Araweelo News Network

 

Burco(ANN)- Guddoomiyaha KULMIYE, ahna murrashaxa jagada Madaxweynaha xisbiga  Muuse Biixi Cabdi, ayaa jawaab ka bixiyay hadalo kasoo yeedhay hoggaanka xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI dhawaan, wuxuuna dhiig-bax Somaliland soo gaadhay ku tilmaamay hambalyooyin uu sheegay in xisbiga WADDANI dhawaan looga soo diray magaalo-madaxda dalka aynu jaarka nahay ee Soomaaliya.

Murrashax Muuse Biixi oo maanta hadal dheer u jeediyey kumanaan tageerayaal xisbiga KULMIYE ah oo isugu soo baxay barxadda Khayriyadda magaalada Burco, ayaa oof-wareen iyo bahdilaad lagu sameeyey qaranka Somaliland iyo taariikhdii dheerayd ee halka ku tilmaamay bogaadinta iyo taageerada aan gabbashada lahayn ee WADDANI looga muujiyey magaalada Xamar ee dalka Soomaaliya, isaga oo arrintaas ka hadlayeyna waxa uu yidhi, “Waxa la yaab leh oo aan la filayinin waxa mujaahidiintii Koosaar lahaa ee Lixle lahaa ee Aadan Shiine lahaa ee Xasan Yoonis lahaa ee Axmed Dhagax lahaa ee Cabdillaahi Suufi lahaa ee Aadan Saleebaan lahaa maanta godka qabanmaayaan marka aynu maqalno xisbi Somaliland ah oo doonaya inuu dalka xukumo ayaa Xamar laga taageerayaa oo xaflado loogu qabanayaa, raggaas dalka u dhintayna luxudkay lasoo kacayaan, muxuuse noqonayaa halgankii ay ku shahiideen marka xisbi Somaliland jooga Xamar laga taageerayo.”

Md. Muuse Biixi waxa uu caddeeyey in bulshada reer Somaliland horeba meel isaga dhigeen talada Xamar, isla markaana aan maanta dalka lagu aamini karin siyaasi Xamar loo fadhiyo oo laga taageerayo, “Ma geyno oo Xamar oo taladeeda ma aqbalno, waxba nagama dhexeeyaan, wixii na dhexyaallayna kamaanu bogsan oo noomay garaabin, qarannadimadayadana way diidan tahay ee ninka looga talinayaana isaga ayey u taalla oo shacabka reer Somaliland baana xukumi doona, dalka ku aaminimayno ninka Xamar looga soo talinayo ee laga hambalyeynayo,” ayuu yidhi guddoomiye Muuse Biixi Cabdi.

Waxa kaloo uu ka hadlay doorkii taariikhiga ahaa ee xisbiga KULMIYE iyo hoggaankiisu ku lahaayeen in guddoomiyaha WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ka badbaado weerarro siyaasadeed oo kaga yimi xukuumaddii Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin, isaga oo shaaciyey in xataa taageerayaal KULMIYE ahi naftooda u waayeen arrintaas, waxaannu yidhi, “Ragga abaal-laaweyaasha ah ee maanta KULMIYE wax ka sheegayaa miyey ilaaween maalintii Baarlamaanka la qufulay ee Cirro Guddoomiyaha ahaa,  Samaale-na ku-xigeenka ahaa markii ay mucaaradka iyo dawladdu is qabteen mudaharaadkii Burco iyo Hargeysa ka dhacay saddex qof baa u dhintay in Cirro qufulka laga jabiyo, KULMIYE ayeyna dadkaasi ahaayeen, maalintaas WADDANI ma jirin, xisbigii dhiigga u hurayna KULMIYE ayuu ahaa, saddex nin baa ku dhintay, lixna way ku dhaawacmeen, maanta miyaanu ka xishoonaynin inuu KULMIYE wax ka sheego.”

Isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu intaa raaciyey, “Cirro inuu siyaasadda ka mid noqdo oo uu kursiga Guddoomiyaha ku fadhiisto KULMIYE ayaa gacanta ugu weyn ku lahaa oo 28-kii xildhibaan baa is garab taagay oo Siilaanyo iyo raggii xisbiga xukumayey baa is garabtaagay, markii ay Boolisku doonayeen inay xoog ku soo saaraan ee ninkii wasiiru-daakhiliga ahaa ee maanta  garab socdaa doonayey inuu Cirro karbaasho oo uu dhengad la dhaco aniga iyo Siilaanyo ayaa iskaga gudubnay, markhaatina way leedahay inuu kii maalintaa ulaynayey ee qabta lahaa uu garab socdo oo uu ammaano, Cirro-na uu taas ku raaxaysto madaxnimo maaha, taariikhdana siddeeda ayaa loo raacaa, qofkuna haddii uu taariikhda been ka sheego hoggaamiye ma noqon karo, wax aanad lahayn inaad ku faantaana waa nacasnimo iyo kalsooni-darro, xisbiga KULMIYE iyo madaxdiisuna ma geyaan inay been sheegaan ama xaqa ka gabbadaan, intaas midna ma geyno.”

Murrashax Muuse Biixi Cabdi waxa su’aal geliyey ammin-taariikheedda Guddoomiye Cirro laga gelin karo geeddi-socodkii Somaliland soo martay muddadii ay jirtay, isaga oo shacabka uga digay inay masiirkooda ku aaminaan nin taladiisu Xamar taallo, “Dalka halgan baa loo soo maray, nabadayn baa loo soo maray oo intaas oo dhib ah baa loo soo maraye, bal ninka maanta WADDANI madaxda ka ahi maalin ha sheegto, maalintii Baarlamaanka lagu xidhay KULMIYE ayaa ka jabiyey, maalintii la dooranayey KULMIYE ayaa difaacay oo Siilaanyo ayaa dhengaddi lagu waday isu dhigay, markaasuu askarigii xishooday, xataa maalintaas madaxa kor umuu qaadi karaynin oo iga daa muu odhan karaynin, ninka talada isu sharraxayaa waa inuu maalin sheegtaa oo wax lagu soo qaadaaye maaha inuu ummaddu wixii ay u halgantay la majaro-habaabiyo, nin Soomaaliya laga taageerayna dalka lagu aamini maayo, Somaliland-na aqbali mayso, annaguna aqbali mayno oo codkeena ayeynu ku joojinaynaa, Xamar-na mar labaad nalooga talin maayeen yaan la isu dhuumanin,” ayuu hadalkiisa ku soo ururiyey Md. Muuse Biixi Cabdi.