Hargeysa(ANN)-Xukuumaddaha dalalka Jamhuuriyadda Somaliland iyo Dalka Pakistan, ayaa is dhaafsaday muwaadiniin u dhalatay labada dal, kuwaas oo ku kala xanibnaa dalalkaa.

Arrintan ayaa ka dhalatay wadahadal dhexmaray xukuumaddaha labada dal, waxaana muwaadiniin u dhashay dalka Pakistan laga saaray  diyaarad khaas ah  Garoonka Diyaaradaha Egal International Airport ee magaalada Hargeys.

Diyaarada ayaa sidoo kale kasoo qaaday dalka Pakistan muwaadiniin u dhashay Somaliland oo ku xanibnaa halkaa, kuwaas oo saamayn uu ku yeeshay safarkooda xannnuunka Coronavirus ee kala xidh-xidhay aduunka, oo gebi ahaanba kala go’doomiyay isu socodka dunida.

 

Dadka u dhashay Pakistan ee ay qaaday Diyaarada, ayaa ahaa 100 ka mid ah Culimada Tabliiqiga oo muddo dhowr bilood ah ku xannibnaa gudaha Somaliland kaddib markii ay xukuumaddu xayiraad saartay duullimaadyada diyaaradaha sababo la xidhiidha cabsida laga qabo fiditaanka Coronavirus, balse diyaarad gaar ah oo ay dowladdoodu u soo dirtay, ayaa suurta gelisay in ay  kaga dhoofaan maanta garoonka Hargeysa, waxaana daad-guraynta dadkan iska kaashaday labada xukuumadood ee dalalka Somaliland iyo Pakistan.

Nooca Diyaaradda ka soo degtay garoonka diyaaradaha ee Hargeysa

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland Liibaan Yuusuf Cismaan ayaa sheega inay tallaabadii u horeysay is-af-garad dhexmaray laba dowladood ku heshiiyeen sidii ay isku dhaafsan lahaayeen muwaadiniin ku kala xanniban labada waddan.

Wasiir ku-xigeenka oo u warramay Saabtv, waxa uu sheega in diyaaraddan oo tirada laba jeer soo gaadhay garoonka diyaaradaha ee Hargeysa todobaadyadii u dambeeyey isla markaana ay dalka Pakistan ka soo qaatay muwaadiniin Somaliland u dhashay oo tiradooda lagu sheegay 56 Qof oo ku go’doomay dalka Pakistan kaddib markii la xaddiday duullimaadyada diyaaradaha oo ka dhalatay Cabsida Cudurka Covid-19 oo si xawli ah ugu baahay dunida.

Diyaaraddan, ayaa labada jeerba sii kala qaatay 100 Culimada Tabliiqiga oo asalka aasaaskoodu ka soo jeedo dalka Pakistan kuwaas oo hawlaha Baraarujinta Diinta Islaamka u joogay Somaliland oo xarun u ah Xarunta ugu ballaadhan Bariga Afrika ee ay ku kulmaan Jameecada Tabliiqiyiinta oo isaga kala yimaadda caalamka.