Dahabshiil Group oo Fursado Maal-galineed u soo bandhigtay Shaqaalaha Dawladda ee mushaharka ku isticmaala Adeega eDahab iyo Simcard-ka Somtel.

Hargeysa(ANN)-Shirkada Dahabshiil Group oo ka qeyb ahayd Xaflada Daahfurka Adeega eShiling oo ah adeeg uu soo bandhigay Baanka Dhexe ee Somaliland oo shaqaalaha Dowadda u suurtogalinaya inay mushaharkooda ku qaataan Simcard-ka Somtel iyo adeega eDahab.

Sidoo kale, Shirkada Dahabshiil Group waxay Shaqaalaha Dowladda ee isticmaala adeegyada Somtel & eDahab ay u soo bandhigtay nidaam ay ku heli karaan Adeegyadda Maal-galineed ee Shirkadaha Dahabshiil iyo sidoo kale Mobile Smart Phone ah nooca Shirkadda Samsung kuwoodii ugu danbeeyay.

Fursadan dahabiga ayaa u saamaxaysa Shaqaalaha kala duwan ee Dowadda Somaliland ee lambarkooda Somel iyo adeega eDahab ku isticmaala Mushaharka Dowladda kuna xidha Xisaabahooda Baanka Dhexe inay heli karaan Mobile casriya oo wata Somtel 4G Internet Data + ku hadal aan xadi lahayn (unlimmited calls) taas oo ay shaqaaluhu ku bixin karaan hafto ahaan muddo sannad ah ama 12 Billood, Bill walbana laga jarayo mushaharkooda lacag kooban oo aan culays ku noqonayn qofka shaqaalaha ah.

Maareeye Kuxigeenka Guud ee Shirkadaha Dahabshiil Group Mudane  Cabdirahman Cali Cbdi
Maareeye Kuxigeenka Guud ee Shirkadaha Dahabshiil Group Mudane Cabdirahman Cali Cbdi

Maareeye Kuxigeenka Guud ee Shirkadaha Dahabshiil Group Mudane Cabdirahman Cali Cbdi oo madashii daahfurka adeega eShiling kaga dhawaaqay fursadan dahabiga ayaa yidhi:

“Annaga Dahabshiil ahaan ama Somtel ahaan door weyn baanu ka qaadanay inuu hirgalo adeegan eShiling anagoo og faa’iidada uu adeegani u leeyahay wadanka iyo Shaqaalahaba, aad iyo aad baanu u dhiirigalinay wakhti badan iyo juhdi badan ayaanu galinay sidii uu u hirgali lahaa system-kani, imikana waxaanu rajaynaynaa inuu hirgalo oo ay aad uga faa’idaystaan shaqaalaha Dowladdu”.

Dahabshiil Group oo Fursado Maal-galineed u soo bandhigtay Shaqaalaha  Dawladda
Dahabshiil Group oo Fursado Maal-galineed u soo bandhigtay Shaqaalaha Dawladda

Sidoo kale Maareeye ku xigeenka Guud ee Dahabshiil group Mudane Cabdiraxmaan Cali Cabdi wuxuu sheegay in arrintani suurto-galinayso in shaqaalaha Dowaddu ay ka faa’iidaysan karaan Maalgelinaha Dahabshil Bank iyo Maalgelinaga yaryar (MicroFinance) ee Shirkadda Dahabshiil bixiso, iyada oo qofka shaqaalaha dowladda ah ee doonaya in la siiyo maalgelin ay caddayn u noqonayso dakhligiisa dhaqdhaqaaqa Xisaabtiisa eDahab iyo Simcard-ka Somtel oo marka la arko dakhliga soo gala bill walba iyo mushaharkiisa uu jaanis u heli karo in ay Shirkaddu siiso maalgelinta uu soo dalbaday.