Wasiiradda Warfaafinta Iyo Maaliyadda Oo Mawqifyo Kala Duwan Ka Dhiibtay Dooda Qoshaha Somaliland Uga Yaal Deynta Soomaaliya laga Cafinayo

Hargeysa(ANN)-Kulan dood ah oo lagaga hadlayay deynta beesha Caalamku ka cafisay ee laga saamaxay Dawladda Federaalka ee Soomaaliya iyo doorka ay arrintaasi ku leedahay Jamhuuritadda Somaliland iyo waxa kala gudboon ayaa lagu qabtay maanta Jaamacadda (Hargeisa University) ee Magaalada Hargeysa.

Masuuliyiinta ka qaybgalay dooda cafinta deynta Soomaaliya iyo doorka Somaliland ee Dallada SONSAF ku qabatay Jaamacadda Hargeysa, 30 Desember 2018, Araweelo News Network.

Doodaa oo ay soo qaban-qaabisay Dallada SONSAF, ee midaysa Ururada Bulshada Rayidka ah ee aan dawliga ahayn ee Somaliland, waxa ka qaybgalay wasiiro ka tirsan xukuumadda Somaliland, aqoonyahano, siyaasiyiin, xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Somaliland iyo marti sharaf kale.

Ka qaybgalayaasha dooda cafinta deynta Soomaaliya iyo doorka Somaliland ee Dallada SONSAF ku qabatay Jaamacadda Hargeysa, 30 Desember 2018, Araweelo News Network.

Guddoomiyaha Daladda SONSAF, Mr Anwar Cabdiraxmaan Warsame oo ka hadlay ujeedada dooda loo qabtay, ayaa sheegay inay lagama maarmiaan tahay in dooda kulankan lagu oggaado, halka ay maray arrinta cafinta deynta Soomaaliya laga dhaafay iyo waxa uga qorshaysan arrintaa xukuumadda Somaliland iyo mawqifkeeda, wuxuuna sheegay in deynta Soomaaliya laga dhaafay oo dhan $ 4.6 bilyan.

Guddoomiyaha Daladda SONSAF, Mr Anwar Cabdiraxmaan middig iyo Guddoomiyaha Jaamacadda Hargeysa, (Hargeisa University) Dr. Maxamuud Yuusuf Muuse, dooda cafinta deynta Soomaaliya iyo doorka Somaliland ee Dallada SONSAF ku qabatay Jaamacadda Hargeysa, 30 Desember 2018, Araweelo News Network.

Mr. Anwar Cabdiraxmaan, ayaa sheegay in deynta Soomaaliya laga dhaafayo ay tahay mid ay gashay ama loo sheeganayay markii Jamhuuriyadda Somaliland iyo Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya laysku odhan joray Jamhuuriyadda Dumuqraadiga Soomaaliya, sidaa awgeed ay muhiim tahay in la helo mawqifka xukuumadda Somaliland ee cafinta deyntaa iyo ujeedada ka danbaysa cafiska deyntaa oo ay daba socdaan arrimo badan oo u baahan in laga sii diyaargaroobo oo mawqif cad ay ka qaadato Xukuumadda Somaliland.

Guddoomiyaha Jaamacadda Hargeysa, (Hargeisa University) Dr. Maxamuud Yuusuf Muuse oo ka hadlay kulankaa dooda ah, ayaa dhankiisa sharaxaad ka bixiyay ujeedada dooda iyo sida loogu baahanyahay in arrintan xukuumadda Somaliland mawqif ka qaadato, wuxuuna madasha kusoo dhoweey masuuliyiinta ka socday Xukuumadda Somaliland ee ka qaybgalay kulankaa.

Ka qaybgalayaasha dooda cafinta deynta Soomaaliya iyo doorka Somaliland ee Dallada SONSAF ku qabatay Jaamacadda Hargeysa, 30 Desember 2018, Araweelo News Network.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland, Saleebaan Cali Koore oo ka hadlay mawqifka xukuumadda ee deynta laga dhaafayo dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya, ayaa yidhi, “Deynta Soomaaliya laga dhaafayo oo dhan $ 4.6 bilyan.lama odhankaro maxaa loo dhaafay, laakiin sida loo dhaafayaa waa inay labada dhan ee Somaliland iyo Soomaaliya ay miiska wada fadhiyaan.” ayuu yidhi, Koore.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland, Saleebaan Cali Koore oo ka hadlaya dooda cafinta deynta Soomaaliya iyo doorka Somaliland ee Dallada SONSAF ku qabatay Jaamacadda Hargeysa, 30 Desember 2018, Araweelo News Network.

Mar uu ka hadlayay ujeedada ka danbaysa marka Soomaaliya laga dhaafo deynta ay tahay in la siiyo lacago kale oo lagu siiyo magaca Soomaalida, sidaa awgeed ay tahay arrin sharciyan ay dawladda Somaliland ka taagantahay meel adag, sababtoo ah wuxuu sheegay inay marka horre deynta la dhaafayo iyo marka lacagaha danbe la qaadanayo, wuxuuna xusay in beesha caalamku ay arrintaa oggaato oo aanay noqon lacago lagu dul amaahanayo Somaliland, sidaa awgeed waa inay noqotaa lacagta la qaadanayaa mid ay Somaliland qaybteeda qaadanay oo noqotaa dadka ka faa”idaysanaya ama waa inay noqotaa mid aanay ku jirin oo magaca Somaliland gaar looga saaro, ayuu yidhi, Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland, Saleebaan Cali Koore oo sheegay inuu ku hadlayo afka xukuumadda Somaliland.

Mr. Koore, wuxuu sheegay in arrintan xukuumadda Somaliland wax badan iska weydiisay, isla markaana wuxuu sheegay inay dhowaan mawqif cad kasoo saarayaan, wuxuuna ugu baaqay bulshadda caalamka in ay ka digtoonaadaan in aanay arrintaas abuurin cunfi iyo collaad, ama aanay sababin nabadgelyadaro Soomaaliya iyo Somaliland.

Wasiirka Maaliyadda Somaliland, Dr. Sacad Cali Shire oo ka hadlaya dooda cafinta deynta Soomaaliya iyo doorka Somaliland ee Dallada SONSAF ku qabatay Jaamacadda Hargeysa, 30 Desember 2018, Araweelo News Network.

Wasiirka Maaliyadda Somaliland, Dr. Sacad Cali Shire, ayaa dhankiisa sheegay in aanay habboonayn in lagu degdego arrinta cafiska deynta Soomaaliya, wuxuuna sheegay in aanay jirin waxyaabo cadaynaya in Soomaaliya laga dhaafay deynta.

“Lama odhankaro waan soo dhowaynayaa iyo waab daadafaynaynaa, inkasta oo cida deynta qaadatay dawladii Jamhuuriyadii Soomaaliya, hadana cida lagala xaalayaa waa Soomaaliya, cidda wax lala saxeexanayaa ee deynta laga dhaafayaa waa dawladda Soomaaliya, markaa inagu ma dawladda Soomaaliya ayaynu la xaalaynaa oo wixii inagu soo beegma ama deyn ha noqoto, ama deyn ha noqotee iyagaynu u maraynaa oo la xaalaynaa, mise dadkii deynta lahaa iyo Bangiyadii ayaynu u maraynaa.” ayuu yidhi, Wasiir Sacad Cali Shire.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in lays weydiiyo haddii deyn la cafinayo iyo haddii deyn cusub la qaadanayao inta Somaliland kaga soo hagaagay, waxa kale oo uu sheegay miyay jiraan cid inoola timi deynta la saamaxayaa inay leegtahay iyo waxa Somaliland kaga soo hagaagaya, wuxuuna xusay in aanay Somaliland jirin cid ula timi deyntaa la cafinayo iyo shuruudaha ku xidhan, balse ay ka maqleen arrintaa Warbaahinta oo keliya, sidaa awgeed aan lagu degdedin.

AKHEI: Guddoomiyaha Dallada SONSAF, Oo Ka Hadlay Go’aankii Ay Saareen Guddiga Dhex-dhexaadinta, Fariina U Diray Dhinacyada | Araweelo News Network