Araweelo News Network


Riyadh(ANN)-Afar Ka mid ah dalalka Carbeed dawlada Qadar ka Dalbaday in ay fuliso liis ay ku qoran yihiin 13 qodob oo ay waajibtahay in ay fuliyaan haddii ay Qadar doonayso in laga qaado xayiraadda ay saareen, sida ay wakaaladohoodu shaaciyeen.

Sacuudi Carabiya, Masar, Isutagga Imaaraadka Carrabta iyo Baxrayn ayaa waydiisanaya Qadar in ay xidho oo albaabada u laabto warbaahinta caalamiga ah Al-Jazeera.

Waxaa kale oo ay dawladaha Afarta ah waydiisteen Qadar in ay yarayso calaaqaadka ay Iiraan la leedahay, Isla markaana xidho saldhiga uu Turkigu ku leeyahay Qadar, waxaana loogu baaqay in shuruudahaas oo dhanna ay ku fuliso muddo 10 maalmood gudahood ah.
Dawladda Qadar ayaa isku fogaysay eedo Oo diiday in ay maalgaliso argagixisada iyo in ay dhiirigalinayso degenaansho la’aanta gobolka, taasoo ahayd eedaha ay hore ugu soo jeediyeen Afartaa dal ee Carbeed.

Xarunta Al Jaziira


Dalka Qadar labo toddobaad waxa saaran xayiraad dhaqaale iyo mid dublamaasiyadeed Oo Ay kusoo rogeeen Afartaa dal, arrintaas oo aan la filaynin ayaa noqotay culayskii ugu waynaa ee dalalka Khaliijka ka dhacda muddo tobannaan sano ah.

Xadka Suvuudiga Iyo Qadar Oo xidhan


Sida ay ku warantay wakaaladda wararka ee AP, shuruudahan ayaa lagu xidhay dalka Qadar:
Inay xidhiidhka oo dhan u jarto kooxda Ikhwaanu Muslimiinka oo dalalka kale ee Carabta laga mamnuucay
Inay si deg deg ah u xdho xarunta milatariga ee uu Turkiga ka dhisayo gudaha Qadar, xidhiidhka wadashaqeynta milatari-na ay u jarto dalkaasi.
Inay xirto telefishinka caalamiga ah ee Al Jazeera iyo laamaha warbaahineed ee xidhiidhka la leh.
Inay u diido inay dhalasho siiso muwaadiniinta afarta dal ee xidhiidhka u jaray, kuwa hadda joogana ay dalkeeda ka caydhsio. Waxay sheegeen in taasi ay horseedi doonto in Qadar aanay faragelin ku sameyn arrimaha daakhiliga ee dalalkaasi.
Inay dalalkaasi ku soo wareejiso shakhsiyaadka loo hayssta inay ku kaceen falal argagixisnimo ee dalkeeda ku nool.
Inay joojiso maalgelinta kooxaha ay Mareykanku ku sheegay inay yihiin argagixiso.
Inay macluumaad badan ka bixiyaan kooxaha mucaaradka ee ay Qadar maalgelisay ee ku kacsan sacuudiga iyo dalalka kale.
Inay joojiso maalgelinta kooxaha mucaaradka ku ah dalalka Sacuudiga, Imaaraadka, Masar iyo Baxrayn.
Inay u dhaqanto si waafqasan danaha dhaqaale iyo siyaasadeed ee dalalka ku jira Golaha Khaliijka.
Inay joojiso si dadban u maalgelinta warbaahinta sida Carabiya21 iyo Middle east Eye
Inay bixiso lacag ganaax ah oo aan la sheegin caddadeeda oo ah magdhawga saameynta ka dhalatay siyaasadaha kahladan ee ay Qadar ku dhaqmeysay muddo sanado ah.
Inay 10 maalmood gudahood ku aqbasho dallabaadkan.
Inay aqbasho baadhitaano iyo dabagal joogt ah oo lagu eegayo sida ay u fulineyso dalabaadkan bilaha iyo sanadaha soo socdo.
Shuruudahan ayaa lagu dhawaaqay ka dib markii Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Maraykanka Rex Tillerson uu dalalka ay Qadar dariska yihiin ugu baaqay in dalabkoodu uu noqdo mid “sabab leh oo wax laga qaban karo”.
Saxafiyiintu waxay sheegayaan in jahwareer uu haysto Maraykanka oo raadinaya siddii uu ku xallin lahaa khilaafkan, taas oo ka dhalatay wakhtiga ay qaadatay in Sacuudiga iyo dalalka kale ay si rasmi ah u soo gudbiyaan waxa ay dalbanayaan.