Caynabo(ANN)-Shirkadda Dahabshiil Group ayaa maamulka dawladda hoose ee magaalada Caynaba ku wareejisay lacag deeq ah oo dib loogu dhisay xarunta dawladda hoose oo roobabkii Gu’gu waxyeello u gaysteen.

Xasan Casayr Yuusuf maamulaha shirkadda Dahabshiil Group ee gobolka Saraar ayaa maamulka dawladda hoose ku wareejiyay lacagtan oo lagu bixinayo dayn lagu lahaa dawladda hoose waxaanay si weyn uga mahadceliyeen in shirkadda Dahabshiil ka jawaabtay codsigooda.

“Waxaa sharaf ii ah in aan maamulka dawladda hoose iyo xubno golaha degaanka ah ku wareejiyo lacagtii ay ka codsadeen Dahabshiil oo la soo bixiyay taas oo ahayd dayn lagu lahaa maaddaama ay duntay dawladda hoose,” sidaas ayuu yidhi Mudane Xasan Casayr.

Maamulaha Dahabshiil ee Saraar wuxuu sheegay in hore adeegyada asaasiga ah ee gobolka Saraar Dahabshiil wax uga qabatay sida goobaha waxbarashada iyo meelaha kale ee bulshada loogu adeego, islamarkaana ay sii wadi doonto taageeridda bulshada.

Cabdiqani Axmed X Yuusuf maayarka magaalada Caynaba ayaa u mahadnaqay shirkadda Dahabshiil iyo maamulkeeda “ Waxaanu guddoonay deeq aanu ka codsanay Dahabshiil Group oo ahayd deyn nalagu leeyahay. Aad iyo aad baanu ugu mahadcelinayna Dahabshiil Group iyo madaxdeeda Xaaji Maxamed Siciid Ducaale mana aha markii u horaysay ee uu gobolka ama degmada wax gaadhsiiyo ee inbadan ayuu wax ka soo qabtay dalka oo dhanna wax buu ka qabta waanan uga mahadnaqayna deynta uu naga furfuray kadib markii dawladda hoose duntay oo uu dadkii na haystay lacagtii siiyay oo deyntii naga bixiyay aad iyo aad baanu ugu ducaynayna Dahabshiil Group ayuu yidhi Mudane Cabdiqani Axmed.

Xildhibaan Abokor Shide Cali oo ka mid ahaa xubnaha codsiga ugu tagay masuuliyiinta Dahabshiil ayaa sheegay in uu si weyn ugu faraxsan yahay aqbalka codsigooda waxaanu sheegay in bulshada reer Caynaba iyo guud ahaan Saraar beerka ka ogyihiin waxtarka Dahabshiil Group.

“Mar walba shirkadda waanu u ducaynayna waanan la shaqaynayna wixii itaalkayo ah , bulshada reer Caynabana mar haddii ay ka bixisay dhismihii dawladdii hoose ee duntay oo aan maanta waxba lagu lahayn, maanta oo ay xor tahay Caynaba oo aan waxba lagu lahayn aad iyo aad baanu ugu mahadcelinayna Dahabshiil Alle shirkadda ha barakeeyo,” ayuu yidhi xildhibaan Abokor.

Shirkadda Dahabshiil ayaa ka qayb qaadata horumarka bulshada waxaanay dhawaan bixisay boqol kun oo dollar oo lagu dhisayo dugsiga farsamada ee magaalada Berbera.