Araweelo News Network

Republican president-elect Donald Trump delivers his acceptance speech during his election night event at the New York Hilton Midtown in the early morning hours of November 9, 2016 in New York City. (Photo by AFP)

Republican president-elect Donald Trump delivers his acceptance speech during his election night event at the New York Hilton Midtown in the early morning hours of November 9, 2016 in New York City. (Photo by AFP)


Hargeysa (ANN)-Madaxda kala duwan ee dalalka caalamka, ayaa dareeno isku dhafan ka bixiyey Madaxweynaha cusub ee loo doortay dalka Maraykanka Mr. Donald Trump, kaasoo muddadii uu ku jiray ololaha jeediyey hadalo badan oo xaasaasiyad iyo cadho ku beeray caalamka.
Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa qoraal uu ka soo saaray xarunta Madaxtooyada xalay, waxa uu ugu baaqay Madaxweynaha cusub ee la doortay inuu ka shaqeeyo sidii uu u midayn lahaa daweynaha Maraykanka ee ku kala qaybsamay doorashadii dhacday maalintii Salaasadda.
“Anigoo ku hadlaya magacayga iyo ka dalkayga iyo dadkayga waxan kugu hambalyeynayaa guusha aad ka gaadhay doorashadii ay shacabka Maraykanku kuugu doorteen inaad noqoto Madaxweynahooda 45aad.
Mudane Madaxweyne, haatan oo doorashadii lagu kala calaf qaaday, waxa lagama maarmaan ah inaad ummadaada midayso oo aad u dammaanad qaado horumar iyo barwaaqo, mid kuu coddeeyey iyo mid kaa coddeeyeyba.
Dalka Maraykanka oo ah dal ay dunidu kaga dayato waxyaabo badan, gaar ahaan xagga xorriyada, dimuqraadiyadda iyo xuquuqda aadamaha, Dadkayga iyo dalkayga Somaliland waxay ku kalsoon yihiin in Xukuumadaadu ay sii wadi doonto gudashada xilka iyo waajibaadka Maraykanka kaga beegan Bulshada Caalamka,” ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland.
Faransiiska

Madaxweynaha dalka Faransiiska Mr. François Hollande, ayaa isna fariin hambalyo ah u diray Madaxweynaha la doortay ee Maraykanka Mr. Donald Trump, balse waxa uu sheegay in la galay xaalad hubaal la’aan ah, waxaannu yidhi; “Natiijada ka soo baxday (Doorashadii Maraykanku) waxay albaabka u furtay xaalad hubaal la’aan ah. Go’aanno uu qaatay Mr. Donald Trump xilligii lagu jiray ololaha ayaa u baahan in lagaga hortago, laguna waajaho qiyamka iyo masaaliixda guud ee aynu la wadaagno Maraykanka.”
Jarmalka
Sida lagu baahiyey wakaallada wararka ee AFP, haweenayda madaxda ka ah dalka Jarmalka Angela Merkel, ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay in Madaxweynaha la doortay ee Maraykanku jeediyey hadalo badan oo khilaaf abuuray muddadii uu ku jiray ololaha, kuwaasoo ay ka mid ahaayeen ballanqaad uu sameeyey oo ahaa inuu Maraykanka ka joojin doono in dadka islaamka ah safar ku tagaan si looga hortago falal argagixiso, arrintaasoo dareen xoogan ka abuurtay dunida muslimka.
“Jarmalka iyo Maraykanku waxay wadaagaan qiyamka dimuqraadiyadda, xoriyadda, ku dhaqanka sharciga iyo ilaalinta sharafta bani’aadamka, iyadoo aan loo eegayn asalkiisa, midabka, diinta, jinsiga iyo fikirkiisa siyaasiga ah…laakiin waxa aan filayaa in siyaasadda Arrimaha Dibadda Maraykanku qaadi karto jaho aan la saadaalin karin, arrimahaasna Maraykanka oo qudha ayuun baa go’aan ka gaadhi kara,” ayey tidhi Angela Merkel.
Ingiriiska
Ra’iisal-wasaaraha Ingiriiska Mrs. Theresa May, ayaa sheegtay inay sida ugu dhakhsaha badan xidhiidh ula samayn doonto Madaxweynaha la doortay ee Donald Trump si ay uga wadahadlaan wada shaqayntooda mustaqbalka, waxayna tidhi; “Waxa aan rajaynayaa in aannu Madaxweynaha la doortay ka wada shaqayn doono sidii loo sii xoojin lahaa xidhiidhka adag ee u dhexeeya Ingiriiska iyo Maraykanka.”
Waddanka Giriiga (Creece)
Warbixin ay baahisay wakaaladda wararka ee AFP oo Jamhuuriya soo xigtay xalay, ayaa lagu sheegay in Ra’iisal-wasaaraha dalka Giriiga Mr. Alexis Tsipras uu walaac ka muujiyey sida loo xaq-dhawri karo xuquuqaha dadka laga tirada badan yahay ee ku dhaqan Maraykanka muddada uu xilka hayo Madaxweynaha la doortay ee Donald Trump.
Shiinaha
Madaxweynaha dalka Shiinaha Mr. Xi Jinping, ayaa qoraal hambalyo ah u diray Mr. Donald Trump oo ku guulaystay doorashadii ka dhacday Maraykankan maalintii Salaasadda, waxaannu yidhi; “Waxa aan si aad ah u qiimaynayaa xidhiidhka ka dhexeeya Shiinaha iyo Maraykanka, waxaanan rajaynayaa in aynu ka wada shaqayn doono sidii loo sii ballaadhin lahaa xidhiidhka, waxyaabaha aynu isku maandhaafsanahay amma aynaan isku aragti ka ahayna xalkooda loo maro dariiq wax lagu dhiso, caqliyad saliim ah, khilaaf la’aan, la iskana ilaaliyo wax iska horimaad ah, lana muujiyo iskaashi labada dhinacba guul u ah.”
Talyaaniga
Ra’iisal-wasaaraha Talyaaniga Mr. Matteo Renzi oo isago si toos ah u taageersanaa in la doorto Hillary Clinton, ayaa haddana fariin hambalyo ah u diray Madaxweynaha loo doortay Maraykanka, isagoo sheegay in aannu waxba iska beddeli doonin xidhiidhka ka dhexeeya labadooda dal, balse uu sii xoogayn san doono.
Hasa yeeshee, Xisbiyada mucaaridka ah ee Talyaaniga ayaa dhaleecayn u jeediyey Ra’iisal-wasaarahooda, iyagoo ku haysta isbeddelka ku yimmi mawqifkiisii uu ku taageerayay haweenayda u sharaxnaynd xisbiga Dimuqraadiga Maraykanka, si degdeg ahna u hambaleeyey ninka uu mucaaridka ku ahaa ee Donald Trump, arrintaasoo ay ku tilmaameen mid hoos u dhigaysa sumcadda Talyaanigu ku leeyahay caalamka.
Dalka Iran
Madaxweynaha Iran Mr. Hassan Rouhani, ayaa isna fariin uu soo saaray ku sheegay in aannu waxba iska beddeli doonin heshiiska la xidhiidha nugliyeerka ee dalkiisu la galay dawladaha waaweyn, heshiiskaas oo uu si xoogan uga soo horjeeday Madaxweynaha loo doortay Maraykanka Mr. Donald Trump.
“Heshiiska caalamiga ah ee aannu galnay ma aha mid dal qudha uu dhankiisa uga bixi karo, xukuumad qudhana wax kama beddeli karto, sababtoo ah waa heshiis laga ansixiyey Golaha Ammaanka ee Qarammada Midoobay. Dawladda Maraykanku wax awood ah uma yeelanayso inay abuurto wax laga necbaysanayo Iran,” ayuu yidhi Madaxweynaha Iran.
Dhinaca kale, Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran, ayaa isna sheegay inay muhiim tahay in Mr. Donald Trump uu si dhab ah u fahmo, una barto xaqiiqooyinka waqtigan ka jira adduunka.
Israa’iil
Ra’iisal-wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu, ayaa si farxad ah u soo dhaweeyey guusha la yaabka ah ee Donald Trump ka gaadhay doorashadii Maraykanka, iyadoo uu Mr. Trump xiligii uu ololaha ku jiray ballanqaaday inuu safaaradda Maraykanka ee Israa’iil u soo rari doono magaalada barakaysan ee Qudus, arrintaas oo ka cadhaysiisay dad badan oo muslimiin ah.
Ruushka
Madaxweynaha Ruushka Mr. Vladimir Putin, ayaa noqday masuulkii u horeeyey ee fariin hambalyo ah u dira Madaxweynaha cusub ee Maraykanka Mr. Donald Trump, kaasoo xiligii ololuhu socday lagu eedayn jiray inuu xidhiidh qarsoodi ah la leeyahay Ruushka, waxaannu Madaxweyne Putin sheegay inuu ku rajo weyn yahay in wixii hadda ka dambeeya xal loo heli doono khilaafaadka xoogan ee u dhexeeya dalalka Ruushka iyo Maraykanka.
Dalalka Carabta, ayaa iyaguna dareeno kala duwan ka bixiyey guusha uu gaadhay Mr. Donald Trump, iyadoo doorashadiisa laga soo dhaweeyey dalalka Khaliijka, halka sidoo kale dawladaha muslimka ah badankoodu ay dareen taxadar leh ku qaabileen doorashada Madaxweynaha cunsuriga ah ee Maraykanka.
Qaaradda Afrika ayaa sidoo kale laga soo dhaweeyey Madaxweynaha loo doortay Maraykanka, iyadoo dhinaca kale ururrada xag-jirka ah ee ka samaysan dalalka Yurub ay si ballaadhan ugu farxeen in Mr. Donald Trump noqdo Madaxweynaha Maraykanka.