Burkina faso Military leaderOuagadougou(ANN)Koox Rayid ah oo isgu jiray Axsaabta Mucaaradka iyo Qaybaha Bulshada ee Dalka Burkina Faaso, ayaa Raysal wasaare uu yeelanayo dalkaasi u mgacaabay Lieutenant-Colonel Isaac Yacouba Zida oo ahaa ninkii xukunka la wareegay markii uu Madaxweynihii Dalkaa Blaise Compaore xilka iska casilay 31 October2014,muddo ku siman 27 sanadood oo uu dalkaa xukumayay, balse mudaharaadyo rabshada wataa sababeen inuu xukunka ka dego.

Dalalka Reer galbeedka oo Maraykanku hormood u yahay, ayaa cadaadis ku saaray Milateriga Dalkaa in ay xukuumad rayid ah oo ku meelgaadh ah sameeyaan, inta ka horaysa doorashooyinka oo la filayo in la qabto sanad ka dib.
Sarkaalka Milateriga ka tirsanaa ee loo doortay raysal Wasaaraha Isaac Yacouba Zida, ayaa u xushay Madaxweyne Michel Kafando oo ahaa Dublamaasi hore u ahaa wasiirka Arrimaha debeda ee Burkina Faaso xukuumaddii hore, waxaana Madaxweynaha oo mudadaa sanadka ah xilka si ku meelgaadh ah u haynaya la xadiday awoodiisa, waxaana heshiish lagu yahay in mudada ka horaysa doorashada oo ah sannad la dhiso gole Baarlamaan, iyadoo Raysal wasaaraha cusub bilaabayo wadahadlo lagu soo dhiso dawlad cusub.
Dalalka Midawga Afrika ayaa hore u sheegay in aanay aqblayn Madaxweyne xukunka ku fuula inqilaab iyo awood Milateri. Kadib markii Madaxweynihii hore meesha ka baxay ee Raysal waasaraha hadda ee Isaac Yacouba Zida oo ah Lieutenant-Colonel sheegtay Madaxweyne inuu ka yahay dalkaa.
Raysal waasaraha cusub ee Colonel Isaac Yacouba Zida, waa 49 jir, waxayna isaga iyo Madaxweyne Michel Kafando oo ah Dublamaasi, isla markaana ahaa wasiirka Arrimaha debeda ee xukuumaddii hore ee Burkina Faaso labadooduba kasoo wada jeedaan Qowmiyada loo yaqaan Mossi oo ka mid ah kuwa ugu baddan ee qowmiyadaha dalkaa.
madaxweynihii hore ee Dalka Burkina Faso Mr. Blaise Compaore oo dalkaa xukumayay tan iyo markii uu inqilaabka ku qabsaday 1987, ayaa xilka ka degey 31 October 2014, kadib markii mudaharaadyo rabshada watat op ay sababeen inuu kursiga kusii fadhoyo ay ka dhaceen dalkaa, waxaana hoos u dhac weyni ku yimi dhaqaalaha dalka mudadaa uu xukunka kasii maqnaa Madaxweyne Compaore, iyadoo laga cabsi qabay in dagaalo sokeeyo iyo is qabqabsi dhinaca xukunka ah uu ka dhaco dalkaa.
Blaise Compaore, wuxuu ka sokow inqilaabkii uu dalka ku qabsay qabtay doorashooyin gaadhaya Afar, balse doorashooyinkaa, waxay mucaradku ku tilmaami jireen kuwo indha sarcaad ah oo aan waafaqsanayn dastuurka dalka iyo nidaamka Dumuqraadiyada.

Araweelo News Network
Somaliland Office
ifo@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com