Madaxweyne Muuse Biixi Oo Ka Hadlay  Wada Hadaladii Somaliland Iyo Soomaaliya Oo Loo Raray Dalka Ghana

Abu-dhabi(ANN)-Dawladda Imaaraadka Carabta, ayaa aqbashay in Afartan ka mid ah dhalinyarada baratay Cilmiga Batroolka ee Somaliland waxbarasho u tagaan dalkooda.

Sidaana waxa sheegay  Madaxweynaha Somaliland  Muuse Biixi Cabdi oo la hadlayay qaar ka mid dadka Jaaliyadda Somaliland eek u dhaqan dalka Imaaraadka.

Madaxweyne Muuse Biixi, waxa kale oo uu sheegay in Madaxda Imaaraadka ay kala hadleen waxyaabihii hore loogu heshiiyay iyo sidii loo dhamaystiri lahaa, wuxuuna xusay inay dhamaystirayaan wixii mashaariic ah ee ay balanqaadeen sida Dekedda Berbera, Wadada Wajaale iyo Berbera.

 “Waxannu ka codsannay dadka jaamacaddaha gudaha  kasoo baxay ee Somaliland jooga, gaar ahaan kuwa cilmiga Baatroolka iyo hawlaha kale ee halkan ka bannaan kusoo takhasusay in tixgelin gaar ah naloo siiyo inay halkan yimaaddaan oo Document-ga ay sitaanba lagu siiyo sharci, Odaygiina wuu naga aqbalay, kuwii la joogayna wuu Faray, Jaamac (wasiirka macdanta) oo Macdanta qaabilsanina 40 (Afartan) buu sheegtay, halla soo qaado buu yidhi.” Sidaa waxa yidhi, Madaxweyne Musue Biixi oo la hadlayay Jaaaliyada Somaliland ee Imaaraadka ka hor intii aanu kusoo laaban dalka Kahmiistii maanta.

Sidoo kale Madaxweynuhu waxa uu sheegay inay meel wanaagsan marayaan dhammaan waxyaabihii ay hore ugu heshiiyeen dalalka Somaliland iyo Imaaraadka Carabtu, gaar ahaan qodobbada ku saabsan sidii xoolaha Somaliland ay saylad uga heli lahaayeen dalka Imaaraadka iyo sidii Baasaboorka qaranka Somaliland ay Imaaraadku u aqbali lahaayeen, islamarkaana loo furi lahaa suuqa dhallinyarada labada dal kasoo kala jeedda oo baahi u qabta inay si xor ah shaqo uga helaan labada waddanba.

 “Waxa Ilaahay mahaddii ah in ballantii iyo lacagteedii fushay oo la bilaabay dekeddii Berbera, maanta dekeddii waa la bilaabay hawsheediina way socotaa 400M (Afartii boqol ee mitir-na) ee dekeddana waa la dhammayn doonaa insha Allah laba sano gudahood. Qoddobka kale ee aynnu berigaas ku heshiinnayna waxa uu ahaa waddada u dhaxaysa Berbera iyo Wajaale, waddadaasina way bilaabantay lacagteediina way soo diyaariyeen, waxana aannu ka codsannay in lagu horreeyo Biriishyada oo dhibaato badan inagu haya gu’gii oo horto Toddobada Biriij, gaar ahaan kuwa biyahoodu xawliga ku socdaan laga bilaabo,” ayuu yidhi Muuse Biixi.

.

Dhinaca kale, wuxuu ka hadlay halka ay ku danbeeyeen wada hadaladii Somaliland iyo Soomaaliya ee hakaday, wuxuuna ku canbaareeyay Madaxda  Soomaaliya innay weli ku hawllanyihiin  gardarro iyo hagardaamooyin ay la daba socdaan sida uu sheegay dalka Jamhuuriyadda Somaliland, islamarkaana ay maamulka Muqdisho weli diidan yahay soo jeedimaha bulshada caalamku ku doonayso in wada-hadal furan oo madal loo dhan yahay ka dhaca lagu garnaqsado, wuxuuna carabka ku dhuftay in bishan la filayo in wada hadaladii dib u bilaabmaan oo loo wareejiyo dhinaca dalka galbeedka Afrika ee Ghana.