cabsida yuhudaLondon (ANN) Dawladaha Ingiriiska iyo Faransiiska, ayaa werwer xooggan ka muujiyey in dadka Yuhuuddu cabsi darteed uga qaxaan dalalkooda, kadib markii afar qof oo Israa’iiliyiin ah lagu dilay weerarkii magaalada Paris ka dhacay laba toddobaad ka hor, kaas oo sidoo kale lagu khaarajiyey hawlwadeennadii wargeyska caadaystay aflagaadaynta Nebi Muxamed (SCW).
Ra’iisal-wasaaraha Faransiiska Mr. Manuel Valls iyo haweenayda Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Ingiriiska Mrs. Theresa May oo ka hadlay falalka Yuhuud-nacaybka ah ee ku batay dalalka Yurub, ayaa ku dooday in aanay Ingiriiska iyo Faransiisku ahaan doonin dalal jira haddii Yuhuuddu ka qaxaan, iyadoo ay UK ku nool yihiin ilaa 269 kun oo asal ahaan ka soo jeeda dhulka Israa’iil, kuwaasoo xilligan wajahay cabsi xooggan ah oo ku qasbi karta inay ka qaxaan.
“Falalka naxdin lahaa ee ka dhacay magaalada Paris waxay ahaayeen qaar walaac abuuray, waxayna caddayn u yihiin dhibaatooyinka argagixiso ee aynnu waajahayno xilligan, waxana ka sii fool-xumaa weerarkii lagu qaaday dukaanka weyn ee Yuhuuddu ku leeyihiin Paris, laguna dilay afar qof oo Yuhuud ah, iyadoo ay sii xoogaysanayaan falalka Yuhuud nacaybka ee ka jira Faransiiska iyo dalkagayan (Ingiriiska),” ayey tidhi haweenayda Wasiirka Daakhiliga ee Britain oo hadal ka jeediyey xus loo sameeyey Yuhuuddii lagu dilay Paris toddobaadkii hore.
Waxa kaloo ay tibaaxday in aanay weligeed ku riyoon in dad Yuhuud ah cabsi ku dareemi doonaan gudaha dalka Ingiriiska, “Waxa aan ogahay in dadka Yuhuudda ee ku dhaqan waddanka UK dareemayaan cabsi iyo inay falal kasta u nugul yihiin, una cabsanayanaan qoysaskooda, carruurtooda iyo naftoodaba, weligayna kumaan fikirin in Yuhuuddu cabsi ku dareemi doonto Ingiriiska, sida aynnu ognahayna dadka Yuhuudda ah la’aantood UK noqon maayo dal jira, sida aannu waddan jiraa u noqon karin muslimiinta la’aantood.”
Yuhuudda ku dhaqan Ingiriiska waxa tiradooda lagu qiyaasay inay yihiin 269,000 (laba boqol, lixdan iyo sagaal kun) oo qof, kuwaasoo 0.4% ka ah tirada guud ee dadweynaha ku nool dalkaas, balse waxa hadda jirta in Yuhuuddu dareemayso cabsi xooggan oo sababi karta inay ka qaxaan UK, iyadoo xilligan la bilaabay in aad loo ilaaliyo ammaanka goobaha Yuhuuddu leeyihiin.
Ra’iisal-wasaaraha Faransiiska Mr. Manuel Valls oo isna hadal jeediyey, ayaa sheegay dhankiisa in cabsi xooggan wehel u noqotay dadka Yuhuudda ah ee ku nool dalkiisa, waxaannu yidhi; “Haddii dadka Yuhuudda ee ku dhaqan Faransiiska oo tiradoodu tahay ilaa 100 kun oo qof ay go’aansadaan inay ka baxaan, waxa xaqiiq ah in aannu Faransiisku in badan sii ahaan doonin dal Faransiis ah, taasoo sababi karta in Jamhuuriyadda Faransiisku guul-darraysato,” ayuu yidhi Ra’iisal-wasaare Manuel.
Araweelo News Network

Somaliland Office

info@araweelonews.com

jaamac132@gmail.com