Holland(ANN)Maxkamadda racfaanka ee dalka Holland (Hertogenbosch, Netherlands) waxay u xukuntay Shirkadda Dahabshiil dacwad maxkamadeed oo ay shirkaddu kula jirtey Dahir Calasow.
Shirkaddu waxay hore dacwado maxkamadeed ku oogtey bishii Oktoobar ee 2012 Dahir Calasow oo ah nin Soomaali ah oo deggan dalka Holland, dacwadahaasi oo la xidhiidhey qoraallo iyo maqaalado dhawr ah oo been-abuur ah oo la daabacay, lana faafiyey, loolana dan leeyahay in wax loogu dhimo magaca iyo sumacadda shirkadda Dahabshiil. Waxana qoray oo faafiyey eedaysanaha (Dahir Calasow) oo in muddo ahba ku soo daabacayey kuna soo saarayey dhawr website oo Soomaali ah, gaar ahaanna Sunatimes. ASOJ iyo Waagacusub.

Haddaba 16kii bishii Diisambar ayay Maxkamaddu soo saartay xukun, waxayna go’aamisay in eedaymahaasi ay yihiin qaar meel-ka-dhac iyo magac-dilis ku ah Dahabshiil. Waxayna amar ku siisay Dahir Calasow in uu la noqdo oo uu meesha ka saaro maqaaladahaasi, si buuxdana u soo qoro oo uu u soo daabacow in uu ka noqday eedaymahaasi, lana noqday maqaaladahaasi meel-ka-dhaca ah, aanu qiro in qoraalladaasi ay ahaayeen beenabuur ula kac ah oo loogu talo galay magacdil shirkadda, oo aan qiil lahayn. Waxa kale oo maxkamaddu ku amartay Dahir Calasow in uu qoro oo uu diro email sixitaan ah oo isla qodobadaasi hore waafaqsan, una kala diro dad badan oo uu hore dhawr sano ka hor la kala xidhiidhay, isaga oo samaynaya isla eedahani been-abuurka ah. Waxa ay Maxkamaddu ku xukuntay Calasow inuu bixiyo kharashkii shirkadda Dahabshiil kaga baxay dacwadda, iyada oo weliba xaddiday ganaax maalinle ah ku waajibaya Calaosw haddii uu jebiyo ama ka soo bixi waayo arrimaha xukunka maxkamaddu waajibiyey.
Ayaan darro waxa ah in Calasow uu qiritaanka beenabuurkiisa ku daabacay website’kiisa, farriintii emailka ahaydna kala diray, hase yeeshee aanu si buuxda u fulin amarkii maxkamadda. Taasi waxa ay keentay in fuliyeyaasha maxkamadd iyo Bilayska Dhajku ay tageen goobta uu joogo, awoodna ku fuliyaan ganaaxa ku waajibey, iyada booliisku marar kale oo badanna ku soo noqon doono ilaa si buuxda loo fuliyo xukunka maxkamadda iyo ganaaxa la saaray.
Afhayeen u hadalay shirkadda Dahabshiil oo arrintani ka hadlayey waxa uu yidhi: “Dahir Calasow waxa uu caadeystey in badan in uu isku dayo inuu ka been abuurto oo xajiimeeyo ama dhaawac u geysto magaca iyo sumacadda shirkadda, waanuna soo dhaweynaynaa go’aanka maxkamadda oo caddeeyey in aannaan wax eeda ah ku lahayn eedaymihiisa oo ay muuqatay inay been-abuur iyo ceebayn keliya yihiin.
“Shirkadda Dahabshiil waxa ay xidhiidh togan oo wanaagsan la leedahay saxaafadda Soomaalida iyo tan caalamkaba, kumana aannu faraxsanayn runtii inaanu calasow (iyo qayrkii toonna saxaafadda) dacwado maxkamado gaadhaa na dhex maraan. Waxa kellifay isaga oo olole dhagaraysan oo sumcad dil ah joogtaystay, kaas oo waajibiyey in aan af-ku-xooglaha xoog-ku-doonka ahi guulaysan.”
Araweelo News Network
Somaliland Office
E-mail Jaamac132@gmail.com
info@araweelonews.com