Araweelo News Network

Qatari Defense Minister Khalid bin Mohammed al-Attiyah speaks prior to signing agreements with the US at the State Depar

Doha (ANN)- Dawladda Qadar, ayaa soo bandhigtay qorshayaal lid ku ah xasiloonida iyo jiritaankooda dal ahaaneed oo ay si hoose u diyaariyeen dalalka Sucuudiga iyo Imaaraadka Carabtu.

Sidaana waxa shaaciyey Wasiirka Difaaca ee dalka Qadar Mr. Khalid bin Mohammad Al Attiyah oo warraysi siiyey wargeyska The Washington Post ee ka soo baxa dalka Maraykanka, waxaannu sheegay in dalalka Sucuudiga iyo Imaaraadka Carabtu ay si hoose ugu diyaargaroobeen dagaal millatari oo ay ku qaadaan waddanka Qadar xilligii uu qarxay khilaafka u dhexeeya dawladda Qadar iyo dalalka kale ee Khaliijka Carabtu bishii June ee sannadkii 2017.

“Waxa jira inay isku dayeen (Sucuudiga iyo Imaaraadku) wax kasta oo ay samayn karayeen si ay xasilooni-darro uga abuuraan dalka Qadar, laakiin hadafkooda ahaa inay weerar millatari nagu soo qaadaan waannu damminay (bakhtiinay) qorshayaas ujeedadiisu ahayd inay farogelin millatari nagu sameeyaan,” ayuu yidhi Wasiirka Difaaca ee dalka Qadar.

Waxa kaloo uu iftiimiyey in aanay hadda muuqan tallaabooyin millatari oo ay dalalka Sucuudiga iyo Imaaraadku la damacsan yihiin waddankiisa, waxaannu yidhi; “Imminka waannu shiikhinay ama bakhtiinay qorshayaas millatari, laakiin bilawgii khilaafka waxa ay lahaayeen damac ah inay na soo weeraraan, waxa kaloo ay isku dayeen inay kiciyaan oo colaad ku abuuraan qabiilooyinka, waxayna adeegsadeen masaajido naga soo horjeeday oo jeedinayey khudbado iyo hadallo lagu abuurayo in dadka lagu hubeeyo.”

Wasiirka Difaaca ee dalka Qadar, ayaa shaaciyey in Sucuudiga iyo Imaaraadku isku dayeen sidii loo afgambiyi lahaa maamulka dawliga ah ee ka jira Qadar, isla markaana ay xilka ugu dhiiban lahaayeen dad dabo-dhilif ah oo ay dusha ka maamulaan.

“Waxa ay isku dayeen (Sucuudiga iyo Imaaraadka Carabtu) inay dagaal ku beddelaan oo meesha ka saaraan hoggaamiyeyaashada dawladda, waxayna isku dayeen sidii ay u heli lahaayeen dad dabo-dhilif u noqda oo ay xilka u dhiibtaan, laakiin arrimahaas waannu fashilinay,” ayuu yidhi Wasiirka Difaaca ee dawladda Qadar.

Su’aalaha kale ee la weydiiyey Wasiirka Difaaca iyo jawaabaha uu ka bixiyeyba waxa ay u dhaceen sidan;

Su’aal: Ciidan ka socda dalka Turkiga ayaa jooga waddankiina oo heshiis kula jira Qadar, markaa run ahaantii ma waxa aad ka baqayseen in dalalka Sucuudiga iyo Imaaraadku ay weerar millatari idinku soo qaadaan?

Jawaab: Anigu maan odhan waannu ka cabsoonaynay, laakiin waxa jira inay isku dayeen inay tallaabo millatari nagu sameeyaan.
Su’aal: Ma Sucuudiga iyo Imaaraadku?

Jawaab: Haa, dhab ahaantii arrintan niyadda ayey ku hayeen, laakiin heshiiska iyo cillaaqaadka naga dhexeeya Turkigu wuxuu ahaa mid ka horeeyey khilaafka dalalka Khaliijka Carabta.

Su’aal: Imminka miyuu jiraa in aad wax wallaac ah ka qabtaan in Imaaraadka Carabta iyo Sucuudigu idin soo weeraraan?

Jawaab: Maya, hadda waannu damminay qorshahaas oo waannu fashilinay, laakiin waxa ay hore u adeegsadeen wax kasta oo ay ku afgambiyi karaan dalka Qadar.

Geesta kale, Wasiirka Difaaca dalka Qadar Mr. Khalid bin Mohammad Al Attiyah oo kulan la qaatay Xoghayaha Difaaca ee waddanka Maraykanka Mr. Jim Mattis mar uu booqasho ku tegay magaalada Washington toddobaadkii hore, waxa uu ku eedeeyey xulafada Sucuudigu hoggaamiyo inay sameeyeen jid-gooyo ay doonayeen inay u dhigaan dalka Qatar, balse waxa uu xusay in qorshahaasi ahaa mid xisaab khaldan la isku gaystay.

Dalalka Sucuudiga, Imaaraadka Carabta, Masar iyo Baxrayn, ayaa xidhiidhka diblomaasiyadeed u jaray dalka Qadar bishii June ee sannadkii 2017, waxayna ku soo rogeen xayiraad dhinaca cirka, dhulka iyo badda ah, kadib markii ay ku eedeeyeen inay taageerto ururrada argagixisada, eedaymahaas oo ay dawladda Qadar si xooggan u beenisay.

Dalalka Sucuudiga iyo Imaaraadka Carabta, ayaa diyaariyey qorshe ay doonayeen inay ku afgambiyaan Amiirka xukuma dalka Qadar Sheekh Tamim bin Hamad Al Thani, isla markaana ay xilka ugu dhiibaan hoggaamiye cusub, iyagoo si gaar ah u diyaariyey inay xukunka u dhiibaan masuul magaciisu yahay Sheikh Abdullah bin Ali Al Thani, kaasoo ay qoys dhaw yihiin hoggaamiyihii hore ee dalka Qadar.

Ninkan la doonayey in loo dhiibo awoodda maamul ee dalka Qadar, ayaa hadal uu soo saaray 14 January 2018, waxa uu ku sheegay inuu maxbuus ku dhex yahay gudaha waddanka Imaaraadka Carabta, isagoo ku dooday in haddii ay naftiisa wax gaadhaan uu masuul ka yahay Amiirka maamula Imaaradda Abu Dhabi, maalmo kadibna waxa uu ninkan u baxay dhinaca waddanka Kuwait, iyadoo la dhigay cusbitaal markii uu xannuunsaday, waxayna warbixinno kale oo soo baxay iftiimiyeen inuu dhawr jeer isku dayey inuu naftiisa dilo.