladda Itoobiya ayaa beenisay in dagaal cusub uu ka dhax qarxay labada dal, ku dhawaad 100-kun oo qof ayaa ku dhintay dagaalkii dhaxmaray Ereteria iyo Itoobiya intii u dhaxaysay sanadihii 1998 illaa 2002.