yemenlastpcWarbixin: Carraale M. Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.
Aden(ANN) Dagaalka Yemen, ayaa u muuqda si saamayn ku yeeshay dunida kale Afartii Bilood ee u danbeeyay, waxana durba kordhay qiimaha shidaalka Aduunka, kaas oo gaadhay ilaa $ US 57,89, isagoo Barmiilka, ama Foostada Ceedhiin ahayd saaka $ 56,78, iyadoo Desember qiimaha Foostada Ceedhiin hoos ugu dhacay si weyn, isla markaana gaadhay $ 42.

Dalka Yemen wax soo saarkiisa shidaalku ma ahayn mid balaadhan, wuxuuna soo saarayay shidaal yar oo inta baddan dalka gudihiisa laga isticmaalo, balse waxa arrintan lala xidhiidhiyay dagaalka ka socda Afartii bilood ee u danbeeyay dalka Yemen, kaas oo cabsi geliyay Maraakiibta shidaalka ee marinka Istiraatiijiga ah ee Baabal-mandab oo ku yaal afaafka Badda Cas.
Sidoo kale waxa arrintan lala xidhiidhiyay Dagaalka iyo qalalaasaha dalka Libya oo ka mid ah wadamada saliida ugu baddan soo saara iyo sidoo kale saliida ceelasha dalalka Ciraaq iyo Suuriya ee dagaalyahanka Daacish hore u qabsadeen oo suuqa saliida ceedhiin hoos u riday, balse waqtigan dib looga qabsaday ceelashii ay haysteen.
Xaalada Dalka Yemen, ayaa kasii dartay. Kadib markii Xulufada Sucuudigu dib u bilaabeen duqayntii dhinaca Cirka ee la bilaabay 26 March, taas oo sababtay bur-bur iyo halaag, waxaan si weyn looga cabsi qabaa dagaalka maalinba maalinta ka danbaysa sii xumaanaya ee kusii fidaya dalka, iyadoo duqaynta dhinaca Cirka ee xulufada Sucuudigu aanay waxba ka beddelin qabsashada Xuutiyiinta iyo Xulufada Madaxweynihii hore ee Cali Cabdala Saalax ku fidayeen dalka, kuwaas oo inta baddan gacanta ku haya magaalooyinka waaweyn ee dalka, isla markaana marba marka danbaysa sii awoodaysanaya.
“Yemen Waxay ku noqotay muuqaal ahaan 100 sanadood ka hor, gaar ahaan magaalooyinka Aden, Dhalea iyo Tai zoo ah magaalada sadexaad ee ugu weyn dalka” sidaa waxa yidhi Izzedine al-Asbahi oo ahaa Wasiirkii Arrimaha Xuquuqda Aadamaha ee xukuumada masaafuriska ku maqan oo warbaahinta kula hadlay Riyad.

“aad ayay uga duwantahay xaaladu marba marka ka danbaysa, way sii xumaanay” sidaana waxa tidhi Marie Claire Feghali oo ah Haweenay u hadashay ICRC, waxayna wer wer ka muujisay xaalada sii murgay ee aan rajada lahayn.
Isgaadhiisnta ayaa gebi ahaanba la jaray maalmihii u dambeeyay, sida lagu sheegay wakaalada wararka Yemen ee Saba, iyadoo adeega Biyaha, Cuntada iyo dawooyinku gabaabsi yihiin, isla markaana waxay u muuqataa in xaaladu sii xumaanay sida ay sheegtay Hay’adda Cuntada Aduunka WFP, waxaana laga cabsi qabaa dadka Yemen oo lagu qaiyaaso 25 million in 90% aanay haysan cunto iyo Biyo.

Tan iyo markii Dagaalku ka bilaabmay dalka Yemen 26 March, waxa dhintay inta la ogyahay in ka baddan 1,000 qof, kuwaas oo ay ku jiraan qiyaastii 551 lagu dilay duqaynta dhinaca Cirka oo ay ku jiraan 115 caruur ah.
Goobaha Cusbataalada, xarumaha Dawlada, wershedaha iyo goobaha taariikhiga ah, ayaa dhulka lala simay inta baddan Magaalooyinka Aden, Sanaa iyo Tai zoo ah magaalada sadexaad ee ugu weyn dalka, isla markaana ah magalada ay ku yaaliin masaaniicda dhinaca wax soo saarka ee ugu baddan.
Hawlwadeenada Caafimaadka ee Magaalada Cadan, ayaa sheegaya in Cusbitaalka ugu weyn dhinaca Magaalada cadan ee al-Jumhouriyah hospital ay ka carareen dadkii bukaanka iyo dhaawaca ahaa eek u jiray. Kadib markii Malayshiyada Xuutiyiinta ee ku sugan Magaalada Cadan ee dhinaca Koonfurta ay dhufays ka dhigteen, iyadoo laga cabsi qabo inay diyaaradaha Sucuudigu garaacaan dhismayaasha Cusbitaalka.

ICRC, ayaa sheegtay in Kolanyo Gaadiid siday Gargaar Caafimaad ay hor istaageen malayshiyada Xuutiga iyo Xulufada Ciidamada Madaxweynihii hore Cali Cabdalla Saalax, iyadoo gaadiidkaasi oo ka tegey dhinaca Marib u gudbayeen dhinaca Magaalada Cadan, balse lasii daayay todobaad. Kadib markii ay wadahadal la galeen saraakiisha Malayshiyada Xuutiyiinta. Sida ay sheegtay haweenay lagu magcaabo Sitara Jabeen oo ka tirsan ICRC.
“Dagaal kulul, ayaa ka socda shaaracyada Taiz, duqaynta cirka ayaa si xidhiidh ah uga socota magaalooyinka Cadan, waxaana magaalada Tai zoo qiyaastii 3million oo shacab ahi ku nool yihiin ay waajahday khatar weyn” sidaa waxa tidhi Haweenayda ICRC.
Magaalooyinka Al-Jouf iyo Marib, ayaa sidoo kale waxa ka socda dagaalka gudaha, iyadoo dadka ku nool magaalada Taiz todobaadkii u danbeeyay ay ku jireen gurayaha, isla markaana cuntada iyo Biyuhu gabaabsi noqdeen. Sida ay sheegayaan dad ku sugan halkaa oo shebekada Araweelo News Network la xidhidhay, iyadoo qaar ka mid ah dadka Soomaalida ee ku sugnaa Cadan qaarkood dhinaca Sanca uga carareen, halka kuwo kalena ay naawilayaan inay dhinaca Magaalada xeebta ee Makha u gudbaan si ay Doonyo dhinaca Berbera ugu soo baxaan, iyadoo la sheegayo in gaadiidka dadka doonaya inay kasoo baxaan halkaa sii adkaanayo, maadaama xaaladu marba mark aka danbaysa sii xumaanay.

Malayshiyada Xuutiga, ayaa lala xidhiidhiyay inay Dawlada Iran siisay taageero Hub iyo saanad Milati kadib markii Kolanyo Maraakiibta Dagaalka Iran oo qaarkood sideen sahay ay todobaadkan gaadheen duleedka xeebta magalaada Cadan, halkaas oo la rumaysan yahay inay ka dejiyeen sahay gargaar dhinaca Milateriga ah, iyadoo Maraykanka iyo Xulufada Sucuudigu ku guuldaraysteen inay hor istaagaan Kolanyada Maraakiibta Iran oo wararka qaar sheegayaan inay ku laabteen Gacanka Haramous. Sida laga soo xigtay saraakiisha Maraykanka.

Dagaalyahano ka socda Kooxda Daacish ee ISIS, ayaa gaadhay Yemen maalmihii u danbeeyay, kuwaas oo labadii maalmood ee u danbeeyay ku baahiyay Bogga ay ku leeyihiin Tiwitter-ka Muuqaalo ay ku sheegayaan inay shiicada Xuutiyiinta la dagaamayaan oo ay ku celinayaan buuraha ay ka yimaadeen, iyadoo Yemen hore u ahayd hoyga ay ugxaanta dhigato Al-Qaida.

Si kastaba ha ahaatee xaalada dalka Yemen, waxay waajahday wado aan la saadaalin Karin, iyadoo ay xeebaha Badda Yemen hogganayaan maraakiibta dagaalka, mana muuqato wax aan burbur ahayn oo ay soo kordhiyeen duqaynta dhinaca Cirka ee Is Miidaaminta Sucuudiga oo halaag u horseeday shacbiga Yemen.
Warbixin: Carraale M. Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.
Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews.