Hargeysa(ANN)- Xukuumadda Somaliland, ayaa si deg-deg ah uga hadasahy war-murtiyeed ay dawladda Dalka Djibouti kasoo saartay shirkii wada hadalada labada dhinac ee Somaliland iyo Soomaaliya ee 17 Jun la shaaciyay inuu soo dhammaaday, isla markaana la shaaciyay dhawr qodob oo la sheegay xilligaa in ay kasoo baxeen, iydoo dhinacyada ka qaybgalay ku laabteen Hargeysa iyo Muqdisho.

Shirkaa oo mar ku dhowaaday inuu burburo, ayaa xukuumadda Dalka Djibouti oo martigelisay ku guntatay, waxaana habeenimadii xilli danbe lasoo saaray shan qodob oo lagu sheegay wixii ay labada dhinac ee Somaliland iyo Soomaaliya ka socday isla gaadheen, (halkan Ka daalaco war-murtoyeedka 17 Jun 2020).

Hase yeeshee shan maalmood kadib waxay dawladda Dalka Djibouti shaacisay qoraal ay ku sheegtay war-murtiyeed, kaas oo ay iyadu soo saartay, iyadoo aannay dhinacyadu saxeexin, isla markaana soo baxay oo ku taariikhaysan 22 Jun 2020, ayaa loo qaybiyay warbaahinta Somaliland, iyadoo dawladda Djibouti soo marisay Madaxtooyadda Somaliland.

War-murtiyeedka ka daba yimi dhinacyada wada hadalku uga socday Djibouti, waxaa lagu xusay in Labada dhinac waxyaabaha ay ku heshiiyeen ka mid tahay in la aas-aaso Guddi Hoosaad kale oo Farsamo oo diirada saari doona in si wada-jir ah loo maamulo arrinta hawada Somaliland, waxaana qaybtaa iyo qaybe kale oo ku jira War-murtiyeedku abuureen doodo durba keenay qoonsimaad, iyadoo ay su’aalo baddan ka taagan yihiin war-murtiyeedka ay dawladda Djibouti keligeed soo saartay ee aannay saxeexin dhinayadii ay arrintu khusaysay oo laga daba keenay qoraalka dareenka ku dhaliyay in baddan oo bulshada Somaliland ah.

Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland, Yaasiin Faratoon oo markii uu dhanka Djibouti kasoo baxay war-murtiyeedka abuuray dareenka warbaahinta kula hadlay maanta Xafiiskiisa, ayaa sheegay in qaabka loo qoray war-murtoyeedka qodobka ka hadlaya Hawada uu yahay khalad madbici ah, wuxuuna sheegay in qodobkaas sax ku yahay in maamul loo dhanyahay loo sameeyo Hawada, walaw aannu sharaxaad waafiya ka bixin.

Sidoo kale, wasiir Faratoon, waxa la weydiiyay war-murtiyeedka waxa ka mid ah waxyaabaha ay Bulshadu qoonsatay qaybta ka hadlaysa Isdhexgalka Bulshada oo ay ku cusub yihiin Ciyaaraha iyo Fanka, balse Wasiir Faratoon in qodobkaasi saamayn siyaasadeed yeelanayo, wuxuu ku dooday in aannu wax dhibaato ah lahayn, balse qodobkan ayaa ah mid ay si weyn Bulshadu u qoonsatay, kaas oo ay dadka qaar ku macnaynayaan mid la huwiyay siyaasad la doonayo in Somaliland laga fuliyo siyaasadaha dawladda Federaalka ee Soomaaliya.

Hase yeeshee waxa muuqata in aannay weriyayaasha uu la hadlay wasiir Faratoon waxba ka weydiin sababta loo soo saaray war-murtiyeed uu qirayo kahladaad ku jira oo aannay labadii dhinac wada saxeexin, sida lagu yaqaan nidaamka War-murtiyeedyada laga soo saaro kulamada sidaa oo kale ah, isla markaana la loo soo saaray xilli ay labad wefdi ku laabteen Hargeysa iyo Muqdisho oo lasoo gebagebeeyay kulamadii wada hadalada shan maalmood ka hor.

 

War-murtiyeedka ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee soo baxa, iyadoo aannay dhinacyadu saxeexin, isla markaana ay soo saarto dawladda martigelisay wada hadalka tan iyo markii ay Somaliland iyo Soomaaliya yeeshen wada hadalada siddeed sanandoo ka hor.

Wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya ee soo jiitamayay ilaa 2012, kuwaas cariga Britain ka bilaabmay, balse istaagay March 2015, xilligaa la doonayay in ay kasii socdaan dalka Turkiga, waxay dib uga furmeen dalka Djibouti, 15 – 17 Jun 2020.

Si kastaba ha ahaatee Jawaabaha uu ka bixiyay Wasiir Faratoon qodobada war-murtiyeedka ee Bulshadu saluugtay, isla markaana ka muujiyeen dareenka shakiga xanbaarsan ee ka daba yimi farxadii iyo hugunkii Afar maalmood ka hor, markii ay wefdigii uu hoggaaminayay Madaxweyne Biixi kusoo laabteen dalka, ayaa noqonaya mid aannay Bulshadu ku qancin, waxaana xusid mudan in Xisbiga mucaaradka ee WADDANI, ku tilmaamay jawaabaha wasiirka kuwo aan xaqiidka ku fadhiyin, waxayna ka dalbadeen xukuumadda in ay bulshada u sharaxdo waxa la qarinayo oo runta loo sheego.

warmurtiyeedkadj