• Dal Koonteenaro Ku Kaydinaya Maydadka Markii Shaaracyada Lagu Daadiyay Maydadka
  • 621 qof oo Geeriyooday markii baadhitaan lagu sameeyay loo sheegay inay qabaan COVID19.
  • Dalka Spain Oo Kor u Kacay, Tirada Caabuqa iyo dhimashada, Talyaaniga oo hoos u dhacay iyo Shiinaha oo sheegay Kiisas Cusub
  • Xukuumadda Thailand oo mamnuucday duulimaadyada rakaabka ee soo gala dalka kadib kiisas dibedda laga keenay oo Coronavirus ah.

Warbixin: By. Carraale M Jaamac Freelance Journalist and Human Rights Activist based Somaliland.

London(ANN)-Faafitaanka Caabuqa Coronavirus ee loo bixiyay COVID-19, ayaa si weyn kor ugu kacay dunida, waxaana uu gaadhay inta la xaqiijiyay in ka badan 200 dal, halka uu asiibay dad gaadhaya 1,203,000, iyadoo tirada dhimashaduna gaadhay in ka badan 64,770, isla markaana ay jiraan tirooyin kale oo aan la diiwaan gelin, sida ay warbixintii ugu danbaysay 5 April 2020, shaacisay Jaamacadda Maraykanka ee Johns Hopkins University oo samaysay xog-ururin.

Warxinta, ayaa dhinaca kale sheegtay in tiro ka baddan 246,890, oo bukaan ah kasoo kabteen xannuunka COVID-19, ilaa hadda.


Wuxuuna Caabuqa Coronavirus oo dunida ku faafay wixii ka danbeeyay Desemeber 2019, saamayn ballaadhan ku yeeshay dhaqaalaha Adduunka, siyaasadda, amniga, iyo dowladnimada, waana Fayriskii inta la xusuusanyahay taariikhda sidaa xawliga ah muddo koobban isaga gudba dacalada dunida ee abuura cabsi weyn, kala qo-qob iyo inuu dhulka galo dhaqaalaha ay ku faanayeen dalal baddan oo shafka taagayay wixii ka horreeyay xilligan.


Xilligan waxa soo baxaya in Fayriska Coronavirus oo si ba’an u aafeeyay dalalka Maraykanka iyo Yurub mar loo eeggo dunida kale, balse dalka Spain, ayaa u muuqda mid u dhow inuu dhaafo heerka ugu sarreeya ee Caabuqa COVID-19, iyadoo dhimashadu gaadhay inta la ogyahay 11,947.


Sidoo kale, Dalka Spain, ayaa xaqiijiyay inay Fariska dadka qabaa xilligan gaadheen 126,168, sida la xaqiijiyay, “aad ayay ugu dhowdahay inuu ka gudbo cudurku heer ka sareeya intaa,” sida uu sheegay Ra’iisal Wasaaraha Pedro Sanchez.


Ra’iisal Wasaare Sanchez, ayaa sidoo kale Sabtidii ku dhawaaqay inuu dheereyn doono talaabooyinka xayiraada ilaa inta laga gaadhayo 25 April 2020.

Dhinaca kale, Talyaanigu oo ahaa dalalka sida weyn uu Caabuqa Coronavirus u saameeyay, ayaa hadda warbixinihii ugu danbeeyay sheegayaan in ay muuqdaan rajooyin muujinaya inuu Caabuqa COVID-19, hoos u dhacay maalmahan marka la eeggo dhimashada.

Warbixinihii u danbeeyay ayaa sheegaya in dalka Talyaaniga laga soo weriyay dhimashada 681 oo gaadhay Sabtidii, taas oo ahayd maalintii ugu hoosey ee dhimashada ee ku dhawaad laba toddobaad, laakiin weli waxay u muuqataa tiro aad u badan marka la barbar dhigo dunida inteeda badan, Kiisaska Talyaaniga ayaa kor u kacay 4,805 Sabtidii, taas oo waxyar ka yaraatay korodhkii maalinlaha ahaa ee hore.


Saraakiisha Caafimaadka dalka Talyaaniga, ayaa sheegay in tirada bukaannada ku jira daryeelka degdegga ah ay sidoo kale hoos u dhacday markii ugu horreysay.

Dalka Talyaanigu wuxuu noqday dalka ugu dhibaatada ugu badan ee Coronavirus saameeyay marka loo eeggo dalalka reer galbeedka, waxaana la xaqiijiyay 124,632 xaaladood iyo 15,362 dhimasho ah.

Saraakiisha Talyaaniga, ayaa dadka uga digaya in aannay weecan talaabooyinka adag ee xayiraada, kuwaas oo ay sheegeen inay inay muujinayaan natiijooyinka wanaagsan.

Hase yeeshee dhanka Dalka faransiiska, ayaa waajahay walaac weyn, kadib markii dhimashada Coronavirus gaadhay Sabtidii 7,560, taas oo muujinaya kor u kac weyn Sabtidii, taas oo sida ay dowladdu sheegtay Sabtidii dhimashada aannay ku jirin dadka lagu hayo guryaha ee ku dhinta oo aan warbixinaha dhimashada lagu darin
Wasaaradda caafimaadka ee Faransiisku waxay sheegtey 441 dhimasho oo cusub cusbitaalada wadanka Sabtidii. Tan iyo markii uu cudurka dilaaga ah COVID-18, ka billowday dalka Faransiiska horaantii bishii March, 90,848 qof ayaa uu cudurka ku dhacay, kuwaas oo 7,560, ka mid ah ay dhinteen.


Dhimashada dadka aan helin xannaaneynta ee guryaha lagu xannaaneeyo waxay hada gaadhayaan seddex meelood meel wadarta guud ee dhimashada Coronavirus ee Faransiiska.


Dhinaca kale, Dalka Jarmalka, ayaa dhimashadu kor usii kacaysaa, waxayna tirada dhimashada la xaqiijiyey kiisaska COVID-19 ee Jarmalka sii korodhay Sabtidii, taas oo ka dhigaysa waddanka saddexaad ee ugu badan ee uu Caabuqa Coronavirus si ba’an u saameeyay dhinaca dalalka Yurub ka dib mashaqadii Talyaaniga iyo Spain, iyadoo dhimashada ay kor ugu kacday 168 ilaa 1,275 Sabtidii, taas oo wadarta guud ee dhimashada noqotay 1,444, halka Ilaa 96,092 qof oo uu hayo Caabuqa COVID-19, ay gaadhayaan waddanka oo dhan.


Dalka Giriiga ayaa xayiray xerada qaxootiga ee 2aad, kadib markii maamulka Giriigu sheegay Axadii in ay karantiimeeyeen xero labaad oo qaxooti ah todobaadkan, kadib markii nin halkaa ku jiray laga helay baadhitaan lagu oggaaday inuu qabo caabuqa COVID-19.

Ninka caabuqa laga helay ee ku jira xeradaa, ayaa ah 53 jir kasoo jeeda Afgaanistaan, wuxuuna ahaa qoxooti qoyskiisa kula noolaa xerada Malakasa, halkaas oo ay ku jiraan boqolaal kale oo qaxooti ah, waxaana Ninkaa Bukaanka ah loo wareejiyay Cusbitaal ku yaal magaalada Athens ee Caasimada Giriiga. sida ay sheegene masuuliyiinta Giriigu.

Saraakiisha Giriiga, ayaa hore u karantiimeeyay xeradii ugu horeysay khamiistii lasoo dhaafay, kadib markii 20 magangalyo doon ah laga baadhay cudurka, isla markaana laga helay xerada dad qaba Caabuqa COVID-19. Marka loo eego xogta jaamacadda Maraykanka ee Johns Hopkins, Giriiga waxaa ku yaal 1,673 kiis oo la xaqiijiyey iyo 68 dhimasho ah.
 
Dalka Hindiya waxay marayaan Kiisaska COVID-19, ayaa gaadhay 3,500, iyadoo dalka Hindiya la xaqiijiyey in COVID-19, uu gaadhay 3,588 maalintii Axada.Saraakiisha ayaa Sabtidii sheegay in xayiraad lagu soo rogayo qaybo ka mid ah dalka, si aanu ugu faafin dalka.

Ra’iisal wasaare Narendra Modi wuxuu ku dhawaaqay in guud ahaan dalka la gelinayo xayiraad, laba todobaad, taas oo saamanay dadka kunool dalka Hindiya oo gaadhaya 1.3 bilyan.


Coronavirus marka la eeggo dalka Hindiya wuxuu u horseeday murugo iyo niyad-xumo dalka ka jirta, iyadoo dalka Hindiya malaayiin dad ah ay ku nool yihiin magaalooyinka oo ay ka buuxaan nadaafad xumo iyo daryeel caafimaad la’aan ay xaaladu sii xumaan karto.

Dalka Kuuriyada Koonfureed, waxa kordhay dhimashada oo gaadhay 81, marka laga soo bilaabo subaxnimadii Axadda. sidoo kale Tirada dhimashada ayaa kordhay oo gaadhay lix, sida laga soo xigtay Xarunta Xakameynta iyo Kahortagga Cudurrada ee Kuuriyada (Korea Centers for Disease Control), taas oo Wadarta guud ee dalka caabuqa Coronavirus oo hadda ah 10,237, iyo 183 dhimasho ah.

Xukuumadda Kuuriyada Koonfureed, ayaa Sabtidii sheegay in ay ku sii kordhinayso talaabooyinkeeda kala fogeynta bulshada ee xakamynta Coronavirus, laba toddobaad oo kale.

Dalka Shiinaha oo Fayrsika ku faafay dunidu kasoo bilaabmay Desember 2019, ayaa soo sheegay inay heleen 30 kiis oo kale, kuwaass oo ah kiisas cusub sida ay Sabtidii xaqiijiyeen, iyadoo saddex dhimasho oo dheeri ah ay jiraan.

Kiisaska cusub, 25 ka mid ah ayaa laga helay dadka ka safraya ee dibedda kaga imanaya dalka, sida laga soo xigtay Guddida Caafimaadka Qaranka Shiinaha ee (NHC). waxayna guud ahaan kiisaska cudurka ee dalka Shiinaha hadda ka dhigaysaa tiradaasi 82,544, iyada oo 3,329 ay ku dhintaan guud ahaan dalka tan iyo markii uu kasoo faafay magaalada Wuhan ee Shiinaha, sida ay sheegtay NHC.
Dalka Thailand waxay soo bandhigeen 102 kiis oo cusub, sida ay sheegtay Wasaaradda Caafimaadka ee Thailand oo soo warisay 102 xaaladood oo cusub iyo saddex kale oo dhimasho ah Sabtidii, taas oo ka dhigeysa tirada guud ee kiisaska 2,169, iyadoo dhimashadu ay gaadhayso guud ahaan dalkaa 20 qof.

Xukuumadda Thailand, ayaa mamnuucday dhamaan duulimaadyada rakaabka ee soo gala dalka Sabtidii si ay uga hortagaan korodhka kiisaska dibedda laga keeno ee Coronavirus.


Dalka Mexico, ayaa sheegtey 202 kiis oo cusub, 19 dhimasho ah, COVID-19, waxayna arrintan muujinaysaa in dadka ku nool Waqooyiga Ameerika uu ku faafayo caabuqa Coronavirus, sida ay sheegayaan warbixinaha ay soo werinay Mexico oo muujinaya inay kordheen tirada kiisaskeedu.

Kiisaska cusub ee caabuqa fayriska ayaa kordhay 202 ilaa 1,890, sida ay sheegtay Wasaaradda Caafimaadka Mexico. Tirada dhimashada ayaa ku booday 19 illaa 79 wadarta guud.

Dalka ee Koonfurta Ameerika, waxay waxay bilaabeen inay kaydiso maydadka dadka u dhibanaya CVID-19, kuwaas maydadkooda lagu xeraynayo ku jira Koonteynaro waaweyn oo qaboojiyayaal ah.

Saraakiisha Ecuador, ayaa sheegay in boqolaal maydadka dadka u dhintay Cudurka ah ay hore u buuxiyeen goobaha maydadka la dhigo ee Cusbitaalada magaalada Guayaquil, oo ah xarunta dalkaa.

Seddex Koonteynaro, ayaa la dhigay Cusbitaalada dadweynaha si loo badbaadiyo meydadka illaa loo diyaarinayo xabaalo , sida uu sheegayo Duqa Magaalada Guayaquil Cynthia Viteri.

Magaalada Guayaquil, Tiro meydad ah ayaa qoysaskii ay ka dhinteen kaga tageen wadooyinka ama guryahooda, kadib markii ay u waayeen meel lagu aaso, waxaana ilaa xilligan lagu aasay qabuuro gaar loo leeyahay 150, magaalada dekedda leh.

Saraakiisha Ecuador, waxay xaqiijiyeen 318 dhimasho oo u geeriyooday COVID-19 iyo 3,465 xaaladood oo cudurka ah ilaa hada, balse Madaxweyne Lenin Moreno, wuxuu toddobaadkan sheegay in tirada dhabta ahi ay intaas ka sarayso.


Dhinaca dalka Maraykanka, wuxuu cudurka ‘coronavirus’ oo kusii faafaya dalka sababay rabshado gudaha Maraykanka, iyadoo tirada guud ee dhimashadu ay kor u dhaaftay 8,400, halka kiisaska la xaqiijiyay ay ka badan yihiin 312,000. Maamulka Trump ayaa dhaleeceyn culus kala kulmay khubaro caafimaad iyo xisbiga Dimuqraadiga, kuwaas oo ku eedeeyay inay xukuumadda Trump ka gaabiyeen halista COVID-19, isla markaana ay sii wadaan marinhabaabinta qalalaasaha.


Dr. Anthony Fauci, oo ah agaasimaha Machadka Qaranka ee Xasaasiyadda iyo Cudurrada Faafa, ayaa usbuucii hore ka digay in masiibada adduunka ay dili karto inta u dhexeysa 100,000 iyo 200,000 oo Maraykan ah, oo ay ku dhici karto malaayiin kale haddii tilmaamaha xakamaynta iyo kala fogaynta bulshada aannay noqon kuwo xilli hore la dhaqan geliyo.
Dhinaca kale, adeegyada Caafimaadka ee dalka ayaa noqday gabaabsi, iyadoo dawladda Maraykanku dhibaatadan oo si weyn u saamaysay dhaqaalaha dalkaa oo ahaa kuwa ugu dhaqaalaha badab dunida, wuxuuna kaalmooyin ka helay dalalka Turkiga oo isagu caawimadii u horraysay u diray iyo Shiinaha oo Maraykanku ku eedaynayay inuu Fayrsika sameeyay, balse xaaladda faraha ka baxday ayaa ku khasabtay Maraykanka inuu weydiisto Shiinaha caawimo qalab caafimaad.
Ilaa 9-kii subaxnimo 5tii April 2020, 195,524 qof ayaa la tijaabiyay, kuwaas oo 47,806 ka mid ahi la xaqiijiyey inay qabaan cudurka. sida ay sheegeen saraakiisha caafimaadka ee UK.

Marka la eego gelinkii danbe ee shalay 4-tii April 2020, Cusbitaalada ku yaal Boqortooyada Midowday ee UK, waxa la xaqiijiyay inay u dhinteen cudurka coronavirus, 4,934, waxaana guud ahaan Boqortooyada Midowday ee (UK) hadda uu xaqiijisay 47,806 xaaladood oo ah coronavirus inta la ogyahay.


Tirooyinka natiijooyinka baadhitaanka iyo dhimashada waxaa laga soo qaatay ilo kala duwan, 621 qof oo kale oo ku nool Boqortooyada Midowday ee UK, ayaa ku dhintay ka dib markii baadhitaan lagu sameeyay lagu xaqiijiyay in laga helay cudurka Coronavirus, sidaana waxa xaqiijisay Waaxda Caafimaadka ee Britain Axaddii maanta ee April 5. 2020.


Boqoradda, ayaa khudbad u jeedin doonta qaranka 8 p.m. Axadda, April 5, taas oo ay qorshaynayso inay kaga hadasho dhibaatada socota ee COVID-19.

Warbixin: By. Carraale M Jaamac Freelance Journalist and Human Rights Activist based Somaliland.