Cabdirashiid Dahabshiil oo la guddoonsiinayo Abaalmarin
Minneapolis(ANN)Munaasibad si weyn loo soo agaasimay oo lagu qabtay 15 November 2015, oo ay soo qabanqaabisay Hay’adda caalamiga ah ee arrimaha qaxootiga qaabilsan ee Maraykanka oo loo yaqaan American Refugees Committee, isla markaana loo soo gaabiyo (ARC). ayaa shirkada ugu caansan Xawaaladdaha Soomaalida ee Dahabshiil guddoonsiiyay Aabaalmarin Caalami ah.

Munaasibada Kulanka oo ahaa mid casuumad Casha ah, waxa cashada ahaa waxaa looga hadlay horumarka iyo dhibaatooyinka horyaala dadka qaxootiga ah. Waxaana ka qaybgalay ugu yaraan 1000 qof oo ka kala yimid waddamada caalamka , sidoo kale waxa xafladaa fadhiyay Safiirka Soomaliya u fadhiya magaalada Washington.
Waxaa abaalmarinno qadderin ah lagu gudoonsiiyay shirkaasi shirkadaha loo aqoonsaday in ay wax ka qabtaan hawlaha dadka qaxootiga ah, waxaana Shirkadahaasi ka mid ahaa hormuudkooda shirkaddaha ganacsiga Soomaalida ee Dahabshiil Group.
Abdirashiid Maxamed Saciid oo ah, Guddoomiyaha Guud ee shirkadaha Dahabshiil Group, ayaa sharaxaad ka bixiyay ahmiyada munaasibada iyo ujeedada nuxur ahaan ay xanbaarsanayd.
Wariyaha BBC-da Maxamed Xaaji Xuseen oo kulankaasi ka qaybgalay ayaa waraystay Cabdirashiid Mohamed Saeed Duale, wuxuuna isagoo ka hadlaya ujeedada xafladda yidhi,
“Dahabshiil: Sida aad la socoto xafladdan waxa qabanqaabiyey hay’adda American Refugee Committee (ARC) oo deggan Gobolka Minnesota (USA); waana hay’ad caalami ah oo dhulkua Soomaalida hawlo baddan ka qabata, waddamo baddan oo Afrika ahna wax ka qabata, sidoo kale.
Annaga Dahabshiil ahaan Abaalmarintan ay na siiyeen ama nagu maamuuseen aad ayaannu ugu faraxsanahhay.” ayuu yidhi Cabdirashiid Dahabshiil.
Xafladdaa oo ay  qabanqaabisay Hay’adda ARC, waxa kaqaybgalay  ilaa 1,000 qof, kuwaas oo lagu xusayo horumarka dadka Soomaaliyeed ka gaadheen meelo baddan. Iyada oo inta baddan warar aan wanaagsanayn dhulalka Soomaalida laga sheego, in Hay’ad caalami ah iyo ganacsatadii abaalmarintan horumarka Dahabshiil Gddoonsiiyaan waxa ay noo tahay sharaf iyo farxad.
BBC: Maxay ku soo kordhin kartaa billaddan la idin siiyey Dahabshiil?
Cabdirashiid Dahabshiil: Billaddan la siiyey Dahabshiil waxa ay muujinaysaa in dadka caawa ka soo qayb galay xafladdan ee halkan jooga ee ay ka midka yihiin xubnaha Congress-ka Maraykanka, sida Keith Ellison, ganacsatada Maraykanka ah ee deggan…waxa ay muujineysaa in hawlaha Dahabshiil ka qabtay dhulalka Soomaalida ama hawlaha aan halkanba ka qabannay sida isu-gudbinta lacagaha (la gaadhsiiyo dadka u baahan) in Dahabshiil ka qayb yahay horumarka laftiisa, iyo in ganacsatada iyo madaxda kale ee ka soo qayb galay xafladda u muujiyaan inay Soomaalida jiraan dad dedaalaya, oo doonaya in horumar ka dhaco waddankoodii.
Sida aan kuu sheegay, annaga dhiirrigelin ayay noo tahay haddii aannu nahay Dahabshiil inaanu helno billaddaa caalamiga ah.
BBC: Waxyaabaha aad qabataan ee la idinku aqoonsaday maxaa ka mid ah?
Cabdirashiid Maxamed Siciid Ducaale: Waxa ka mid ah, sida aad la socota, hawlaha ballaadhan ee ganacsi ee Dahabshiil ku jiro ha noqoto lacagaha Maraykan, oo kale, laga dirayo, ha noqto Bangiyada, ha noqoto isgaadhsiinta SOMTEL oo moobaylkii iyo Internet’kiiba samaysay iyo waddamadan kale ee Afrikaba ganacsiga aannu kaga jirno.
Waxa ay muujineysaa in ganacsiga iyo horumarku yahay waxa mustaqbalka qayb ka qaadan kara, shaqo abuuri karaya.. inta badanna Soomaalida ganacsigu waa waxyaalaha ay ku fiican tahay.
Waad ogtahay in Minnesota Soomaalidu ganacsi badan ka samaysay. Xafladdan waxa ka soo qayb galay dhallinyaro baddan oo qaarkood hadda bilaabay ganacsi ama sameeyeyba, markaa in Dahabshiil loo garto inay tahay calaamadda, ama Astaanta horumarka,  waxa ay u tahay guul ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaanba. Annaguna waannu ku faracsannahay in dadkaa kala duwan ee ganacsatada, dawladda iyo Hay’addaa caalamiga ahba ee xafladdan ka qayb qaatay in Dahabshiil loogu qiray qaybta (doorka) uu ka qaatay horumarka.
BBC: Imisa Hay’adood oo kale ayaa iyana abaalmarintaasi helay?
Cabdirashiid : Waxa helay saddex Hay’adood ama saddex shirkadood oo kale. Mid waxa weeye Bangi ka tirsan Maraykanka, shirkada oo kale oo xagga IT’ga u xilsaaran oo Maraykan ah. Soomaali ahaan, runtii, helay Dahabshiil uun buu ahaa, iyo shirkad kale oo looyarro ama garyaqaanno ah. Afartaa shirkadood ayaa lagu guddoonsiiyay xaflada  billado kala duwan.
Shirkadda Dahabshiil waxa loo aqoonsan yahay hormuudka shirkadaha Afrika laga leeyahay ee kala-dirista lacagaha (money transfer), gaar ahaanna, Geeska Afrika. Shirkadda Dahabshiil waxa ay sannadahan dambe dedaal addag ka gashay sidii aan Bulshada Soomaalida uga joogsadeen xawaaladuhu siiba Yurub iyo Maraykan oo la adkeeyey shuruucda Bangiyada iyo isu-gudubka lacagaha.
Shirkaddu waxa ay ka hawlgashaa in ka badan 140 dal oo caalamka ah, mana aha markii u horaysay ee ay hesho abaalmarin caalami ah, balse waxay hore u heshay dhawr abaalmarinoood oo qaarkood ay kula tartameen shirkado boqolaal sanadood soo jiray oo laga leeyahay dalka Maraykanka iyo meelo kale.

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

WhatsApp + 252 63 442 5380
Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380