araweelonews-300x168Ceergaabo(ANN)Daraasiin Caruur ah, ayaa u dhintay Cudurka Jadeecadda dhawrkii maalmood ee u danbeeyay Deegaamo ka tirsan Gobolka Sanaag oo cudurkaasi ka dilaacay, kuwaas oo qaarkood aan wax war ah laga hayn sababo dhinaca Isgaadhsiinta ah awgood.
Wararka qaar ayaa sheegaya in ugu yaraan inta la ogyahay ay ku dhinteen meelo ka mid ah deegaamadaa 5 qof, halka warar kale oo laga helay qaar ka mid ah dadka deegaanku sheegayaan in tirade intaa ka badan tahay oo ay jiraan deegaamo aan wax war ah oo sax ah laga hayn, isla markaana la qiyaasayo inay dadka cudurkaa u dhintay gaadhayan, ama ku dhow yihiin laba Derzin.
Sidoo waxa jira warar sheegaya in dad gaadhaya 370 qof oo deegaamada cudurku haleelay ay la ila daran yihiin cudurka Jadeecadda, iyadoo aanay Wasaaradda Caafimaadka Somaliland wax jawaab ah ka bixin dhiilada kasoo yeeshay deegaamada Cudurku haleelay ee gobolka Sanaag, waxayna masuuliyiinta Wasaaradda Caafimaadku diideen inay wax jawaab ah ka bixiyaan xaaladda cakiran ee Cudurka ka dilaacay Gobolka Sanaag.
Xukuumadda Somaliland, ayaan ilaa hadda wax jawaab ah ka bixin dhawaaqyada lagaga dayrinayo xaaladda dadka deegaankaa ee Cudurka Jadeecadda, iyadoo Xukuumadda Somaliland iska dhega tirtay dhawaaqyada ka imanaya deegaamadaa ee lagu arkay cudurka oo kusii faafaya deegaamadda kale ee Gobolka, “Ma jirto cid gurmad noo fidisay, waxa keliya ee aan kuu sheegi karaa inay caruur baddan u dhimatay Cudurkaa boqolaal kalena u jiifaan, wax gurmad ahna weli kamaanu helin wasaaradda Caafimaadka, Xukuumadda kale iyo Hay’addaha Hargeysa jooga midna, sababtoo ah maamulka gobolka ayaa awalba aan ahayn mid shaqeeya. Sidaa awgeed waxaan ugu baaqayaa xukuumadda in dadka deegaamadda Cudurka Jadeecaddau haleeshay loo soo gurmado.” Sidaa waxa yidhi mid ka mid ah Odayasha Gobolka Sanaag oo lasoo xidhgiidhiy Shebekadda Araweelo News Network.

Araweelo News Network

Somaliland Office

info@araweelonews.com

jaamac132@gmail.com