Araweelo News Network

Doha (ANN)- Dawladaha Qatar iyo Maraykanka, ayaa si rasmi ah u kala saxeexday heshiis si wada jir ah la iskaga kaashanayo la-dagaalanka waxa loogu yeedhay maalgelinta argagixisada (terrorism financing).
Sida lagu baahiyey bogga internet-ka ee telefiishanka Al-jazeera oo wargeyska Jamhuuriya soo xigtay , Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalalka Maraykanka Mr. Rex Tillerson iyo Wasiirka Khaarajiga ee waddanka Qatar Mr. Sheikh Mohammed bin Abdulrahman Al Thani oo kulan ku yeeshay magaalada Doxa ee dalka Qatar shalay, ayaa ku dhawaaqay inay kala saxeexdeen heshiis ay labada dhinac iskaga kaashanayaan sidii loo dabogeli lahaa, isla markaana loo curyaamin lahaa taageerada dhaqaale ee loo fidiyo kooxaha loo aqoonsan yahay inay yihiin ururo argagixiso.
“Heshiiskankan aannu wada saxeexanay Maraykanku maaha mid la xidhiidha khilaafka ka taagan dalalka Gacanka Carabta iyo go’doominta lagu soo rogay waddanka Qatar, iyadoo Qatar uu noqonayo dalkii u horeeyey ee heshiis noocan ah la saxeexday Maraykanka, waxaanan dalalka kale ee xayiraadda ku soo rogay Qatar ugu baaqaynaa inay ku soo biiraan, isla markaana saxeexaan Isfahamkan Guud ee dhexmaray Maraykanka iyo Qatar.” Sidaa waxa yidhi Wasiirka Arrimaha Dibadda ee waddanka Qatar.
Wasiirka Khaarajiga ee dalka Maraykanka Mr. Rex Tillerson oo isna saxaafadda la hadlay, ayaa ku ammaanay waddanka Qatar saxeexa heshiiska lagula dagaalamayo maalgelinta kooxaha argagixisada ah, iyadoo la ogyahay in waddanka Sucuudiga iyo xulafadiisu ku eedeeyaan dalka Qatar inuu maalgeliyo kooxaha argagixisada ah.
“Dawladda Maraykanku waxa ay leedahay hal ujeedo amma hadaf oo ah in dhulka guudkiisa laga tirtiro argagisada, sidaa darteedna Maraykanka iyo Qatar oo iskaashanaya waxa ay la iman doonaan tallaabooyin dheeraad ah oo lagu raad-gurayo, laguna dabagelayo ilaha kala duwan ee ay dhaqaalaha ka helaan kooxaha argagixisada ah, iyadoo aannu yeelanayno iskaashi iyo isweydaarsiga xogaha macluumaadka ah, taasoo qayb ka noqonaysa in aannu amni ka dhigno caalamka,” ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Maraykanku.
Heshiiskan ay kala saxeexdeen Maraykanka iyo Qatar, ayaa u muuqda inuu yahay mid meesha ka saaraya waxyaabaha tuhunka ah ee sababta u noqday in dalalka Sucuudiga, Imaaraadka Carabta, Baxrayn iyo Masar ay xidhiidhka u jaraan waddanka Qatar taariikhdu markii ay ahayd 5 June 2017, kuwaasoo ku eedeeyey inay taageero dhaqaale siiso ururrada argagixisada ah, arrintaas oo ay beeniso dawladda Qatar.
Dhinaca kale, dawladaha Maraykanka, Ingiriiska iyo Kuwait, ayaa ku hawlan dedaalo lagu doonayo in wadahadal diblomaasiyadeed lagu afjaro khilaafka u dhexeeya dalka Qatar iyo xulafada Sucuudiga, iyadoo dhinacyada loogu baaqay inay wixii tabashooyin ah ee ay kala tirsanayaan ku dhammaystaan miiska wadahadalka.