London(ANN)-Daraasad ayaa  si weyn uga digtay in daawada uu Madaxweyne Trump ku sheegay in lagu daweyn karo cuddurka safmarka ah ee Covid-19 ay  khatar dhimasho  aad u badan u horseedi karto bukaannada qaba cuddurka Coronavirus ee uu soo ritay.

Daraasaddu waxay sheegtay iney dawadan looga hortago Malaariyada ee hydroxychloroquine-ka ay waxtar u lahayn in lagu daweeyo bukaannada.

Madaxweyne Trump wuxuu sheegay inuu dawadaasi isticmaalay xilli ay khubarada caafimaadka sheegeen dawadaasi isticmaalkeeda inan loo hayn caddeyn muujinayso in lagu daweyn karo cudurka safmarka ah ee Karona.

Madaxweyne Trump ayaa marar badan dawadaasi soo bandhigay in la isticmaalo, si ka hor imaneyso talooyinka khubarada caafimaadka ay soo jeediyaan.

Dawada Hydroxychloroquine- ka waxay u wanaagsan tahay la dagaallanka Malaariyada iyo xanuunada ku dhaca isgooysyada jirka. Balse weli ma jirto tijaaba caafimaad oo dawadaasi lagu sameeyey oo ku talineyso in dawada hydroxychloroquine- ka loo isticmaalo daweynta ama la dagaallanka faayrsaka Karona.

 

Daraasadda ay sameysay Lancet waxaa laga qayb geliyey 96,000 oo bukaannada Karona, 15,000 oo bukaannadaasi ka mid ahna waxaa la siiyey dawada hydroxychloroquine- ka keligeed ama loo raaciyey dawada antibiotic.

Waxayna daraasaddu sheegtay natiijada soo baxday iney noqotay in bukaannada dawadaasi lagu tijaabiyey ee isbitaallada yaalla ay qarka u saarmeen geeri, qaarkoodna ay dhibaatooyin dhinaca wadnaha ah ay la kulmeen.

Bukaannada cudurka lagu tijaabiyey ayaa waxa la siiyey 18%hydroxychloroquine- ka , 16.4% chloroquine- ka, 9% kooxda xakameynta cudurkana. Bukaannada lagu tijaabiyey dawooyinka hydroxychloroquine ama chloroquine oo weliba loo raaciyey dawada atibiotic waxay khatar aad u weyn u galeen dhimasho.

Waxayna khubarada daraasadda sameysay ay ka digeen dawada hydroxychloroquine-ka in loo isticmaalo tijaabo ka baxsan goobaha caafimaadka ee ay daraasaddu ka socotay.

Waxayna khubarada daraassadda sameysay ay sheegeen natiijada tijaabadaasi daraasadda lagu sameeyey inaan weli la ansixinin.

Balse Barafasoor Stephen Evans oo ka tirsan qaybta caafimaadka ee London School, wuxuu sheegay: “Waxaa tijaabada lagu sheegi karaa xoogahaa rajo ah oo tijaabada lagu ogaaday iney jirto oo xoogaha faa’ida ah laga heli doono balse ay dawadaasi ay horseedeyso wadna xanuun iyo dhibaatooyin la mid ah inta aan ogaannay.”

Mr Trump wuxuu sheegay in cudurka Covid-19 laga baaray oo laga waayey, maadaamaa uu qaatay dawadaasi uuna u maleynayo dawadaasi “waxtar wanaagsan ay ii lahayd”.

 

Tijaabooyin qoto dheer oo lagu sameynayo dawada Malaariyada in lagu daweyn karo Covid-19 ayaa socda. Xirfadlayaal caafimaad oo ka badan 40,000 oo ka soo jeeda Yurub, Afrika, Asia iyo Koonfurta Mareykanka oo bukaannada ay daweynayeen cudurka ka qaaday ayaa sida oo kale la sheegay in lagu tijaabiyey dawadan.

Mar daraasadda ay Lancet sameysay wax laga weydiiyey Dr Deborah Birx oo ah iskuduwaha guddiga ka hortagga karona ee aqalka cad ayaa sheegay hay’adda maamusho cunnada iyo dawooyinka ee dalka Mareykanka “ay si cad u qeexi doonta” in dawadan loo isticmaali karo ka hortagga coronavirus ama lagu daweyn karo.

Dr Marcos Espinal, oo ah madaxa hay’adda dawooyinka Mareykanka ee Pan America oo ka mid ah Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa carrabka ku adkeeyey ilaa iyo hadda iney jirin tijaabada la isku halleyn karo oo caddeyneyso in dawada hydrochloroquine- ka loo isticmaali karo coronovirus.

 

Trumo dawada isticmaalkeeda muxuu ku sheegay?

Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in uu isticmaalay daawada loo yaqaano hydroxychloroquine -ka in kastoo ay saraakiisha caafimaadku ka digeen in daawadaan loo qaato fayraska karona.

Isaga oo wariyaasha kula hadlayay Aqalka Cad ee looga arrimiyo Mareykanka ayuu mar Trump, waxaa uu sheegay in uu bilaabay dhawaan isticmaalka daawada Malaariyada iyo daawo kale oo xoojisa difaaca jirka qofka.

“Waxaan qaadanayay muddo hal toddobaad iyo bar ah hadda waan joogaa, wali halkaan ayaan joogaa,” ayuu yidhi.

Ma jiraan caddeymo muujinaya in dawadaan lagu magacaabo hydroxychloroquine-ka ay la dagaalami karto fayraska karona in kastoo tijaabo caafimaad lagu wado.

Mar la waydiiyay madaxweyne Trump, faa’iidada dawadaan ayuu ku jawaabay: ” waan tan caddeynteeda oo ah waxaan ka helay waxtar badan ayey leedahay.”

Xaruunta xakameynta cudurada ee magaceeda loo soo gaabiyo CDC, ayaa sheegtay in aaney jirin daawo la oggolaady oo loo isticmaali karo fayrska karona ama dawo looga looga hortago cudurka Covid-19.

Maamulka Cuntada iyo Dawooyinka ee Mareykanka (FDA) ayaa bishii lasoo dhaafay soo saaray talo ah in dawada hydroxychloroquine -ka”aan loo arkin inay tahay mid amaan ah oo wax ku ool ah”.

Waxay soo xigateen warbixinno sheegaya in dawadu ay ku sababi karto bukaanada cudurka karona dhibaatooyin dhanka wadnaha ah oo aad u daran

READL Britain bulk buys hydroxychloroquine as potential Covid-19 treatment Coronavirus outbreak

Mar la weydiiyay hadii dhaqtarka Aqalka Cad uu ku taliyay inuu bilaabo daawada, Mr Trump wuxuu sheegay in isaga qudhiisa uu wax ka weydiiyay arintaas.

Waxaan weyddiiyey, ‘Maxaad u malaynaysaa?’ Wuxuu yiri, ‘waa hagaag, haddaad jeceshahay’, waxaan iri, ‘waan jeclaan lahaa.’

Madaxweynaha ayaa sheegay in aanu isku arkin wax calaamad ah oo la xiriira fayraska karona waxaa uuna intaa raaciyay in uu si joogto ah isugu sameeyo baaritaanno.

Mr Trump ayaa sidoo kale u sheegay wariyeyaasha Isniintii in dawada hydroxychloroquine ay u muuqato mid saameyn leh.

Madaxwaynaha ayaa waxa uu beeniyay wararka sheegaya in daawadan ay leedahay waxyeelo.

Madaxweyne Trump ayaa waqti galiyay ka dhaadhicinta dadka in dawadaan ay tahay daawo suurta gal ah amba looga hor tagi karo cudurka Covid-19, in kasta oo ay digiino jeediyeen khubarada caafimaad ee maamulkiisa.

Khuburada ayaa sheegaya in dawadaan ay sababi karto waxyeelo, oo ay ku jiraan calaamadaha wadna istaaga, isu buuqa oo keeni kara in qofku is dilo iyo cudurada ku dhaca beerka.

READ: Madagascar launches Africas first cure for Coronavirus

Bishii la soo dhaafay, Ururka Caafimaadka ee Mareykanka, Ururka Farmashiyeyaasha Mareykanka iyo Dhakhaatiirta Nidaamka Caafimaadka ee Bulshada Mareykanka ayaa soo saaray bayaan wadajir ah oo ay kaga soo horjeedaan isticmaalka daawada hydroxychloroquine-ka, iyo daawooyin kale oo dadku u isticmaalaan ka hortaga Covid-19.

Laba daraasadood oo dhawaan la soo saaray yaa qeexayay in 1,400 oo ah bukaano qabey cudurka Covid-19 isla markaana ku sugnaa magaalada New York, in aysan wax faaido ah ka helin daawada hydroxychloroquine-ka .

Daraasad kale oo ay sameeyeen cilmi-baarayaal Faransiis ah ayaa iyana lagu sheegay in 84 bukaan oo qaatay daawada iyo 97 bukaan oo kale oo helay daryeel caafimaad oo caadi ah marka la is bar bar dhigo aysan waxba u kordhin daawadu bukaanada qaatay .

SourceL BBC