dameeraha1dameeraha1 dameeraha2 dameeraha3

Nairobi(ANN)Boqolaal Dammeerraha gaadiid ahaanta loo isticmaalo ee ka hawlgala Magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kanya, ayaa isugu soo baxay fagaare si ay u muujiyaan dareenka dadka reer Kanya.

 

 

Dammeerahaa oo mudaharaad salmi ah isugu soo baxay, ayaa barxad weyn oo ku taal Nairob, waxaana lagaga akhiriyay Dameeraha oo dusha lagaga qoray weedha Afsawaaxiliga ee “Tumechoka” oo macneheedu yahay waan daalay, waxaana halku dhegaa loo adeegsaday banaan-baxyadii u danbeeyay ee dadka Kanyaanka ah ku muujinayeen xaalada amaanka ee faraha kasii baxaysa. Kdib weeraro is daba joog ah oo Kooxda Al-shabaab eek a dagaalanta Somalia ka fulisay gudaha dalka Kanya, kuwaas oo khasaare nafeed dhaliyay, isla markaana dawladu ku guuldaraysatay inay wax ka qabato.

dameeraha1

Sida lagu soo bandhigay Idaacadda BBC-da  muuqaalada Sawirada Dammeerrahaa waxay Ciidamada Booliska oo kaashanaya Dawlada Hoose ee Nairibi, ayaa Dameerahaa ku daabulay Baabuur waaweyn si ay goobta uga kexeeyaan, balse lama oga in la xidh-xidhay Dameerahaa iyo in kale.

 

Weeraradii u danbeeyay ka dhacay guddaha dalka Kanya oo ay Al-shabaab ka fuliyeen gobolka Soomaalidu degto ee Wajeer, wax aka cadhooday shacbiga Kanya, waxayna xukuumadda ku eedeeyeen inay awoodi wayday inay sugto amaanka muwaadiniinteeda, balse Madaxweynaha Dalka Kanya Uhuro Kanyata, ayaa kaga jawaabay qaar ka mid ah masuuliyiinta u saraysa Hay;addaha amaanka inuu shaqada ka eryo, taas oo ay shacbigu ku tilmaameen mid aan ku fulayn wixii dhacay iyo sida looga gaashaamanayo weeraro kale oo ka dhaca guddaha dalka Kanya.

dameeraha3

Dhacdada mudaharaadka Dameeraha oo si weyn uga yaabisay bukshada, ayaa soo jiidatay rayal caamka Bulshada, waxayna noqonaysaa dhacdo taariikhi ah oo ay dadka Kanyaanku ku muujinayeen dareenkooda oo ay Dameeruhu keeneen fagaarayaasha, iyagoo xanbaarsan dareenka shacabka kanya.

 
Somaliland Office
ifo@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com