Araweelo News Network

alshabab

Muqdisho (ANN) Laba xubnood oo la sheegay inay ka tirsanaayeen dagaalyahannada kooxda Al-shabaab ayaa ku dhintay qarax ka dhacay duleedka magaalada Muqdisho habeennimadii Khamiista.
Wakaaladda wararka maamulka Soomaaliya ee SONNA, ayaa baahisay shalay in labadaas qof oo ka mid ahaa saddex xubnood Al-shabaab ah, kuwaas oo ay ku qaraxday miino ay doonayeen inay ku aasaan jidka Ex. kaantaroolkii hore ee magaalada Muqdisho.
Guddoomiyaha Degmada Heliwaa ee Gobolka Banaadir Mr. Maxamed Axmed Xaashi (Qoslaaye) ayaa u sheegay wakaaladda SONNA in dagaalyahanka saddexaad ee ka badbaaday qaraxaasi baxsaday.
Ciidammada ammaanka maamulka taagta daran ee Muqdisho, ayaa iyaguna dhankooda warbaahinta u sheegay inay dabagal iyo baadhitaanno ku samayn doonaan qaraxa galaaftay xubnaha Al-shabaab iyo cidda ay la damacsanaayeen.