Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, oo uu wehelinaayey Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa hadhimo-sharafeed ku maamuusay salaadiinta, Cuqaasha, waxgaradka, haldoorka iyo siyaasiyiinta Somaliland qaar ka mida.

Madasha hadhimada ah oo maanta  lagu qabtay xarunta qasriga madaxtooyada, isla markaana ay ujeeddadeedu daaranayd sidii madaxweynaha iyo qoorweynta beeshani isku xog-waraysanayeen ayaa waxa ka soo qaybgalay ku dhawaad 200 (Laba  boqol) oo ergay oo ka kala yimi gobollada iyo degmooyinka dalka qaar ka mida oo isugu jira 40 (Afartan) Chief Caaqil, 23 (Saddex iyo labaatan) suldaan, qaar kamid ah badhasaabada iyo maayarrada gobollada qaar ka mida iyo degmooyinka dalka,  siyaasiyiin iyo waxgarad kale oo miisaan leh, iyadoo ay madaxweynaha si habsami leh isugu xog-waraysteen kulankaasi hadhimo sharafeedka ah.

Xubno isugu jira salaadiin, siyaasiyiin iyo waxgarad kasoo jeeda beelahan oo ugu horrayn halkaas ka hadlay, ayaa madaxweynaha uga mahadnaqay hadhimada uu ku maamuusay, waxana ay caddeeyeen inay si guud iyo si gaar ahba madaxweynaha ugu garab taagan yihiin tallaabooyinka horumarineed ee uu dalka ku hoggaaminayo.

Wasiir-ku-xigeenka wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo Wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Maxamed Muuse Abees, guddoomiyaha baanka dhexe ee Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane  Cali Ibraahim Baqdaadi iyo Gudoomiyaha Saddexaad ee Xisbul xaakimka Kulmiye Mudane Axmed Cabdi Xuseen (Axmed Cabdi dheere) ayaa iyaguna dhinacooda kelmado soo dhawayn iyo mahadnaqa halkaasi ka jeediyey.

 Xubno kamid ah salaadiinta, cuqaasha iyo waxgaradka beeshan kasoo jeeda ee miisaanka leh oo ay kamid yihiin Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir, Suldaan Maxamed Suldaan Xirsi Qani, Suldaan Cismaan Baane, Suldaan Aadan Faarax, suldaan Cabdiraxmaan Aw Good, Ugaas Xuseen Geelle, guddoomiyaha guddida Talo iyo Tawfiiq, Mudane Xasan Xuseen,  Chief Caaqil  Xuseen Xasan Cali, Caaqil Cabdiweli Jaamac, Cawil Yuusuf Dhiif, maayarka degmada Ceerigaabo, Mudane Ismaaciil Xaaji Nuur oo dhammaantood madasha ka hadlay, ayaa si isku mid ah  madaxweynaha ugu bogaadiyey sida uu u maamuusay iyo kulanka ay la yeesheen madaxweyne, waxana ay hoosta ka xarriiqeen inay si hagar la’aan ah ula shaqaynayaan xukuumadda uu gadh-wadeenka ka yahay, isla markaana ay diyaar u yihiin sidii loo sixi lahaa wax kasta oo tabasho ka taagan tahay.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo hadal dhinacyo badan taabanaya ka jeediyey madasha hadhimo-sharafeedda ah, ayaa ku dheeraaday doorka soo jireenka ah ee ay beeshani kaga jirto qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland, waxana uu caddeeyey inay beeshani qayb libaax kasoo qaadatay dib-u-dhiskii qaranka iyo horumarka waqtigan la gaadhayba.

Madaxweynuhu waxa uu sharraxay kaalinta lama ilaawaanka ah ee ay beeshani kaga jirto qaranka, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Halkan waxan idiinku yeedhay inaannu idiinka mahadnaqno xukuumad ahaan,  madaxweyne ahaan iyo weliba qaranka Somaliland intiisa badan inta qarannimada jecel, inta nabadda jecel iyo inta horumarka jecelba aniga oo ka wakiil ah waxannu idiinkaga mahadnaqaynaa hawlaha qaranka, gurmadka qaranka, difaaca qaranka iyo ilaalinta qaranka halka aad kaga jirtaan deegaan ahaan, gobollada halkaad ka joogtaan iyo halkaad ka deggen tihiinba,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Isaga oo hadalkiisa sii wata madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu carrabka ku adkeeyey doorkii soo jireenka ahaa ee talo-qabeennimada iyo isu soo dhaweynta bulshada isugu jirey ee ay beeshani caanka ku ahayd, waxana uu kula dardaarmay inay soo xoojiyaan kaalintii mugga lahayd ee ay bulshada iyo qarankaba ugu jireen, wixii talo ahna uu madaxweyne ahaan mar warba diyaar u yahay, waxana uu yidhi, “Beeshani waxba ma tabato’ee way talisaa, beeshani ma cabato’ee way dulqaadataa oo dadka ayey isku soo jiiddaa, kaalintaas ayeyna Somaliland ku leeyihiin, farriintayduna waa dalkan Somaliland marka uu difaac u baahdo xooggiisii baad tihiin, markuu talo u baahdona talo-qabeenkiisii baad tihiin, markuu dulqaad u baahdona gogoshii lagu soconayey baad tihiin oo idinku kuwii cadhoonayey ma tihidin, marka aad wax tabanaysaan ama in wax la saxo aad doonaysaan taladaad ku saxdaan.”