Dahabshiil

Hargeysa(ANN)- Shirkaddaha Dahabshiil Group ayaa lagu Abaalmariyey Doorkii weynaa ee ay ku lahayd Qabsoomidda Carwadda ganacsiga siddeedaad ee Somaliland oo lagu soo gabo-gabeeyay magaalada Hargeysa, waxaana muddadii ay socotay carwadaasi ka dhex muuqday adeegyada Shirkadda Dahabshiil Group iyo sidoo kale hadyado iyo abaalmarino ay shirkaddu ku bixinaysay.

Shirkadda Dahabshiil Group ayaa Carwada ku soo bandhigtay adeegyada kala duwan ee ay shirkaddu u qabato bulshada, waxaana ka mid ahaa adeegyada shirkaddu bixiso ee carwadaasi sida weyn uga dhex muuqday Dahabshiil, Dahabshiil Bank, eDahab, Somtel iyo gaadiidka casriga ah ee Hyundai oo ay shirkaddu dalka keento.

Shirkaddaha Dahabshiil Group oo lagu Abaalmariyey Doorkii ay ku lahayd  Carwadda siddeedaad ganacsiga Somaliland.
Shirkaddaha Dahabshiil Group oo lagu Abaalmariyey Doorkii ay ku lahayd Carwadda siddeedaad ganacsiga Somaliland.

Macaamiil aad u tiro badan oo ka mid ah bulshada ku xidhan shirkadda Dahabshiil Group oo ka kala yimi gobolada iyo degmooyinka kala duwan ee dalka, ayaa si wayn uga uga muraadsaday adeegyadii ay shirkaddu ku soo babandhigga Carwadaasi, iyada oo saraakiisha sar sare ee shirkadduna ay bogaadiyeen bulshadii kala qayb qaadatay bandhiggaasi.

Cabdirashiid Faarax Ahmed Maamulaha Shirkadda Dahabshiil
Cabdirashiid Faarax Ahmed Maamulaha Shirkadda Dahabshiil

Cabdirashiid Faarax Ahmed oo ah Maamulaha Shirkadda Dahabshiil ayaa sharraxay adeegyada ay shirkaddu soo bandhigtay iyo macaamiisha ka adeegatay, waxaanu yidhi “Aniga oo ku hadlaya magaca shirkadda Dahabshiil Group, aad iyo aad ayaan u boggaadinayaa macaamiisha tirada badan ee noo timid ee ka adeegatay bandhigga.

Runtii sannadkan macaamiisha noo timid ee naga adeegtay aad iyo aad ayay u tiro badan yihiin, waanay ka tiro badnaayeen macaamiishii sannadkii hore, dad aad u tiro badan oo ka badan intii sannadkii hore ayaa na soo booqday oo ka adeegtay shirkadda. Waxaan aad iyo aad ugu mahad naqayaa shaqaalaha shirkadda Dahabshiil Group oo muddadii ay Carwadani socotay aan mar qudha fadhiisan isla markaana si habsami leh ugu adeegay macaamiisha shirkadda.”

Shirkadda Dahabshiil Group, ayaa carwadaasi ganacsi kaga qayb qaadatay hadyado ay shirkaddu ugu talo gashay macaamiisheeda, kuwaasi oo si bakhtiyaanasiib ah lagu helayay, waxaana arrintaasi ka warrantay Marwo Hibo Warsame oo ah Madaxa Waaxdda Suuq-geynta Somtel “Macaamiishayada aanu jecel nahay ee carwadan ka soo qaby galay aad iyo aad ayaan ugu mahad naqayaa.

Waxa jiray hadyado iyo adeegyo jaban oo ay shirkaddu ugu talo gashay ardayda iyo macaamiisha, waxaa jiray xidhmooyin internet ah oo jaban oo aanu ugu talo galnay ardayda, waxa kale oo jiray hadyado bakhtiyaanasiib ah oo qof iyo nasiib kii ah, telefoonada yar yar ee meheradaha ayaanu ku bixinaynay oo qof iyo nasiibkii ah, kuwaasi oo aanu ku abaal marinaynay macaamiiyashayada.”

Sacad Muuse Cabdi Madaxa Suuq-geynta Dahabshiil oo isaguna hadal ka jeediyay gabagabadii Carwadaasi, ayaa si weyn ugu mahad naqay macaamiisha shirkadda Dahabshiil Group ee ka qayb galay carwadda siddeedaad ee Somaliland isla markaana ka adeegtay shirkadda, waxaanu yidhi “Waxaan u mahad naqayaa guud ahaan macaamiisha shirkadda Dahabshiil Group, ee aanu u addeegaynay mudaddii carwaddu ka socotay Hotel guuleed, Dhamaan qaybaha shirkadaha dahabshiil group ee Dahabshiil, eDahab, Somtel, Bangiga Dahabshiil iyo Dahabshiil motors, sidoo kale waxaanu mahad naqayaa intii ku guulaysatay abaal-marinnadii aanu ku bixinaynay Carwada.”

Adeegyada ay shirkadda Dahabshiil Group ku soo bandhigtay carwada siddeedaad ee Somaliland ayaa waxa ka mid ahaa baabuurta casriga ah ee Hyundai oo ay shirkaddu dalka keento, kuwaasi oo ah baabuur cusub isla markaana leh shan sannadood ee damaanad qaad ah, waxaana ka warbixiyay Cawil Saalax Cabdi ” Baabuurtan Hyundai runtii waa gaadiid cusub, waana markii ugu horraysay ee baabuur noocan oo kale ah la keeno gayiga ay Soomaalidu degto.

Runtii dalkeenu wuxuu la ciirciirayaa baabuur mustacmal ah oo laga soo laastay, baabuurtaasi oo aynu la socono dhibaatada ay inagu hayaan, marka laga hadlayo dhaqaalaha, badqabka, caafimaadka iyo muuqaal ahaanba.

Baabuurtan Hyundai waxa ay ka socdaan dhinaca bidixda oo ah nidaamkii sharciga ahaa, kharash ahaan marka ay noqotana wuxuu madhxinayaa qarash badan marka loo eego kharashkii kaga bixi jiray gaadiidka kale. Waxa ay leeyihiin dammaanad qaad shan sanno ah oo haddii ay wax ku yimaadaan ay shirkaddu masuul ka tahay, waxaanu diyaarinay adeegii ugu fiicnaa oo ah iibkii iyo qalabkii dayactirka iyo adeegii oo diyaar ah. Waxaanu ugu talo galnay baabuurtan in ay macaamiishu tijaabiyaan.”ayuu yidhi.