Araweelo News Network

 

Hargyesa(ANN)-Wasiirka wasaaradda waxbarshada iyo Sayniska ee Somaliland, Axmed Maxamed Diiriye (Toorno), oo hadal ka jeediyay dafcaddii 17aad ee Arday ka qalin-jebisay Jaamacadda Hargeysa, ayaa ka hadlay dedaalka Waxbarashadda ee Xukuumadda iyo qorshayaasha soo socda ee lagu horrumarinayo Waxbarashadda.

Axmed Maxamed Diiriye (Toorno), oo ka hadlay munaasibada loo qabtay Ardaydaa, wuxuuna sheegay in wasaaraddu hayso qorshayaal badan, isla markaana loo baahanyahay in waaqac ah loo qiimeeyo dedaalka ee aan laga eegin dhinac keliya, isagoo ugu baaqay Ardayda in aannay ku dhega-barjoobin dhalillaha mucaaradka.

Sidoo kale, wuxuu dar-daaran usoo jeediyay Waalidiinta, Ardayda loo qabtay munaasibadaa iyo kuwa kusoo jira dariiqa.

Halkan Ka Daawo Hadalka Wasiirka oo dhamaystiran.

 

 

READ: Somaliland Oo Markii U Horraysay Kharashka Imtixaanaadka Shahaadiga Ah Ee 2019/2020 Dusha U Ridatay