Muuqaalka Magaalada Gaalkacayo

Muuqaalka Magaalada Gaalkacayo

Mogadishu(ANN)Magaalada Gaalkacayo, ayaa dib uga qarxay Dagaalka labada dhinac ee maamulada Galmudug iyo Puntland u dhexeeya.kadib heshiis ay wada saxeexeen hoggaamiyayaasha labada dhinac oo la doonayay in lagu soo afjaro colaada, balse heshiiskaa ayaa meel mar noqon waayay.akdib markii uu mar kale dagaalku ka qarxay halkaa.
Dagaalka, ayaa maanta barqadii dib uga bilawday magaalada, isla markaana laga maqlayay magaalada gabaldhicii caawa , agagaarka suuqa weyn ee Gaalkacyo iyo inta badan koontaroollada ay labada dhinac isku hor fadhiyaan, ayaa dagaalku ka qarxay.

Goob joogayaal ayaa sheegay in maleeshiyaadka maamulka Puntland ay madaafiic ku garaaceen xaafadaha dhina Koonfurta magaalada Gaalkacyo, iyadoo maleeshiyaadka Galmudug marka kadib madaafiic ku jawaabeen, waxaana madaafiicda lays dhaafsaday ka dhashay dhimasho iyo dhaawac iyo burbur soo gaadhay guryo dad shacab ah leeyihiin, balse weli lama oga khasaaraha dhabta ah ee dagaalka .
Dhinaca kale Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa nasiib daro ku tilmaamamay inuu fashilmo heshiiska labada dhinac oo dagaalku dib uga qarxo magaalada Gaalkacyo, maalin kadib markii labada maamul ay heshiis xabad joojin wada saxeexeen.

War saxaafadeed ka soo baxay Madaxweynaha Soomaaliya ayaa lagu sheegay inuu dhamaaday waqtigii isla xisaabtan la”aanta, waxaana Maamulada Galudug iyo Puntland uu sheegay inay qaadan doonaan mas’uuliyada dagaallada ka soo cusboonaaday gaalkacyo heshiiska kadib.
“Waa nasiib darro in la xushmeyn waayo ballanqaadkii shaley ay madaxda Puntland iyo Galmudug ku galeen Gaalkacyo ee ahaa in dagaalka la joojiyo, nabaddana laga shaqeeyo. Waxaan maamullada iyo madaxda Puntland iyo Galmudug xusuusinayaa in uu dhammaadey waqtigii isla xisaabtan la’aanta, dhiigga shacabka ee daadanayana cawaaqibkeeda la dhadhamin doono”ayuu yiri Madaxweynaha.
Madaxweynaha ayaa sheegay in Soomaaliya ay horyaallaan hawlo badan oo u baahan in si wadajir ah loo wajaho, isla markaana dagaal dambe oo sokeeye aan la aqbali karin in shacabka lagu mashquuliyo.
Sidoo kale Madaxweynaha intaa ku darey in khilaaf kasta oo dhaca uu ku wanaagsan yahay in wada hadal lagu xaliyo, Soomaaliyana ay ka gudubtey xilligii qoriga wax lagu xalin lahaa.
“Dowladda Federaalka ee Soomaaliya waxaa ka go’an mar walbana ay sii wadeysaa dadaalka ku aaddan in xasaradda ka taagan Gaalkacyo nabad lagu xaliyo. Waxaan mar kale farayaa madaxda Puntland iyo Galmudug inay si buuxda ula shaqeeyaan Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Sharma’arke iyo mas’uuliyiinta kale ee dowladda ee hawlaha dhexdhexaadinta ku guda jira’’, ayuu yiri Madaxweynaha.
Ugu dambeyn madaxweynaha ayaa ugu baaqay hoggaamiyeyaasha Galmudug iyo Puntland, C/kariin Xuseen Guuleed iyo C/wali Maxamed Cali inay u hoggaansamaan, si buuxdana u fuliyaan heshiiski shalay lagu kala saxiixday Gaalkacyo.

Dagaalka, ayaa dib u biilbmay maalin kadib markii labada dhinac heshiis xabad joojin ah ogolaadeen dagaal dhawr maalmood socday oo sababay dhimashada dhawr iyo labaatan iyo dhaawac sodoneeyo ah, kaas oo kumanaan qoys ku khasbay inay ka qaxaan guryohooda.
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

WhatsApp + 252 63 442 5380
Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380