Hargeysa(ANN)-Xuska Dhalashada Nebi Maxamed oo ahaa rasuulkii ugu danbeeyay ee xaqa ahaa iyo mursaliinta Abdullah ibn Abd al-Muttalib NNKH, ayaa si weyn looga maamuusay dhalashada xuskiisa Caasimada Somaliland ee Hargeysa.


Munaasibada dhalshada Nebi Maxamed nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee, salalaahu calayhi wa salam (CSW) oo sanand walaba laga xuso meelo badan oo ka mid ah geyiga islaamka, isla markaana si weyn loo maamuso, maalintaa oo ku beegan 12 rabi ul awal ee taariikhda Islaamka ee Hijrada, waxa sannadkan ay ku beegantay 12 rabi ul awal 1441 Hijria oo ku beegan 9 November 2019, ee taariikhda miilaadiga.


Xaflad lagu maamuusay dhalashada Rasuulkii suubanaa oo magaalada Hargeysa si ballaadhan loogu xusay, waxa ka qaybgalay Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland, masuuliyiin kale, Culimada madhabta qaadiriya, Abwaano iyo boqolaal ka mid ah bulshada caasimada Haregysa.

Muuqaalkan oo dhamaystiran Halkan ka Daawo

Damaashaadka Hargeysa Ee Dhalashada Rasuulkii Suubanaa Maxamed NNKH 12 rabi ul awal 1441