Guddoomiyaha UCID, Faysal Cali Waraabe Iyo Wefdi Oo La Kulmay Madaxweyne ku Xigeenka Brundi, Gaston Sindimwo iyo Masuuliyiin kale.


Gitega, Brundi(ANN)-Guddoomiyaha Xisbiga mucaaradka ah ee UCID, Eng. Faysal Cali Waraabe iyo wefdi uu hoggaaminayo oo ay xubno ka yihiin Murrashaxii Madaxweyne ku xigeen ee Xisbiga Ucid Prof. Axmed Abdi Abyan iyo Xoghayaha Arrimaha Dibada xisbiga Ucid Hibaaq Ali Maydhalaalis, ayaa safar ku tegey dalka Caasimada Dalka Brundi ee Bariga Afrika.


Guddoomiyaha Xisbiga UCUD, Eng. Faysal Cali Waraabe iyo wefdiga ku weheliya socdaalkaa oo shalay ka degay caasimada dalkaa, waxa si weyn usoo dhoweeyay Madaxweyne ku xigeenka Dalkaa Brundi Gaston Sindimwo oo martiqaad rasmiya u fidyay wefdiga guddoomiyaha UCID.

Guddoomiyaha Xisbiga mucaaradka ah ee UCID, Eng. Faysal Cali Waraabe iyo wefdi uu hoggaaminayo oo lagu soo dhoweeyay Brundi, 31 Desember 2019.
Guddoomiyaha Xisbiga mucaaradka ah ee UCID, Eng. Faysal Cali Waraabe iyo wefdi uu hoggaaminayo oo lagu soo dhoweeyay Brundi, 31 Desember 2019.


Xoghayaha Arrimaha Dibada xisbiga Ucid Hibaaq Ali Maydhalaalis, oo safarka ku wehelisa guddoomiyaha Xisbiga UCID, Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa qoraal kooban oo ay kasoo saartay safarkaa iyo ujeedadiisa, ku sheegtay inay martiqaad rasmi ah ka heleen Madaxweyne ku xigeenka Dalka Brundi Gaston Sindimwo, isla markaana si weyn loogu soo dhoweeyay wefdigooda dalkaa.

Qoraal kooban oo ay kaga hadashay Xoghaye Hibaaq Maydhalaalis, waxay ku sheegtay inay kulamadii u horreeyay la yeesheen Madaxda dawladda, Sida Madaxweyne ku xigeenka dalkaa Gaston Sindimwo, la-taliyayaasha gaarka ah ee madaxda u saraysa dalka, sida la-taliyaha gaarka ah ee madaxweynaha, Wasiiradda Arrimaha dibeda, Difaaca, Isgaadhsiinta iyo Saraakiil sare oo ka tirsanaan jiray Ciidamada nabad ilaalinta AMISOM ee ka hawl gala Dalka Somaliya.

Madaxweyne ku xigeenka Dalka Brundi Gaston Sindimwo iyo masuuliyiinta kale ee soo dhoweeyay Guddoomiyaha UCID, iyo wfdigiisa oo ruxaya Calanka Somaliland, 31 Desember 2019 la kulmeen madaxda dalkaa.dhoweeyay Guddoomiyaha UCID iyo wefdigiisa oo
Madaxweyne ku xigeenka Dalka Brundi Gaston Sindimwo iyo masuuliyiinta kale ee soo dhoweeyay Guddoomiyaha UCID, iyo wfdigiisa oo ruxaya Calanka Somaliland, 31 Desember 2019 la kulmeen madaxda dalkaa.dhoweeyay Guddoomiyaha UCID iyo wefdigiisa oo


Kulamadaa ayay sheegtay Marwo, Hibaaq Intii ay socdeen ay dhankooda kaga warameen xaaladda guud ee Dalka Somaliland iyo qadiyada sharciga ah ee Soomaaliland ku raadinayso aqoonsiga iyo sidii ay labada wadan u yeelan lahaayeen xidhiidh dhaw oo diblamaasiyadeed, isla markaana looga wada shaqayn lahaa ee loo joogtayn lahaa xidhiidhka bilawga ah ee labada Dal ee Brundi iyo Somaliland.


Waxayna ku xustay qoraalkaa inay Madaxda Brundi ee ay la kulmeen dhankooda si wanaagsan usoo dhaweeyeen xidhiidhka cusub ee u bilawday Somaliland iyo Brundi, iyagoo masuuliyiinta Brundi balan qaadeen inay ka shaqayn doonaan hirgalinta iyo dar-dar galinta xidhiidhka labada dal.Geba-gebadi, waxa uu kulan kaasi ku soo dhamaaday jawi aad u wanaagsan, waxaana loo balamay kulamo kale si halkaas looga sii ambaqaado qodobadii laga wada hadlay, ayay ku tidhi, qoraalkeeda Xoghayaha Arrimaha Dibada xisbiga Ucid Hibaaq Ali Maydhalaalis, ku shaacisay barta ay ku leedahay Facebook.

Madaxweyne ku xigeenka Dalka Brundi Gaston Sindimwo iyo masuuliyiinta kale ee soo dhoweeyay Guddoomiyaha UCID, iyo wfdigiisa oo ruxaya Calanka Somaliland, 31 Desember 2019 la kulmeen madaxda dalkaa.