Araweelo News Network

Madaxweynaha la doortay Muuse Biixi iyo Madaxweynihi saddexaad ee Somaliland Daahir Rayaale Kaahin

Hargeysa(ANN)-Madaxweynihii saddexaad ee Jamhuuriyadda Somaliland, mudane Daahir Rayaale Kaahin ayaa khudbad ka jeediyey madashii dhaarinta iyo xilwareeejinta madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka Jmahuuriyadda Somaliland, waxaanu yidhi”Waxaan yartaaban doonaa geeddi-socodkii dimuqraadiyadani kusoo beerantay, waxaan lahaa qorshaheeda iyo Barnaamijkeeda Alle haw naxariistee Madaxweynihii iga horeeyey AHU Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, Madaxweynahaasi inuu hirgeliyo doorashadii ugu horeysay ee nidaamka beelaha lagaga gudbaayey ee loogu gudbaayey nidaamka xisbiyada, wuxuu geeriyooday 03-May ayuu Pretoria ku geeriyooday, maalintii uu geeriyooday markii lay soo sheegay waxaan isugu yeedhay shir-guddoonkii labada golle iyo golihii wasiirada waxaanan u sheegay Madaxweynihii inuu geeriyooday, ka bacdi shir-guddoonkii waxaa la akhriyey dastuurkii islamarkiiba waxa lay dhaariyey Madaxweyne, taasoo iyada laftigeedu mucjiso ahayd oo wadamada caalamku ay la yaabeen isbedelka aan samaynano iyagoo ka shakisanaa maxaa dhici doona Madaxweynihii hadduu geeriyooday?, waxaa xusid mudan maalintaa kelmad aan halkaa ka idhi Madaxweyne Cigaal wuu geeriyooday cidnaba hiil ugama baahna maanta oo ILAAHIISII buu la joogaa, laakiin waxa qudha aan ugu hiilin karaynaa waxa weeye in aan sii wadno wixii uu ka tegay oo aanu halkaa ku burburin, taasoo aan ula jeeday doorashada iyo dimuqraadiyada in lasii wado ”.

06-May ayaa Alle haw naxariistee Berbera lagu aasay aad baan berrigaa u qeybsanayn oo mucaarid weyn baa jiray oo Gudoomiyaha guurtidu hoggaaminayo oo markaa Burco joogay hoggaaminayey oo markaa Xukuumaddii aan anigu Madaxweyne ku xigeenka ka ahaa kasoo horjeeday, laakiin nasiib wanaag Madaxweynihii markuu geeriyooday dhammaantayo waxaannu isugu nimi Aaskii heshiis baanu ku dhamaysanay amuurahayagii oo dhan wixii khilaaf jirayna halkaasuu nagaga baxay. Waxaan ballan qaaday markaa in Doorasho toosa la qabto, iyadoo markaa la yidhi Saddex sanno oo ku meel gaadha hay, waan diiday waxaan idhi maalin kuma darsanayee Doorashaa la gelayaa, berigaa intii ka horaysay Somaliand waxaa nalagu qiimaynayey in aan xoogaa ka nabad badanahay walaalahayaga Soomaaliya, laakiin doorashadii aan qabanay waxay noqotay mucjiso fariin u dirtay beesha caalamka oo dhan, Baarlamanka Ingiriiska ayey ahaayeen qolyihii ugu horeeyey ee wefti nooggu yimi ee taageero na siiyey, anigana waxay igu marti qaadeen Ingiriiska halkaasoo aan qeyb barlaamanka ka mida aan ka jeediyey qaddiyadda Somaliland”

Maanta waxaan xoogaa dardaaran ah siinayaa Madaxweynaha la doortay, Kow Madaxweyne hawl qabad baa looga baahan yahay wax kasta oo adeega inuu waddankan ka qabto, laakiin waxa ugu mudan ee madaxweyne laga rabaa waxaa weeye isku haynta iyo wada jirka ummaddan taasi waxaan kula dardaarmayaa Madaxweynaha cusub ee la doortay, Madaxweynihii horena wixii uu qabtay waan ku ammaanayaa, waxa kale oo aan Madaxweyne Muuse Biixi kula dardaarmayaa isaga iyo ku xigeenkiisa Madaxweynaha gaar ahaan waxaan kula dardaarmayaa, waa inay dadka reer Somaliland kuu wada siman-yihiin cid gaar ah oo iska soo qadinta oo dadka kalaanu kaaga dhawnahay tidhaahda waa in aanay meesha iman, waxaa muuqatay ololihii doorashadiina Xisbiyaan samaysanay in aan kaga baxsano beelnimada iyo qabyaaladda, qabyaaladu waa waxa ina burburinaya aakhirkeena ee ay ka dhammaan la’ayihiin walaalaheena Koonfurta Soomaaliya joogay, Xisbinimada in dib loogu soo dabaalo oo ay noqoto wax ka sareeya qabiilka taana waan kugula dardaarmayaa, waxaa kale oo aan kugula dardaarmayaa mudane Madaxweyne cidkasta oo aqoon leh iyo cidkasta oo waayo arag ah la tasho, balse ay noqoto go’aanku mid adiga kaasoo baxa, waa in aanay meeshaa jirin cid shaadhkaga gashata oo Muusaan ka wakiil ahay tidhaahda, waxaan ku rajeynayaa guul madaxweynaha xilka ka degayana nasiib wanaag iyo caafimaad baan u rajeynayaa.”